Xeeladda waraysiga xog baadhka ah

Haddii qof wax qarinaya aad doonaysid inaad xog kasoo saartid u xeeladayso habka su’aalo waydiinta. Markiiba ha kula boodin su’aasha aad doonaysid inaad khaladka kusoo caddaysid ee u dhibri marka hore oo waydii su’aalo marka uu ka jawaabo dabinka ku ridaya, ha illaawin qodobadan.

– Ha waydiin su’aal aadan jawaabteeda hayn.
– Ha waydiin su’aal aan ujeeddo lahayn.
– Ha waydiin su’aal jawaabteedu kooban tahay.
– Ha qaadan xog aadan xaqiijin
– Haka tagin akhlaaqda iyo daganaanta.
– Ha quursan la waraystaha.
– Ha waydiin su’aal aan dhex dhexaas ahayn.
– Ha u dayn khudbad dheer
– Haka mashquulin dhagaysiga jawaabta.

Waraystaha wanaagsan laguma qiimeeyo su’aalaha wanwanaagsan ee waxaa macne u sameeya jawaabaha uu helo.

Jawaabta aan xog kusiin waa wakhti khasaaray ee ku celi illaa aad xog caqli gal ah ka helaysid oo ogoow waxaa jawaabta dhagaysanaya mid kaa xog ogaalsan ee yaan lagugu caayin “Ma hubsade weelka loo buuxiyay dadka kusoo hurgufa”

Aan kuugu soo gabagabeeyo taladan inaan ku xasuusiyo ” War kastaa waa been inta aan la xaqiijin” ha qaadan xog been ah.

Xigasho:- Koronto Academy