๐๐š๐๐š๐Ÿ ๐ˆ๐ง๐ง๐š๐ง ๐‘๐š๐ ๐š๐ฐ ๐–๐š๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ƒ๐ฎ๐ฅ๐จ๐จ๐›๐š๐š!. W/Q:(mo Awrful)

Nolosha qoysku waa muhiim, intabadana calmasho iyo cugasho uu calanka u sido caashaq ayuu xidhiidhkeedu ku bilaab-maa, islamarkaana xidhiidh-kaasi wuxuu isku sidkaa laba qof oo sinji ahaan kalagedisan Lab iyo Dhedigna kala ah, sidaasayna noloshu bah-wadaag uga dhigtaa iyo lamaane dhidibada utaaga qoys barr bilaw iyo bud dhig iyagu u yihiin lkn bulsho weyn ku danbayn doona.

Lamaanahani kadib guurkooda alle wuxu ku arzaaqaa nolol nuujinaysa dareemo sidda kalgacayl, jacayl, xubi, naxariis iyo xasilooni raaskooda ku nageynaysa rug-san iyo raasamaal haboon. halkaasaana ay nolol badhaadhe iyo sareedo barwaaqo qoys oo salka rays kula aroortay ku baashiraan.

Lamaanahan alle huga iyo asturaada iskaga dhigay, waxa dhicikara qaladaad dhex-dooda inuu yimaado dhankuu doonaba hakayimaadee laysku qoonsan-karaayo, xal u helidiisuna masuuliyad ay u baahantahay aan loowada sinayn. ninka ragana loobaahanyahay in si xilkasnimo leh u waajaho ismaan-dhaafka jirra, islmarkaana si guurtinimo leh uu kusoo gunaanado Finkasta oo fidmo iyo fad-qalalo u horseedikara qoyskan seeska u ah qaranimadeena.

Hadaba ayaan darooyinka aynu aragno; ninna maalin dhaweyd barraha bulshada inagula wadaagay waxa kamida, in odeygii reerku su’aal is-weydiiyo?, haddana isagii uu isku jawaabo. max-suulkii jawaabtiisana uu lamaantii noloshiisa ee oorida u ahayd uu ku xukumo, islamarkaana uu dhaawac ugu geysto mahadho ah.

Waxaan kafahmay in uu go’aan deg-deg ah, oo cadho iyo caadifadi ka buuxdo uu gaadhay, go’aankan uu gaadhay maaha mid uu ku niyad-sanyahay, waxaanu si qarsasho lahayn qiraal ugayahay inuu jecelyahay xaaskiisa kana maarmi-karin. wuxuu inoo sheegayaa inay talo ka hoostay siduu xalka mooday, faaladiisu waxay ina tusaysaa inuu isagu ka war-war badanayahay xaaskiisan uu xukunka ciqaabta ah ku riday, islamarkaana uu u nugulyahay ka maarankeeda, madaxeedana aanu u banayn karin.

Xaaskaaga xurmada leh iyo adigatoona ma waraysan, lkn adigu qudh iyo maan waxaad u qirsantahay in walaac badani kaa haysto kala maqnaan-shihiina, sidaas darteedna aad xukunkan ciqaabta ah kala qashaafi weydey inaad barraha bulshada noogu keento. bohol-yaw jacayl oo aanad ka bogsoon karin ayaad adigoo cadhaysan ka go’aan qaadatay, islamarkaana inaad dhibkii aad geysatay xalkiisii bulshadu kula baadi doonto ayaad doonaysaa taasina dhicimayso.

Qore:mo Awrful

Bandhige@gmail.com