Wadaadnimadu ma diin baa? Q.1aad (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Waa suโ€™aal in badan la I wayddiiyo, waana xujo looga dan leeyahay in wadaadnimada laga xuubsiibo diinta, si wax ka sheegidda wadaadku aanay ugu eekaannin in diinta islaamka wax laga sheegayo.

Haddaba bal jawaabta suโ€™aashaas iyo qiimaha xujadaas si aad u fahanto si deggan oo maan-maalid ah u akhri dooddan:

Digaale: Horta Awdaahirow had iyo goor wadaaddada wadaaddada halla daayo ayaad ku dooddaaye, wadaadku ma diin baa, maxaad cidda ka hadasha uga dhigtaa in ay diinta ka baxday?

Daahir: Digaalow, waa suโ€™aal fiicane, horta wadaadnimada maxaad u taqaannaa? Hadda kuma wayddiinin wadaadka ee waxa aan ku wayddiiyey sifada wadaadnimada ama wadaaddowga?

Digaale: Wadaadnimo ama wadaaddowโ€ฆ. Een een, dee wadaadnimadu waa wax uun diinta ku xidhiidhsan.
Daahir: Waa isku day fiican oo daacadnimo ka muuqatoe, I dhegayso aan kuu soo dhoweeyo macnaha wadaadnimada e.

Wadaaddowgu waa โ€œYeelasho dhaqan diineedโ€, Afcarabiga waxa ay ku noqonaysaa โ€œุงู„ุชุฏูŠู†โ€, taa macnaheedu waxa weeye wadaadnimadu waa in uu qofku yeesho dhaqan diineed oo toosan, dhaqanka diintu amrayso ee Alle oggolyahay, waxa kale oo soo geli kara aqoonta diinta wax la xidhiidha, asalku se waa camalka oo waxa lagu wadaaddoobaa ku dhaqanka diinta.

Digaale: Sidaa aad u macneysay meel loo dhaafaa ma jirto, oo dee askarinnimo waa sifo ciidanka la xidhiidha, sidaas oo kale dhakhtarnimo waa sifo aqoonta caafimaadka la xidhiidha, tanina waa la mid oo wadaadnimo waa wax diinta la xidhiidha, intaa qof caqli ahaan qaangaadh ahi ma diidi karo.

Daahir: Garashada ha waayin, haddaba, haddaynu isla aqoonsannay in wadaadnimadu tahay โ€œYeelasho dhaqan diineedโ€, miyaad igu diiddan tahay in ay ka dhaqan dhigashada diintu madlab sharci ah tahay, waxa aan u jeedaa amar diineed tahay?, u malayn maayo in uu jiro qof muslim ah oo aan rumaysnayn in diinta Islaamku waxa ay amartay uu yahay wax wanaagsan uun.

Digaale: Haa, diintu wax kasta oo ay amartay ama ammaantay waa wax fiican, laakiin wadaadnimaduโ€ฆโ€ฆ een eenโ€ฆ. Mooji, ma sidaasaa.

Daahir: Digaalow, horta garasho fiican waan kugu ogaan jiray berigii hore, laakiin, yaan lagaa badinin ayaad marar qaarkood caqligaaga u illowdaa, waar miyaanad imika markaan lahaa wax wal oo diintu amartay waa wax fiican miyaanad madax ii ruxayn oo igu waafaqsanayn?, miyaynaan isla qirin in wadaadnimadu tahay in dhaqan-diineed la yeesho?

Digaale: Intaa waan kula oggolahay, laakiin wadaadnimadu in ay fiicantahayโ€ฆmmmmm, horta bal sugโ€ฆeen een, meel kale ka eeg, dee wadaaddo badan oo laga cabanayo ayaa jira, sidee baa markaa loo odhan karaa wadaadnimadu waa wax fiican.

Daahir: Digaalow, is deji oo ha ka boodin waxa aynnu ka hadlaynno, sifada wadaadnimada ayaynu ka hadlaynaa, ha ila doonan cidda ku sifowday, taas waynnu u tegaynnaa, imika waxa aad ka dhigantahay nin oggol in islaamnimadu fiicantahay, haddana leh ma fiicna mar haddii ay jiraan dad argagixiso ah oo muslim ahi?, waar muslimnimada iyo muslimiintu waa kala labo, sidaas oo kale wadaadnimada iyo wadaaddadu waa kala labo ee horta in aad qirtay in wadaadnimadu tahay wax fiican dee hadal ha gelinnin oo ha is burinnin.

La soco qaybta danbeโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.

Dr-Abdulqani Hussein Beder