GABADHA IYO NINKA MIDKEE KU FIICAN SIRDOONKA?…W/Q:(Kamaal Marjaan)

Sannadkii 2008, magaalada Raleigh ee gobalka North Carolina, dalka Maraykanka, waxaa qabsoomay shir sannadeedka xeeldheereyaasha sirdoonka. Dadka ka soo qaybgalay waxa ay u badnaayeen saraakiil hore oo sirdoon, mawduuca sannadkaas lagu gorfaynayeyna waxa ay ahayd ‘Basaasidda jisniga loo adeegsado’ (Sex Espionage). Shirka waxaa si aad ah loogu lafaguray ragga iyo Haweenka midka ku fiican hawlaha sirdoonka, iyo sababaha ay ugu kala fiican yihiin.

Shirkaas dadkii hadlay waxaa ka mid ahaa Henry Guanidio, waxa uu ahaa baresare oo jaamacadda caanka ah ee California, ka dhigayey taariikhda.

Henry, waxa uu tiriyey qodobbo uu sheegay in sideedaba ay gabadhu kaga fiican tahay ninka, isla markaana ay yihiin sababaha ay gabadhu sirdoonka ugaga fiicnaatay. Waxaa ka mid ah:

1. In gabadhu ay ninka kaga fiican tahay qarinta, sirta ay doonayso in aan la ogaan.

2. In gabadhu ay ninka kaga fiicantahay, faafinta ku-tiri-ku-teenka iyo dacaayadaha. Taaso iyaduna u fiican hawlaha sirdoonka.

3. In gabadhu abuur ahaanba aanay jinsiga ninka la yidhaahdo ku kalsoonayn, sidaas awgeed uu ku abuuranyahay dareen xooggan oo dabagal iyo raadguris, si ay dhagarihiisa u ogaato. Dabeecaddanina sirdoonka muhiim ayaa ay u tahay.

4. Gabadhu waxa ay ku fiican tahay xasuusashada, is-xigxigga dhacdooyinka iyo taariikhda.

Xasuusashada dhacdooyinku sida ay isu raacraacsanaayeen, isuna xig-xigeen iyo taariikhdoodu, aad ayaa ay muhiim ugu tahay shaqada sirdoonka.

5. Gabadhu dabeecad ahaan kuma faanto guulaha shaqo ee ay gaadho, in qofku uu faan badnaadaa waxa ay kalliftaa in uu sheego siraha uu hayo, si uu caddayn uga dhigto. Taasina waa dabeecad kale oo sababaysa, in gabadhu ay ninka kaga fiicantahay hawlaha sirdoon.

 

#Akhriste, adiga ma kula tahay in dumarku ay shantaas dabeecadood kaga duwan yihiin ragga?

 

Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com