Marxuum Ibraahim-Dheere ma u qalmaa in lacagta somaliland lagu sawiro? (WQ: Cabdikariim Xasan Ismaaciil “Qurusdoon”)

Qiyaastii toban sanno ka hor, aniga iyo koox tobaneeyo ah oo ka tirsan asxaabtaydu waxaan nasiib u helnay in aanu kulan caways ah Maansoor Hotel kula qaadano Madxaweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa Guddoomiye-Xigeenka 1aad ee Kulmiye. Wuxu ahaa caways aad u wacan oo lagaga sheekaystay taariikho badan oo dadku soo maray, halgankii SNM iyo dib-u-dhiskii dalka. Mid ka mid ah sheekooyinkii habeenkaa i soo jiitay ayaan jeclaystay in aan halkan idinkula wadaago.

MW Muuse Biixi wuxu nooga warramay in wakhtigii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Madaxweyne Cigaal wefti uu isagu hoggaaminayo oo golihii wasiirrada ee wakhtigaas ah safar qaadhaan-ururin ah ugu diray Jabuuti. Hadafkoodu wuxu ahaa mid aad u weyn, kaas oo ah in ay soo ururiyaan 12 milyan oo Doollar oo dhismaha dawladnimada lagu dhaqaajiyo.

Waxay shir isugu yeedheen dhammaan tujaartii waaweynayd ee reer Somaliland oo wakhtigaa badankoodu Jabuuti ku noolaa. Shirkaa waxa ka maqnaaday Ibraahim-Dheere oo sheegay in isagu aanu diyaar u ahayn shir Jabuuti ka dhacaya in uu ka qaybgalo, laakiin marka uu dalkii ku noqdo uu si gaar ah ula shiri doono xukuumadda Somaliland, wixii ay uga baahan tahayna la eegi doono.

Ganacsatadii Jabuuti aad bay uga yaabeen xaddiga lacagta ay Somaliland weydiisatay. Saacaddii koowaad ee shirka waa la waayey cid ku dhiirata in ay ballanqaad samayso. Laakiin sida uu MW Muuse noo sheegay ganacsade Juujuule ayaa ku dhiiraday in uu ku dhawaaqo bixinta milyankii ugu horreeyey. Intii kalena waa ay kaga daba dhawaaqeen ninba wixii uu karayey. Weftigii wuxu la soo noqday guul iyagoo soo ururiyey lacag ku dhaw 7 milyan oo Doollar.

Hase ahaatee dhaqaajinta dawladnimadu waxay ahayd mid aad u hawl badan aadna u kharash badan. Waxa socotay xerayntii iyo hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka. Sidoo kale waxa socday dhismaha ciidamada kale duwan iyo siinta mushaharooyin ku filan. Lacagtii wakhti gaaban gudihii ayay lagu kharash gareeyey. Kadibna waxay xukuumaddu u baahatay kharash cusub, gaar ahaan waxa loo baahday lacag lagu hirgaliyo hadafka ah in Somaliland soo daabacato lacag u gaar ah.

Markii uu Ibraahim Dheere Hargeysa yimid ayuu Madaxweynuhu u yeedhay. Wuxuuna ka codsaday $5 milyan oo Doollar. Ibraahim wuu yaabay, dhawr jeer ayaanu ku celceliyey โ€œLacagta intaa leeg waa maxay sababta aad ugu baahan tihiin.โ€

Madaxweyne Cigaal wuxu Ibraahim tusay faylka shirkadda lacagta laga soo daabacayo. Nasiib wanaag Ibraahim wuxu gartay shirkaddii, wuxuuna qorshihii u arkay mid macquul ah, wuxuuna bixiyey 5tii milyan oo dhamaystiran, sidaas ayaanay ku suurtogashay in la hirgeliyo lacagtan ay Somaliland maanta isticmaasho. Markii ugu horaysay ee aanu anigu shakhsiyan arko lacagta Somaliland, waxan qiyaasayaa in ay ahayd November 1994.

5 milyan oo Doollar sida muuqata lacag intaa aad uga badan ayay noqonaysaa haddii lagu qiimeeyo wax ay maanta noqon lahayd. Ummad kastaa ciddii wax tartay qaddarin iyo xishmad ayay u haystaa. Wakhtiyadu isku mid maaha ee ciddii wakhtiga adag wax tartaa waxay u qalantaa in la maamuuso. Suโ€™aashu waxya tahay Ibraahim Dheere maxaynu ku xasuusanay ama ku maamuusnay? Aniga waxay ila tahay in lagu soo sawiro mid ka mid ah noodhka lacagta uu inoo soo sameeyey, taas oo door udub-dhexaad ah ka ciyaartay hirgelintii dawladnimada Somaliland. Adiga maxay kula tahay?

Sheekadani waxay ku tiirsan tahay xasuustayda. Haddii aan wax ilduufay waxa i isixi doona saaxiibadaydii aan habeenkaa wada cawaynay.