๐Š๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐๐ข๐ข ๐‰๐ฎ๐ฆ๐œ๐š๐ก๐š: ๐๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐š๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐ง๐จ๐จ๐œ๐ž๐ž? W/Q (Dr-Abdikarim D Hassan)

๐˜š๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฌ๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ด๐˜ช ๐˜ฒ๐˜ถ๐˜ณ๐˜ถ๐˜น ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฎ๐˜ฐ๐˜ธ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ถ๐˜ค๐˜ข ๐˜ถ๐˜ด๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ช๐˜บ๐˜ข๐˜ข๐˜ณ๐˜ด๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜บ ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ฐ๐˜ธ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ถ๐˜ค๐˜ช๐˜ช ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ญ๐˜ข๐˜บ ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฅ ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜ข-

Ereyga โ€œNaf- ุงู„ู†ูŽูู’ุณโ€ waxa Qurโ€™aanka lagu sheegay 295 jeer, isagoo macneyaal kala duwan xanbaarsan. Naf waxa lagu qeexaa โ€œawooda dhaqaajisa jiritaanka qofka, isla markaana jihaysa, kana masโ€™uul ah dhaqankiisa, hab nololeedkiisa, aragtiyahiisa, caadifadihiisa, qiyamkiisa, shahwadihiisa, wanaag ha noqdeen ama xumaane,โ€ si kooban waxa loo odhan karaa -naftu waa jiritaanka qofka. ูˆูŽู†ูŽูู’ุณู ูˆูŽู…ูŽุง ุณูŽูˆูŽู‘ุงู‡ูŽ; ููŽุฃูŽู„ู’ู‡ูŽู…ูŽู‡ูŽุง ููุฌููˆุฑูŽู‡ูŽุง ูˆูŽุชูŽู‚ู’ูˆูŽุงู‡ูŽุง ;ู‚ูŽุฏู’ ุฃูŽูู’ู„ูŽุญูŽ ู…ูŽู†ู’ ุฒูŽูƒูŽู‘ุงู‡ูŽุง; ูˆูŽู‚ูŽุฏู’ ุฎูŽุงุจูŽ ู…ูŽู†ู’ ุฏูŽุณูŽู‘ุงู‡ุงโ€ Ilaahay (Subxaanahu Wa tacaalaa) isagoo nafta ka hadlaya waxa uu leeyahay โ€œ Waxaan ku dhaartay Naf, iyo kii dhisay ama hanaankeeda isku toosiyay; kadibna ku ilhaamiyay madax adkaanteeda (dareensiiyay inay dariiqa toosan ka leexsan tahay) ama ay toosnaato oo ay alle ka cabsato. Waxa liibaanay qofka naftiisa nadiifiya โ€“ ku laylya alle ka cabsi iyo toosnaan, Waxaana hoogay qofkii hoos u dhigay ee ku wasakheeya xumaan iyo leexsanaan).

Waxa Alle- subxaanah- Qurโ€™aanka ku sheegay dhowr nooc oo Nafta baniโ€™aadanku leedahay kuwaas ku kala duwan siday u kala hogaamiyaan qofka iyo noloshiisa.

1.Naf xasiloon (ุงู„ู†ู‘ูุณ ุงู„ู…ุทู…ุฆู†ู‘ุฉ): nafta xasilooni waa nafta qofka iimaankiisu xoogan yahay. Waa qof damiirkiisa iyo caqligiisu ku adkaadeen jahaadkii ay kula jireen shahwada, ujeelanaanta macaansiga aduunka iyo gacan haadinka gabood falka. Naftaasi waa naf ku kalsoon dhitada Alle u yaboohay; waa naf ku kaaftoontay balan qaadka dhabta ah ee Alle, kadibna raali gelinta Alle uun u dhadhanto; yoolka ay u jirtaana uu yahay cadaalad iyo baadi doonka xaqa. Nafta noocan ah waa ta Ilaahay ku sheegay dhamaadka suurada Alfajra, isagoo leh โ€œูŠูŽุง ุฃูŽูŠูŽู‘ุชูู‡ูŽุง ุงู„ู†ูŽู‘ูู’ุณู ุงู„ู’ู…ูุทู’ู…ูŽุฆูู†ูŽู‘ุฉู, ุงุฑู’ุฌูุนููŠ ุฅูู„ูŽู‰ ุฑูŽุจูู‘ูƒู ุฑูŽุงุถููŠูŽุฉู‹ ู…ูŽุฑู’ุถููŠูŽู‘ุฉโ€ Nafyahay xasilooni, Ilaahay u noqo, adigoo raali ah, oo lagu raali geliyay.โ€ Darajada xasiloonidu waa midda ugu saraysa ee nafta baniโ€™aadamku gaadhi karto.

