10 Ficil Ood Ku Garan Karto Inay Ku Jeceshahay (WQ: Muniir Ibraahim Garnayl)

10 Ficil Ood Ku Garan Karto Inay Ku Jeceshahay.

1. Haday farriinta telefanka (text message) sida whatsapp, messenger ama snapchat iyadu markasta kuu soo hor dirto ama kula soo hor hadashaba way ku jeceshahay.

2. Haday waxkastood tidhaahdo ku qososho, xataa wax aanad uga jeedinba inaad kaga qoslisona way ku jeceshahay.

3. Haday suโ€™aalo mala awaal u badan oon xidhiidhkiina khusaynin inta badan ku weydiisana way ku jeceshahay.

4. Haday markay ku aragto qososho ama dhoola cadayso way ku jeceshay.

5. Haday kulankaaga xiisayso oo kasoo hormarto wakhtiga balanta way ku jeceshahay.

6. Haday kugu ciyaar badan tahay, tusaale ahaan haday kaasoo garaacdo telefano kale oo kolba kugu dheesho way ku jeceshahay.

7. Haday erayada aad hal-hayska u leedahay iyaduna hal-hays ka dhigato way ku jeceshahay.

8.Haday dumar kale quruxdooda faalo ka bixi marmar ku tidhaa way ku jeceshay.

9. Haday magacyo kala duwan oo ay qaar iyadu kuula baxday iyo qaar kaleba kuuga yeedho way ku jeceshahay.

10. Haday talo ku weydiiso ama kula socodsiiso amuuraha nolosheeda adiga oon ka wareysan way ku jeceshay.

Xuquuda : Khabiir Sare Arimaha Jacaylka Xeel Dheer Mr Wise Man. kkk