๐๐๐๐ฆ๐ค ๐ข๐ ๐๐๐ก๐ ๐๐ค๐ค๐ฃ๐ฉ๐๐ 2030?
“๐ฏ๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ผ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐; ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ผ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐, ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐!!
Caalamka oo dhan waxa aad loo saadaaliya waxa iska dedeli doona suuqa shaqada, noocyada shaqooyinka kordhi doona, kuwa yaraan doona, iyo kuwa booskoodii Artificial intelligence ku buuxin doono,lagana maarmi doono. Waxa kale oo la qiimeeyaa sidee daโyartu shaqo ugu heli doonaan waxbarashada Jaamacadaha ee sanadaha badan lagu bixiyo. Maxaa la gudboon dowladaha si faca soo koraya loogu diyaariyo suuqa shaqada iyo wax soosaarta tartanka culus ka jiro.
Ugu horeyn, waxaad ogaataa aduunku maanta waa qol keli ah; sidii beryo loo kala qoqobnaa lama aha hadeer; dermo keli ah ayaa lagu wada fadhiyaa. Suuqa shaqaduna waxa uu noqday mid keli ah oo isa saameeya. Shaqo laโaanta Maraykan ka dhacdaa waxay saamayn toosa ku yeelan kartaa Africa; halka xirfadda iyo kartidda daโyarta Africa oo korodhaa ay saamayn toosa ku yeelan karto suuqa shaqada ee Maraykan iyo Yurub iyo dhaqaalaha qoyska reer galbeed. Sidaa darteed, iyadoo tartanku adag yahay, ayaa hadana la kala hor bilaabay; bulshooyin ayaa orod fagax ah ku jira, halka qaar kale talaabada diinka ku socdaan.
๐๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐๐๐จ๐ง๐จ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ ayaa ka mid ah ururada sida joogtada ah u saadaaliya suuqa shaqada ee caalamka (Global employment Market) isla markaana sanadkasta ka diyaariya warbixiyo hay’adaha dhaqaalaha, waxbarashada iyo dowlaadaha muxtarimka ahi ka talo qaataan. War bixintii ay sanadkan 2023 soo saareen waxay sheegtay in suuqa shaqada ee Wadamada horumaray soo kabteen, halka wadamada dunida sadedaad iyo kuwa dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay aanay wali kasoo kaban aafadii Covid-19. Qiimaha dhabta ah ee mushaharooyinka ayaa hoos u dhacay sababo ay ka mid yihiin qiimaha nolol maalmeedka oo aad u kordhay, dagaalo abuuray xaalado hubanti la’aan ah iyo daymihii iyo kaalmooyinkii dowladahan lasii jiray oo yaraaday.
Warbixinta World Economic Forum waxay xog ka ururisay 803 shirkadood, oo wadar ahaan shaqaalaysiiya 11.3 milyan qof, 27 urur-dhaqaale iyo 45 dhaqaale goboleed oo metela dhamaan dhaqaale goboleedyada aduunka. Waxyaabaha warbixintu diirada saartay waxa ka mid ah saamaynta tiknolajiyadu ku yeelan doonto suuqa shaqada iyo xirfadaha looga baahnaandoono shaqaalaha cusub ee suuqa soo gelaya, wax soo saaradda koraya iyo kuwa sii libdhaya ee tiknoolajiyadu meesha ka saari doonto iyo, ugu danabyn, isbedelada waa wayn ee suuqa shaqada caalamka ku socda.
Shaqooyinka shanta sano ee soo socda kori doona balse xirfadda lagu heli doonaa sii adkaan doonto waxa ka mid ah caafimaadka, adeega dalxiiska (hospitality industry), warshadaynta la xidhiidha batroolka iyo gaasta, iyo warshadaha culus. Waxa iyaguna aad u koraya shaqooyinka la xidhiidha waxa layidhaa โartifcial intelligeceโ, ilaalinta iyo gorfaynta xogta (cyber security and data analysis) iyo tamarka iscusboonaysiisa (technology of renewable energy). Kuwaas waxa ku sii xiga oo inkastoo koritaankoodu uu hooseeyo hadana wali loo baahan yahay shaqooyinka waxbarashada, beeraha iyo iib-geynta internetka, balse waxa aad u kordhi doona una adkaan doona xirfadaha kala duwan ee looga baahan yahay macalinka si uu usoo saaro shaqaale wax soo saarkoodu sarreeyo oo la jaan qaada dunida 2030ka.