2.Naf hiif badan (ุงู„ู†ูŽูุณ ุงู„ู„ูˆู‘ุงู…ุฉ): waa nafta aan wali si taam ah u xasilin. Waxay ku dhacaysaa gabood fal, kadib way isasoo qabanaysaa, way is hiifaysaa, waanay toobad keenaysaa. Waxa wali ku dhex hirdamaya damiir nool, garaad baraarugsan iyo shahwadii iyo laaca aduunka oo u qurxoon. Waa nafta ilaahay ku dhaartay isagoo leh โ€œูˆูŽู„ุง ุฃูู‚ู’ุณูู…ู ุจูุงู„ู†ูŽู‘ูู’ุณู ุงู„ู„ูŽู‘ูˆูŽู‘ุงู…ูŽุฉู” waxaan ku dhaartay nafta is hiifidda badan- nafta is canaanata. Iskastoo ay badan tahay, hadana waa naf toosan oo ilaahay amaanay, waayo waxay ka xorowday kibir iyo is mahadin- labada xanuun ee keena in naftu gabood falka ku adkaysato, isuna cudurdaa.

3.Naf xumaan-far badan (ุงู„ู†ูŽูุณ ุงู„ุฃู…ู‘ูŽุงุฑูŽุฉูŒ ุจูุงู„ุณูŒูˆุก): waa naf saaxiibkeed ku riixda xumaanta, guracnaanta, iyo muquurashada danbiyada iyo macaansigooda.”ูˆูŽู…ูŽุง ุฃูุจูŽุฑู‘ูุฆู ู†ูŽูู’ุณููŠ ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽูู’ุณูŽ ู„ุงู…ู‘ุงุฑุฉ ุจุงู„ุณูˆุกุงู„ุง ู…ุงุฑูŽุญูู…ูŽ ุฑูŽุจู‘ููŠุŒ ุฅูู†ู‘ูŽ ุฑูŽุจู‘ููŠ ุบูŽูููˆุฑ ุฑุญูŠู… ”
Ilaahay waxa uu yidhi isagoo ka hadlaaya xaaskii boqorkii Masar xukumayay ee Nebig Yusuf xidhay โ€œberi yeeli maayo naftayda; waa naf xumaan far badan, middii Ilaahay u naxariistay mooyee; Ilaahay waa denbi dhaaf badan yahay waana naxariis badan Culimadu waxay leeyihiin in noocyada naftu ay darajooyin yihiin; qofku mid ayuu ka kori karaa oo ta ka saraysa ayuu u dalaci karaa. Isagoo xaalkiisu ahaa nafta- xumaan farida badan ayuu qalbigiisa iyo iimaankiisa ka shaqayn karaa oo kobcin karaa, kadibna waxa uu u dalacaa derajada Nafta hiifidda badan ee damiirkeedu nool yahay. Hadduu dedaalka sii wado, jihaadka naftana ku guulaysto waxa uu u dalacayaa Nafta xasiloon ee derajada โ€œtaskiyadaโ€ gaadhay. Waxa qofka la gudboon inuu derso nooca naftiisa, si uu uga howl galo inuu dalacsiiyo oo higsado xasilooni iyo xuriyad uu ku mutaysto raali ahaanta alle.

 

Bandhige@gmail.com