Milicsiga suugaantii Hadraawi: buurta DAALO (WQ: Cabdi Caawiye)

wuxuu hoga tusaalaynayaa oo uu shareerid iyo buunbuuninta afka qanniga ah ee Soomaaliga ku kala bixinayaa quruxda, qiimaha, deegaanta, dalsan nimada iyo bilicda la yaabka leh ee uu Allah ku manaystay buurta Daalo marka aad akhriskeeda ama dhagaysigeeda dhex gasho waxa dubaaqaaga hor kusoo dhacaaya malaha hadraawi kama hadlaayo aduunka ee jannadii ayuu hogatusaalaynaya.

Degaan ahaan waxay dhacdaa Gobolka quruxda iyo taariikhda ee Ceerigaabo.

wuxuuna yidhi

 

Daaloo korkeedii

Figta iyo daruuruhu

Isku soo durkeenoo

Ceeryaamo daahii

Ku dallaalimaysoo

Dirir gaaxdey mirayoo

Todobaad ku da’ayoo

Danabkiyo hilllaacii

Isu daba mareenoo

 

Onkodkuna dayaankii

Dhulka dakharo yeeloo

Casar gaaban daadkiyo

Durduradu kulmeenoo

Isku soo darmeenoo

Isla dulundulceeyeen

Jarar moosa dumiyeen

Hadba daw samaysteen

Shinbiruhu mar duuleen

Marna soo degeenoo

Damaloo dhan qariyeen

Dananka iyo foorida

Darandoori heeseen

Dayaxiyo cadceedduna

Dacallada ka joogaan

Isha daawanaysaa

Kola daali maysee

Bal aan daaha aan rogey

Halal kale ku sii daro

 

Dal ahaanna waa gobol

Dullo iyo baannanba leh

Badna way la deris thay

Duni weeye cimiladu

Dardarteeda dhigatoo

Waxa loogu daray taas

Inta qurux u damac roon

Cirku dooba kama dhigo

Degmo weeye hodanoo

Dooxooyin madhaxliyo

Deegaan ma guurtiyo

Ilo wada darrooriyo

Doog aan is dhalan rogin

Dayib geed la magic baxay

Dahab hoosta yaallaa

Dalag looga dhigayoo

Cudur kama dilaacoo

Dulin kama abuurmoo

Dabar-gooye kama dhicin

 

Waa degel qabow oo

Qorrax diib is marisoo

Jidhka aan damqayn baa

Loo soo deldelayoo

Dadku kuma gabooboo

Nimankii Darwiishkii

Kula jiray dagaalkoo

Weli doob la moodaa

Birta daabka haystoo

Gala duullinmaadkoo

Iyagaa dorraatiyo

Taariikhda duuga ah

Dhul fog looga doontaa

Duunyadiisu waa geel

Daran iyo tigaad cuna

Ido deexda lagu dhaqo

Ardo lagu dabbaal dego

Carro weeye dihinoo

Dirka magac ugaadheed

Lagu soo dareershoo

Farow iyo dibtaag baa

Derrimaha ku fara badan

Cawl-aan didaynoo

Cidi aanay dilinoo

Qofna aanu dabannoo

Dibindaabyo aragoo

Dannigii ka ba’ay baa

Dugsanaysa xoolaha

 

Dad ahaanna waa qaran

Waa duul is wada dhalay

Qalo iyo dir sooc ma leh

Dab dhexdooda kama huro

Weligood ma diriraan

Isma doca-doceeyaan

Dumar kama baroortaan

Dooxatiyo wereentiyo

Budhcad duusha kuma maqal

Daandaansi ma oggola

 

Xumo uma dulqaataan

Nabaddana ma diidaan

Deeq kuma masuugaan

Doodna waa yaqaanniin

Diricyaa ka kacay badan

Damdamtiyo mashxaraddiyo

Sacabkana ma daayaan

Danna kama fogaadaan

 

Nin dabali wadatoo

Waxaan ahay dalxiis iyo

Doolaalo keentoo

Deg-deg baa I soo galay

Dibna waan u kacayaa

Dunta gabaygu leeyahay

Kama xulan hal-doorkii

Dulucdiina kama bogan

Balse daymo halacsiga

Kolley doorkan manta ah

Halkaas aan ku dagagaro.

 

Qalinkii Cabdi Cawiye 

shaywaal12@gmail.com