Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo maanta Hawada Galisay Website-keeda ka dib markii lagu sameeyay Dib-u-habayn iyo Casriyayn

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay si rasmi ah u baahisay mareegta (Wesbsite-ka) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Website-ka wasaaradda ayaa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo casriyayn kaas oo loo qaabeeyay hab waxtar leh oo laga heli karo xogtii looga baahnaa wasaaradda oo dhammaystiran isla markaana xanbaarsanaan doona warbixin joogto ah isla markaana laga heli karo website-yada haayadaha dawliga ah ee kale ee ay wada shaqaynta dhaw leeyihiin wasaaradda.
Muhiimadda website-ku waxa weeyaan in ay wasaaraddu yeelato goob ay ku soo ban-
dhigto wax qabadkeeda iyo goob ay ku wada xidhiidhaan dadweynaha ay u adeegto si daahfuran (transparency).

Website-ka wasaaradda waxa loogu talogalay in uu xog siiyo qaybaha kala duwan ee bulshada gudo iyo dibad ba; sida: shaqaalaha, cilmi-baadhayaasha, cashuur-bixiyayaasha iyo deeq-bixiyayaasha intaba.

Si aad u booqato website ka, waxaad guddo gashaa website ka wasaaradda.

somalilandmof.org