10 Qodob oo ay siyaasiyiinta reer Somaliya ka been sheegaan (WQ: Muuna Maxamuud Toosane)

1. Xuduudaha Afrika u kala qaybsan tahay waa kuwo ay calaamadiyeen gumaystayaashii reer Yurub. Waana xuduudaha haatan dunidu isu aqoonsan tahay ee lagu dhaqmo.

2. XUDUUDDA SOMALILAND SOMALIA MA AQOONSANA, HADDANA XUDUUDDA SOMALIA IYO ETHIOPIA WAY AQOONSAN YIHIIN: Xuduudaha kala qaybiyey SHANTA Soomaaliyeed, waxay la mid yihiin Xuduudaha gumaystayaashu caalamka kala dhex dhigeen, waxaana heshiis rasmi ah ku galay oo aqoonsaday xuduudaha Somaliland, dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska oo kala xukumayey qaybaha kale ee Soomaalida.

3. SOOMAALIDA DAWLADNIMADEEDII MA GUMAYSTAYAASHII AYAA KALA QAYB-QAYBIYEY: Ma jirto dawladnimo Soomaaliyeed oo lahayd xuduudo la yaqaano oo ka horreysey, Dawladnimadii laga dhaxlay gumaystayaasha reer Yurub, wixii ka dambeeyey 1884.

4. ARAGTIDA SOMALIWEYN EE XAMAR LAGA JECEL YAHAY: Aragtida ah, in la raadiyo Soomaaliweyn ama la isu keeno shanta Soomaaliyeed waxaa horseed u ahaa, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeday Maxmiyaddii Ingiriisku Maamulayey ee “Somaliland British Protectorate”.

5. DAWLADNIMADA SOMALILAND: Dawladdii Soomaaliyeed ee Xor noqota ee lahayd xuduudo la aqoonsan yahay, waxay ahayd “Somaliland” oo xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska 26/06/1960.

6. SOMALILAND DAL JIRA MA AHAYD? Xorriyadda ka hor, Somaliland waxay lahayd dastuur loo codeeyey, baarlamaan la soo doortay, gole xukuumadeed, passport iyo calankii gumaystaha dalka maamulayey.

7. MA GOBOLAA ISRAACAY MISE DAWLADO? 01/07/1960, waxaa israacay “Somaliland” iyo “Somalia” oo wada dhistay “Jamhuuriyaddii Soomaalida” ama Somali Republic, sida ku cad qodobada 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 5aad ee heshiiskii israaca ee uu saxeexay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan 31/01/1961.

8. MAGACA SOMALIA YAA ISKA LEH? YAASE KA BAXAY WIXII LAGU MIDOOBAY? Magaca “Somalia” wuxuu gaar u yahay dhulkii uu gumaysan jiray Talyaanigu, hase ahaatee, taariikhda meelna kagama qorna, in labadii dhinac ee heshiiyey ay magaca Somalia ku heshiiyeen, hase ahaatee labada dhinac ee israacay waxay ku heshiiyeen “Jamhuuriyadda Soomaalida” ama “Somali Republic”, sidaas awgeed, mar haddii Somalia ay la soo noqdeen magacoodii oo ay ku dareen weliba Jamhuuriyadda Federaalka Somalia oo ay ka guureen magacii lagu heshiiyey ee ahaa Somali Republic ama Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaa marag ma doon ah, inay iyagu ka baxeen midnimidii lagu heshiiyey lixdankii, sidaas awgeedna Somaliland iyana waxay dib ula soo noqotay magaceedii hore ee ahaa Somaliland.

9. GOBOLLADA WOQOOYI MA KELMED SIYAASADEED BAA MISE TAARIIKH BAY LEEDAHAY? Magaca Gobollada Woqooyi, ma jirto meel uu taariikhda kaga jirto, marka la tixraaco dhammaan heshiisyadii iyo qoraalladii la galay, hase ahaatee waa kelmed lagu qarinayo taariikhda iyo jiritaanka Somaliland. Ciddii taariikh tixraac leh u haysa hasoo bandhigto.

10. SOMALIDU MA AFAR QAYBOOD BAA MISE SHAN SOOMAALIYEED AYAA JIRA? Xaqiiqada rasmiga ahi waa shan Soomaaliyeed ayaa jira, waa Somaliland, Soomaaliya, Djibouti, Soomaalidaadawlad deegaanka Soomaalida  Ethiopia iyo Soomaalida dega Kenya ee NFD. Haddiiba la isla qirsan yahay inay jiraan shan Soomaaliyeed oo kala duwani, oo xuduudo kala leh, maxaa keenay in siyaasiyiinta Somaliya ku murmaan xuduudaha midawga Afrika iyo adduunka kaleba aqoonsanyihiin?

 

W/Q:  Muna Mahmud Toosane