๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ค๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐€๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ค๐ข๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ž๐Ÿ-๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐๐ค๐š W/Q:Dr-Abdikarim D Hassan

๐‘ฒ๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’๐’๐’•๐’Š๐’Š๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฎ๐’๐’–๐’•๐’†๐’ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ช๐’‚๐’”๐’†๐’Š๐’.

Sida ay sheegayaan daraasadihii ugu danbeeyay, ๐€๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ ๐ฌ๐ฉ๐ž๐œ๐ญ๐ซ๐ฎ๐ฆ ๐๐ข๐ฌ๐จ๐ซ๐๐ž๐ซ๐ฌ (๐€๐’๐ƒ) waxa uu ku dhacaa 250 ee caruur ahba mid; kuwaas oo ugu yaraan boqolkiiba sideetan waa wiilal. Boqolkiiba sagaashan caruurta ootiisamku ku dhaco waxa la xaqiijiyaa inta ay ku jiraan sadexda sano ee ugu horeeya cimrigooda. Ootiisamka waxa lagu gartaa astaamo tiro badan oo isugu jira kuwo dabeecadeed, qaar koritaan, qaar jidheed iyo kuwa garaadka ilma la xidhiidha. Ilaa hadda, ma jirto sabab gaar ah oo la odhan karo waxay keentaa Autismka; khubarada caafimaadkuna way ku kala aragti duwan yihiin sababa iyo siyaalaha uu usoo shaac baxo Autism ku. Taasaa keentay in lagu kala duwanaado maarayntiisana.

๐‘จ๐’–๐’•๐’Š๐’”๐’Ž-ka waxa inta badan weheliya xanuuno kale oo ay ugu caansan yihiin mushkiladaha dheef shiidku (๐ ๐š๐ฌ๐ญ๐ซ๐จ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ฌ๐ญ๐ข๐ง๐š๐ฅ ๐๐ข๐ฌ๐จ๐ซ๐๐ž๐ซ๐ฌ). Inkastoo mushkiladaha dheef shiidku ku badan yihiin caruurta Ootiisamka qaba, hadana way habsaantaa in dhakhtaradu si rasmi ah u xaqiijiyaan (delayed diagnosis) ciladan. Dhibaatooyinkaasi waxay caruurtan ku keenaan hurdo xumo, khalkhal maskaxeed iyo dabeecado ay adag tahay in la maareeyo. Mushkiladaha dheef shiidka ee Ootiisamka ku lammaan waxa ugu badan uguna muhiimsan cuntayn xumo (feeding problems) dhowr hab usoo shaac baxda. Dr Leo Kanner (Kanner., 1943) waxa uu ahaa dhakhtarkii ugu horeeyay ee cadeeya xidhiidhka u dhexeeya Ootiisamka iyo cuntayn xumada. Ilaa berigaas, waxa la daah furay in cunto xumadu ku badan tahay caruurta Ootiisamka qabaa shan jeer in ka badan kuwa aan Ootiisamka qabin.

Cunto xumada waxa ka mid ah ๐™›๐™ค๐™ค๐™™ ๐™จ๐™š๐™ก๐™š๐™˜๐™ฉ๐™ž๐™ซ๐™ž๐™ฉ๐™ฎ- ilmaha oo cuntooyin kooban uun ku dhegga oo cuntooyinka intooda badan diidda; ๐™›๐™ค๐™ค๐™™ ๐™ง๐™š๐™›๐™ช๐™จ๐™–๐™ก- cuntada oo gebigeedaba diido laguna kari waayo, taasi oo keenta miisaankiisa oo aad hoos ugu dhaca iyo nafaqo daro keeni karta xanuuno jidheed. Guud ahaan caruurta ootiiska ah waxa lagu yaqaan abateed xumo, marka loo eego caruurta koritaankooda maskaxeed fayowyahay. Daraasadaha qaar ayaa tilmaamaya in caruurta Ootiiska qabaa jeclaadaan cuntooyinka karbohaydaraytka ah ee sonkortu ku badan tahay iyo cuntooyinka la warshadeeyay (๐˜š๐˜ฉ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฑ ๐˜ฆ๐˜ต ๐˜ข๐˜ญ., 2013; ๐˜ˆ๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฏ ๐˜ฆ๐˜ต ๐˜ข๐˜ญ., 2001).

Waxa xusib mudan in marka la is dhinac dhigo caruurta ootiiska iyo caruurta kale ee la nool mushkiladaha maskaxda, cunto xumadu waxay ugu yaraan lix jibaar ku badan tahay caruurta ootiiska ah. Mushkiladaha dheefshiidka waxa ugu badan calool istaag, shuban goos goos ah, dibbiro, daac-qudhun iyo calool xanuun. Mukhkiladahaas, calool istaaga ayaa ugu sii badan ee caruurtan lagu arkaa, sababtuna, waxa la aaminsan yahay, in ay tahay qodobo dhowr ah oo isbiirsaday: ilmaha oo hadalku ku adag yahay oo aan awoodin inuu baahidiisa si la fahmi karo u sheegto, isagoo laga yaabo inuu leeyahay dabeecad suuli tag oo daryeelayaashiisu aanay fahamsanayn, iyo isagoo inta badan ka qalooda dadka ku cusub iyo meelaha bulshadu ku badan tahay (Gorrindo et al., 2012).

