Dhakhaatiirta New York ee la tacaalaya bukaanka COVID-19 ayaa caddeeyey in ay la kulmeen xaalado muujinaya dhaawac uu Fayrasku u geystay maskaxda bukaanka. Taas oo ay sheegeen in ay ka badan tahay intii laga filanayey in ay sababto dhibaatada dhinaca neefsiga ah ee xanuunku keenayo.
Dr. Jennifer Frontera oo ku xeeldheer caafimaadka neerfaha kana tirsan cisbitaalka jaamacadda Lagoon ee degmada Boorklyn, New York ayaa sheegtay in xaaladdan soo korodhay ay keenayso in wax la iska weydiiyo illaa xadka uu Fayraskani saamayn karo maskaxda iyo habdhiska neerfaha.
Waxaa arrintan u marag kacaysa daraasad uu toddobaakdii hore faafiyey joornaalka ‘American Medical Association (JAMA)’ oo baadhitaan lagu sameeyey 214 bukaanka COVID-19 ee China ka mid ah, in boqolkiiba 36 lagu arkay xaalado caafimaad darro oo la xidhiidha neerfaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin dareenka urta oo taga, neerfayaasha oo qofka xanuuna, suuxdin ama xitaa dhiigga oo maskaxda qaybo ka mid ah ka istaaga ama carqaladooba taas oo keenaysa xaaladda ‘Stroke’ loo yaqaanno.
Xaaladaha dhinaca neerfaha iyo maskaxda la xidhiidha ee lagu arkay bukaanka COVID-19 waxa kale oo laga soo sheegayaa dalka Faransiiska. Iyada oo dhinaca kalana Dr. S. Andrew Josephson oo madax ka ah waaxda Neerfaha ee jaamacadda California dalka Maraykanku uu wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in dadka badankiisu ku mashquulay keliya hadalka sheegaya in xanuunkani uu neefsiga dhibaato ku keenayo, laakiin ay runtu tahay in uu sida oo kale dhaawac gaadhsiinayo maskaxda.
Waxa aanu qalad ku tilmaamay talada ah in qofka bukaanka ah ee guriga isku baxnaaninayaa uu dhakhtarka tago oo keliya, haddii ay neefti qabato. Isaga oo ku taliyey, “Haddii aad dareento jaahwareer, ama aad isku aragto dhibaato dhinaca fikirka iyo shaqada maskaxda ah, waxa aad u tagtaa dhakhtar.”