1991kii markii Somaliland ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda may jirin dawlad soomaaliyeed qaranimadii soomaaliyeed ee ku timi midnimadii 1qii July 1960kiina kamay dambayn dhamaadkii xukunkii Maxamed Siyaad Barre.
Somaliland markaa si ay uga badbaadiso dadkeeda dawlad laโaanta Somaliya ay wakhtigaasi gashay waxay garatay inay dib ula soo noqoto madaxbanaanidii ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska iyo qaranimadii ay tuurtay 5 maalmood oo keliya ka dib markii ay heshay. Hadii aanay sidaa yeelin ee ka dhursugi lahayd dawlad soomaaliyeed xaalka Somaliland maanta waxba kamuu duwanaadeen ka Somaliya Hargeysana Ciidami shisheeye ay joogi lahaa. Waxaynu ognahay in muddo ka badan 28 sanadood oo Somaliland ay madaxbanaanideeda haysatay aanay dunida dal keliyana ka helin aqoonsi waana sax in la iswaydiyo waayo?
laakiin nasiib darro la isa waydiin diyaarna looma aha in la iswaydiiyo ee laf ayuun baa toobin lagu hayaa. Tabo iyo xeelado cusubna lagama fakirin waddadii hore oo ta ilaa maanta la hayo ahina inay soo oodanto ayaa suurtogal ah hadii aan talalada la rogrogin tu walbana la isa sarin oon laba tagoogoodna la isa saarin.
Dhinaca kale wadamada ay Somaliland tirsanayso ee laga yaabo inay u taaqaano saaxiibada ugu dhaw waxa ka mid ah beryahan dambe Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga oo iyagu hogaaminaya xulafadii ka dhanka ahayd dawladda Qadar. Kuwwasi ayaa marka ay tahay aqoonsiga Somaliland ka soo horjeeda oo aan ogolayn marka aynu run ka hadlayno. Hadana waynu ognahay oo Xulafada iyo Qadar dhex kamay ahayn Somaliland khilaafkooda ee waxay toos ugu hiilisay xulafada maxayse ka dheeftay een ahayn colaad loogu qaaday oo kor iyo hoosba loola dagaalamay iyadoo kuwii ay u hiilisay ee Berbera Deked iyo Madaarba ku wareejisayna ay ku daawanayaan.
Somaliland markii ay taageeraysay xulafada waxa ugu muhiimsanaa ee ay waydiisatay wuxu ahaa dhoofkii xoolaha oo isha dhaqaale iyo nolosha dadka Somaliland ah inay u furaan laakiin nasiib darro kamay aqbalin markaa ma la odhan karaa Imaaraadku waa saaxiib mukhlis ah oo danaynaya danta dadka saboolka ah ee Somaliland mise iyaga ayaaba ka cadawsan kuwii ay ka raacday ee aan wax ay yeeleen jirin laakiin maanta dhan walba dabka gaga shiday. Waddamo badan oo markii hore taageeray xulafada Khaliijka ayaa markay runtii arkeen dib uga noqday taageeradii xulafada oo raaligelin siiyay Qadar oo ku biiray mawqifka dhexdhexaadka ah ee hore ay u taagnaayeen Kuwait iyo dalka Cumaan. Malaha Somaliland lafteeda ayaabay danteedu tahay inay ku dayato dalka Marooko oo kuwa mawqifkoodi saxay ka mid ah. Hadii kale Kuwa dhoofkii xoolaha ee nolasha dadka Somalind ahaa ilaa maanta diidan abaalmarin ha looga dhigo taageero aanay geyin kana mutaysanin dakka saboolka ah ee Somaliland.