Sida warbixinta WEF ee soo baxday sanadkii 2022, waxay tilmaantay, 34% shaqooyinka warshadaha waxa qabtay mishiino ku shaqeeya artificial intelligence kuwaas oo la filayo in sanadka 2027 ay gaadhaan 43 %. Taasi macnaheedu waxa weeye shaqooyin badan oo wakhtigan dad qabtaan, mishiinada ayaa la wareegi doona, dadkiina shaqo laโaan ayaa ku dhici doonta. Fursadda keli ah ee u furan waa in ay dib u tababartaan oo xirfad cusub oo shuuqa shaqada la jaan qaadaysa kasbadaan. Bangiga aduunka ayaa isna waxa uu eegay xirfadaha shaqaalaha wadamada dhaqaalahoodu korayo. Waxa uu tilmaayaa in 60% shaqaalaha hoose aanay lahayn xirfadii ay ku heli lahaayeen shaqo mushaharkeedu noloshooda ka fayn karo; 42% in ay ku shaqeeyaan xirfado laga baxay oo aan sii jiri karin; 37% hogaamiyeyaasha shirkadaha waawayn ee wadamada soo koroyaa malaha xirfad hogaamineed oo ay dhaqaalaha bulshada ku horu mariyaan.
Shaqo abuurka ka soo baxaya dhaqaalaha cagaaran (the green economy) oo ah dhamaan farsamooyinka lagaga hortagayo saamaynta taban ee isbedelka cimilada ayaa isna aad u kordhi doona. Dhaqaalaha cagaaran waxa uu kordhi doonaa 54%, halka dhaqaalaha meel ay kasoo gasho AI uu kordhi doono 48%. Waxa hubaan ah in dowladaha aan daโyartooda u diyaarin isbedelka dhaqaale ee socdaa ay ka qadi doonaan koboca dhaqaalaha, ayna soo food saari doonto deganaansho laโaan bulsho iyo kacdoono.
Xirfadihii soo jireenka ahaa ayaa iyaguna culays la kulmi doona. Beero-falatada iyo xoolo-dhaqatada ayaa iyagunu caydhoobi doona hadii aanay horumarin degdeg ah oo gun iyo baar ah ku samayn xirfadooda. Xaalufka deegaanka iyo aafooyinka dabiiciga ee ka dhashay isbedelka cimiladu ogolaan maayaan in sidii hido raaca ahayd ee xoolaha loo dhaqan jiray lagu sii noolaado; baahida cunto ee bulsho kastaa way ka badan doontaa wax soo saarka beeraha yaambada iyo qindiga qofka keli ahi ku tabco. Haddii aan aqoonta casriga ah ee beeraha la soo waaridin, beerolaydana lagu tabo barin nidaamka casriga ah, cunto ayaar joogto ah ayaa bulshada ku habsan doonta, sidaa waxa sheegtay warbixinta hayโada beeraha ee FAO. Hab nololeedkii bidaaรญga ahaa wuu dhamaaday, bulshadii ka kori waydana, waxa hurran macaluul iyo baro bax.
๐๐๐๐๐ ๐ก๐ ๐๐จ๐ช๐๐ช ๐๐๐ฎ๐๐๐ง๐๐ฎ๐๐ ๐จ๐๐๐ฆ๐ค๐ค๐ฎ๐๐ฃ๐ ๐ ๐ข๐ช๐จ๐ฉ๐๐ฆ๐๐๐ก๐ ๐-
Antonio Gutteres, xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isagoo ka hadlaya shirkii horuminta waxbarashad Afrika ee Transforming Education Summit, 2022 waxa uu yidhi
โ๐ถ๐๐๐
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐
๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐
๐๐๐๐
๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐, ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐’๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
”
Manhaj gaboobay, tababarka macalinka oo gaboobay, nimaadka wax baridda oo gaboobay, ayaa ardayda ka dhigay kuwo aan lahayn xirfadihii ay ku dhex mushaaxi lahaayeen caalamkan degdegga isu bedelayaโ ๐ธ๐ข๐ฅ๐ข๐ฏ ๐ฌ๐ข๐ด๐ต๐ข ๐ฐ๐ฐ ๐ข๐ข๐ฏ ๐ฅ๐ช๐ฃ ๐ถ ๐ฉ๐ข๐ฃ๐ข๐บ๐ฏ ๐จ๐ถ๐ฏ ๐ช๐บ๐ฐ ๐ฃ๐ข๐ข๐ณ ๐ข๐ฉ ๐ฌ๐ถ ๐ด๐ข๐ฎ๐ข๐บ๐ฏ ๐ฃ๐ข๐ณ๐ข๐ด๐ฉ๐ข๐ฅ๐ถ ๐ธ๐ข๐น๐ข ๐ถ๐ถ ๐ฉ๐ข๐ญ๐ช๐ด ๐ถ๐จ๐ถ ๐ซ๐ช๐ณ๐ข๐ข ๐ช๐ฏ ๐ญ๐ข๐จ๐ข ๐ต๐ข๐จ๐ฐ ๐ฐ๐ฐ ๐ถ๐ถ ๐ฌ๐ฆ๐ญ๐ช๐จ๐ช๐ช ๐ด๐ช๐ญ๐ค๐ฐ, ayuu raaciyay. Nasiib daro, sanad kasta waxaynu soo saaraa arday kumanaan ah oo aan lahayn xataa xirfadaha aasaasiga ah ee shaqo raadinta, isla markaana aan kasban karti muuqata oo ay wax soo saarka dalka kaga qayb qaataan. Waa aafo qaran oo u baahan in badbaadin degdeg ah laga sameeyo.