Arimahaasi waxay ilmaha ku abuuraan baqe iyo inuu xaajo gudashada ka fiigo, mudo badan saxarada isku xejiyo, taasina keento calool istaagga nooca loo yaqaan ๐’‡๐’–๐’๐’„๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐’„๐’๐’๐’”๐’•๐’Š๐’‘๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’ oo ay adag tahay in la maareeyaa. Waxa jira daraasado tilmaamaya in haddii calool istaagu ku xumaado, astaamaha kale ee ootiiskuna ku sii xumaadaan (Wang el al., 2011). Shuban goos-goos ah iyo laab dilaac ayaa ku xiga calool istaaga oo lagu arkaa caruurta ootiisamka qabta.

Sidoo kale, caruurta ootiiska ah waxa lagu arkaa mushkilado kale oo cuntada la xidhiidha; waxay u muhdaan oo ay cunaan waxyaabo aan cunto ahayn sida ciida, biraha, qoryaha yaryar, waraaqaha iyo wixii kasta oo gacantiisu gaadho. Xaalada waxa loo yaqaan PICA. Waxay noqon kartaa dariiq jidhka ilmuhu u sheegayo in nafaqooyinka qaar ka maqan yihiin. Xaaladan PICA nolosha ilmaha ay halis wayn gelin kartaa, waxaa dhici karta inuu walxo sun ah liqo, musbaar ama caag kuwaas oo mindhicirka awdi kara ama daloolin kara.

Caruurta ootiiska ah waxay cuntada u cuntaa degdeg iyo nasasho laโ€™aan. Ilmuhu cunto badan ayuu afka ku ururiyaa isla markaana isagoo si fiican u calaalin ayuu liqaa. Cunto qeedhi ama baarixi ah ayuu cuni karaa, haddii aan markasta isha lagu hayn. Taasi waxay keentaa cunto badan oo aan dheefshiidmin inay caloosha ku ururto, taasina sababto laab dilaac joogto ah iyo calool xanuun. Mushkiladaha cuntada la xidhiidha waxa uga sii dari kara haddii ilmaha ootiiska ah uu cuntooyinka qaar xasaasiyad ka qaado balse aan wali la ogaan.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Ž๐จ๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ค๐ข๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐ก๐ž๐ž๐Ÿ๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐๐ค๐š?

Khubarada caafimaadku way isku khilaafsan yihiin sababta mushkiladaha dheef shiidku ugu badan yihiin caruurta Autismka. Qaarbaa leh waxa jira hidesidayaal isku xidha labada ciladood; qaar kale ayaa aaminsan in duruufaha deegaanku qayb laxaad leh ka qaataan dhibaatada. Balse tobankii sano ee ugu danbeeyay waxa isasoo tarayay daraasadaha sheegaya in barootiinnada Gluten iyo Casein ay qayb laxaad leh ka qaataan ciladaha dheef shiidka ee caruurta ootiiska ah.

Hadaba, inta aynaan ka hadal sida barootiinnada Gluten iyo Casein uga qayb qaataan mushkiladaha dheefshiidka aynu isla eegno maxay yihiin labadan barootiin? Ugu horeyn, barootiinka Gluten waxa laga helaa cuntooyinka laga sameeyay sarreen, qamadi, ama heed (wheat, Rye, Barley), sida roodhida, baastada, inta badan buskudyada, iyo siiriyalka (cereals) lagu quraacdo. Halka barootiinka Kasiin (Casein) laga helo caanaha loโ€™da, riyaha iyo idaha iyo cuntooyinka saddexdaa caano laga sameeyo sida ciir-fadhida (Yogurt), farmaajada (cheese) iyo kiriimada lagu adkeeyo jalaatada (ice cream) iyo keega.

Sababta khubarada qaar u leeyihiin Gluten iyo Casein waxay kordhiyaan mushkilada dheef shiidka amaba waa u sabab, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiiqin, waxay tahay caruur badan oo Ootiis ah oo mushkiladaha dheefshiidku faro baas ku hayeen ayaa markii laga joojiyay barootiinnada Gluten iyo Casein, looga bilaabay โ€œ๐’ˆ๐’๐’–๐’•๐’†๐’ ๐’‚๐’๐’… ๐’„๐’‚๐’”๐’†๐’Š๐’ ๐’‡๐’“๐’†๐’† (๐‘ฎ๐‘ญ๐‘ช๐‘ญ) ๐’…๐’Š๐’†๐’•,โ€ ayay xaaladooddu aad uga raysay. Caruurtaas waxa fiicnaaday calool istaagii, hurdadii (improved sleep patterns) iyo abateedkii; waxa u kordhay deganaansho (calmness) isla markaana waxa horumar laga arkay xidhiidhkii ay dadka la samaynayeen (improved communications) (Huxham., 2012). Si dhamaystiran looma fahmin habka barootiinadaasi u saameeyaan mushkiladaha dheefshiidka, balse waxa la xaqiiqsaday inay si uun isugu xidhan yihiin.

Su’aasha iswaydiinta leh waxa weeye sidee barootiinada Gluten iyo Casein u sababi karaan mushkiladaha dheef shiidka ee caruurta Autimka? Intee ayayse leeg tahay faa’iidada cuntooyinka laga reebay barootiinadani? Mase la hubaa wax tarkooda?