Nuxurka heshiiskii midaynta labada dal “Woqooyi & Koonfur” (WQ: Xamse Maxamed Muuse)

Qaarbaa erayga dal aan u oggolaynba Somaliland,hadda imika ma aha,waa 60kii markii la midoobayay ee labada dal la kala ahaa, Markaa in aan idhaahdo “ka naxoow ku nuxuus oo nafta waa” sow daw noqon mayso. ‘Haa’ iyo ‘Mayaba’ waan filayaa.

waxa mahad iska leh Allaha dadka garaadka leh carabkooda noogu sugay in aanu ahayn dal jira oo madax banaan.

Xaashee ninkii libin kaa xasdiyey xumuhii waayaabe.Salaan Carabay ayaa intaa laga hayaa. Waxba yaanu hadalku ila sii durkine intan ila dhugta:

“baarlamaanka daaaqiliga ee gobollada Woqooyi shir uu yeeshay 6/4/1960kii wuxuu si buuxda isugu waafaqay in shuruud la’aan la mideeyo Koofur & Woqooyi, iyadoo isla shirkii laga magacaabay wafdi iskudhaf ah: SNL & USP oo loo diray xagga Muqdisho. 16/4/1960kii waxaa Xamar ku shiray ergadii Woqooyi ka timid iyo ergo laga xulay SYL, xaraarada xiisaha Soomalinimada oo xilligaas aad u sareysay darteed, raggii loo xilsaaray inay ebyaan unuggii aas-aaska u noqon lahaa midnimada Soomaaliweyn, iyagoo aan si taxadar leh uga baaraandegin, arrimo u baahnaa in si qotadheer loo lafaguro, waxay si fudud oo weliba shafawi(oral) u badan,isku raaceen:

• Maadaama Soomaalidu ka mideysan tahay diin, hidde,dhaqan,luqad,midab,isla markaana aysan jirin wax deegaankeeda kala qeybiya, sida bad iyo buur, Koofur & Woqooyi waa inay shuruud la’aan midoobaan.

• In Jamhuuriyadda Soomaaliya tahay qaran dhan kasta ka midaysan oo leh Madexweyne, RW iyo barlamaan ka kooban 123 mudane, 90 koofur iyo 33 Woqooyi.

• Caasimadda Jamhuuriyaddu waa Muqdisho, dalkuna wuxuu u qeybsan yahay 8 gobol, lix Koofur & laba Woqooyi.

• In la isku daro ciidamda iyo shaqaalaha Koofur iyo Woqooyi ee u kala shaqeeya labadii isticmaar

Jamhuuriyaddii dhalatay 1/7/1960kii waxay si ficil ah u dhaqangelisay afarta qodob ee sare ku xusan, sidaas awgeed waxaa lagu tilmaami karaa saldhigga heshiiskii midayntii Koofur & Woqooyi.

Waxgaradkii bartamihii Abril 1960kii Xamar ku shiray oo loo aqoonsan yahay aabbeyaashii aas-aaska u jeexay israacii Koofur iyo Woqooyi,go’aankoodii taariikhiga ahaa wax raadraac qoraal ah oo laga sameeyey,kolley hadda ka hor lama soo bandhigin,aniguna ma arkin. Runtii waa ka baxsan tahay moorada maangalka in go’aan culayskaas leh oo lagu midaynaayo laba dal. Lagu dhammeeyo heshiis oraaheed ah oo aan la diiwaangalin. Cabdiqaadir Aroma.

وللحديث بقية…….

 

La soco qaybta labaad…….