Sida ay sheegayso war bixin UNICEF iyo UN tu sanadkii 2022 soo wada saareen, wadamada Saxaraha ka hooseeya, oo aynu inaguna kuwa ugu liita kujirno, 87% caruurtu waxay ku jiraan wax barasho tayadeedu liidato, mana awoodaan in ay qoraal kooban oo curis ah sameeyaan ama furfuraan masalo xisaabeed la daโah marka ay shan iyo toban jir sadaan: waa daโda caruur badan oo Afrikaan ah ay wax barashada kaga tagaane! Sanadka 2030 waxa loo baahan doonaa 1.7 milyan macalin si loo gaadho Universal primary and secondary education.
Daโyarta u dhexaysa 15-24 sano ee tababar xirfadeed ku jirtaa waa 3% kali ah. Bal inagana suurayso. Mushkilada ina haysataa waxay leedahay saddex xaglood- daโyarta waxbarasho ku jirta oo aad u yar, waxbarashad ay ku jiraan oo aad u liidata, iyo suuqa shaqada oo aad uga koraya xirfada ay sanadaha badan ku qarash gareeyaan.
๐๐๐ก๐ ๐ช ๐ฌ๐๐ ๐ข๐๐ญ๐๐ฎ?
๐๐ ๐๐โ๐ฎ๐๐ง๐ฉ๐๐๐ฃ๐ ๐๐ฎ๐ฃ๐ช ๐ช๐๐ช ๐๐๐ฎ๐๐๐ง๐๐ฃ๐ค ๐จ๐๐๐ฆ๐ค๐ค๐ฎ๐๐ฃ๐ ๐ ๐ข๐ช๐จ๐ฉ๐๐ฆ๐๐๐ก๐ ๐ ๐ฌ๐๐ ๐๐ฃ ๐จ๐๐๐๐๐ญ ๐๐ฌ๐ค๐ค๐๐ ๐ก๐ ๐๐จ๐ช๐๐ช ๐๐๐๐ฎ๐๐: ๐๐๐๐๐ก๐๐ฃ๐ฉ๐, ๐๐๐ฃ๐๐๐๐ ๐, ๐๐ฎ๐ค ๐๐๐๐ข๐ช๐ก๐ ๐. Ogow sida ay u kala horeeyaan ayay u kala halbowlaysan yihiin. Haddiiba taagi yaraato oo mid uun ku tuntuunsada la yidhaa Macalinka weeye. Manhajka sanad kasta lama bedeli karo, xawaaraha ay ku socoto koritaanka aqoonta iyo xirfaduhuna waxay u baahan yihiin macalin aqoon sare iyo xirfad sare leh oo hadba horumarka xirfadeed ee soo kordha ardaydiisa u gudbin kara iyadoo manhajka la bedelin.Maalgelinta waxbarashada waa in mudnaanta koowaad la siiyo, waxa soo raaca caafimaadka da’yarta.
Ugu danbayn, waxa xaqiiqo ah in aynaan tartanka loogu jiro shaqooyinka mustaqbalka aynaan wali bilaabin; iska dhaafe, maynaan hawaysanba. Haddii aynaan baraaruginna, waxa hubaal ah in tuugsi iyo bahdil umadeed aynu ku hagaasi doono.
Qore : Dr-Abdikarim D hassan
Bandhige@gmail.com