10 Astaamood oo uu leeyahay saaxiibka dhabta ah (WQ: Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”)

10 Astaamood oo uu leeyahay saaxiibka dhabta ah:

1: Waa qof kula jaanqaadi kara fikir ahaan iyo da’ ahaanba

2: Waa qof jecel in aad u guulaysato sida uu u guulaysan lahaa, wanaag oo dhanna kula jecel

3: Waa qof ku qabta marka aad khaldan tahay, si naxariis lehna wax kuugu sheega

4: Waa qof kula qaybsan kara marxaladaha adag iyo kuwa farxadeedba

5: Waa qof aanad agtiisa niyad-jab ku dareemin oo aad ka shiidaal qaadato, kulankiisana firfircooni iyo niyad wanaag aad ka dhaxasho.

6: Waa mid haddii ay xurgufi idin dhex marto aan buunbuunin ee ku illooba wax isku ahaanshihiina

7: Waa qof kaala hadla dantaada iyo wixii kuu wanaagsan.

8: Waa qof kuu jiida dhanka khayrka iyo xidhiidhk Alle

9: Waa qofka ugu horreeya ee kugu taageera wanaaga qirana awooddaada

10: Waa qofka ku siiya taageero caadifadeed (Emotional support) waqtiga aad u baahan tahay.

Saaxiibka noocan ah, ย haddii aad haysato ilaasho waa mid qiimo badane, ugana mahadnaq halkan๐Ÿค—

WQ: Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”

#Tudhaale2020