Xamar adduunyadii aad ayey u ga yaabisay! (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Xamar, adduunyadii aad ayey u ga yaabisay! waxa ay leedahay COVID-19 si waalli ah ayuu u fidayaa. Dorraad waxa la gu baadhay Xamar 47 ruux, 36 ka mid ah ayaa cudurkii la ga helay ayey yidhaahdeen! Shalay ayey mar kale baadhis 25 qof ah sameeyeen, waxa ay sheegeen in 19 ka mid ahi cudurka qabaan! Marka la isku geeyo baadhista la sameeyey labadii cisho ee u dambeeyey waa 72 ruux, inta la ga helayna waa 55. Boqollaydu waxa ay sheegaysaa in labadaa maalmood dadkii la ga helay cudurku ay ka noqdeen 76.4% tirada la baadhay!

Waa wax aan adduunka meelna ka dhicin. Dalka UK oo ah meelaha ugu daran adduunka isla shalay waxa cudurka la ga baadhay 19,316 ruux, waxa la ga helay 4,457 ruux,taas oo ka dhigan in 23% dadkii la baadhay la ga helay. Waxa aynnu ognahay in labada waddan Somalia iyo UK uu cudurku ku badan yahay UK, taa shaki kuma jiro si walbana waa ay u muuqataa, WHO iyo adduunyaduna waa ay ka dharagsan tahay in sidaa xaal yahay.

Haddaba waxa iswayddiintu tahay Xamar maxaa ka socda? Waa maxay buunbuuninta intan le’eg ee COVID-19? Sheegista tiradan xad-dhaafka ah maxaa la gu doonayaa? Ma muddo xileedkaa la rabaa in la gu korodhsado? Ma lacag iyo qaadhaan shisheeyaa la gu doonayaa? Waa sidee xaalku? Waa maxay sababta ay Muqdisho u noqotay xaruntii faafista cudurka COVID-19? Su’aalahaas oo dhan ayaa la rabaa in la iswayddiiyo.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud