Yaa fasaxa ciidanka habeenkii dadka guryahooda ugu daata (WQ: Mustafe Kaydsane)

▪ Yaa fasaxa ciidanka habeenkii dadka guryahooda ugu daata, sharcigee baa taas jideynaaya?
▪Waa maxay dadkan la leeyahay saq-dhexe ayaa guryaha loogu dhacayaa; ma argagixisaa mise waa eedaysanayaal caadi ah?
▪Aaway Maxkamadihii soo qori lahaa amarka soo qabashada eedaysanayaasha?
▪Muwaadiniinta maxaa sida argagixisada loogu fasaxayaa ciidanka #RRU, ee caruurta iyo haweenka saqda-dhexe guryahooda loo galalafayaa?
▪Dhibta ay ciidamadaasi geystaan xagee baa looga dacwoodaa?
▪Qofka eedeysanaha ahi ma dambiile sidiisaa loola dhaqmaya mise waa “bari’i ilaa inta lagu cadaynayo dambiga lagu soo oogay”?
▪Xagee bay salaadu ka xidhmi la’dahay?
▪Yaaku badheedhsan in sharciga la baal maro?

Sharcigu ha sareeyo