11-ka wakhti ee ugu macaan nolosha!

Noloshu waxay ugu macaan tahay

  1. Marka aad jacayl u qaaddo xaaskaaga (in aad ogaatid inaad aad u jeceshahay xaaskaaga).
  2. Marka aad dhammeysid imtixaankii u danbeeyey (maalinti u danbeysay imtixaannada).
  3. Marka aad soo toosto oo ogaatid in aad daqiiqado kale hurdi karto.
  4. Marka aad telefoon ka heshid qof aad runtii aad ugu xiistay.
  5. Marka aad eegtid qofaad jeceshahay ee aad aragtid qofkii oo adigana ku soo eegaya.
  6. Marka aad aragtid asxaabtaadii hore oo ay ku dareensiyaan sidii aad berigii hore ee aany waxba iska bedelin ahaan jirteen.
  7. Marka aad farriin telefoon ka heshid qof aad jeceshahay adigoo kaligaa ah
  8. Marka aad taabatid faraha ilmaagii oo hadda dhashay
  9. Marka adigoo kaligaa dariiq lugeenaya habeen deggan aad xasuusatid maalmahaagii wanaagsanaa
  10. Marka aad dareentid dareentid in uu jiro qof si dhab ah arrimahaaga u daneenaya
  11. Qodobka u danbeeya waxa weeye in aad akhriyeyso qodobadan adigoo si dhaba u dareensan arrimahan aanu soo qornay haddana dhoola caddeynaya. Waa arrin annagana na farxad-gelinaysa. Dhammaantiin aad baanu idiin salaamaynaaa.

W.Q. Ina Siciid

bandhige@gmail.com