Xisbiga Waddani oo ku gacan-saydhay qorshaha muddo-kordhinta, kalsooni darrona ka muujiyey Guurtida

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa ku gacan-saydhay qorshe ay Golaha Guurtidu ku doonayaan in ay ugu kordhiyaan xukuumadda muddo 17 bilood iyo badh ah, taas oo macnaheedu yahay in doorashadu qabsoomayso November 2016.

Wakhtiga cusub ee Golaha Guurtidu soo jeediyeen wuxu 5 bilood iyo badh ka badan yahay wakhtigii ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland sheegeen in ay doorashada ku qaban karaan kaas oo ay ku qanceen saddexda xisbi qaran. Haddii qorshahaas la raaci lahaa doorashadu waxay qabsoomi lahayd 1-da June 2016.

“Umaddu 1da Juun bay taagnayd, xisbiyadaa taagnaa, international community-ga (bulshada caalamka) ayaa taagnayd. Sidaas daraadeed noomay muuqan kalsooni halkii hore loogaga guuro meel aan la garanayn. Mar haddii aanu waynay kalsoonidii Golaha Guurtida, kalsoonidii Shir-guddoonka, kalsoonidii Madaxweynaha annaga go’aankayagu waxa weeyi in doorashadu 1da Juun dhacdo” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

“Waxanu markii hore ku ballanay in saddexda xisbi, Madaxweynaha iyo Golaha Guurtidu qorshaha iska arkaan. Taasi ma ay suurto gelin.” ayuu raaciyey Guddoomiyuhu.

Hase ahaatee xisbiga talada haya Kulmiye iyo UCID oo ah xisbiga labaad ee mucaaridka  ayaa labaduba saxeexa ku duugeen in ay ogolaadeen qorshahan cusub ee ay soo jeediyeen Golaha Guurtidu. Lama oga in Guurtidu u joojin doonto Xisbiga Waddani iyo in ay ku kaaftoomi doonaan ogolaanshaha labada xisbi ee kale.

Dadweyne kala aragti duwan oo Bandhige la xidhiidhay ayaa qaarkood muujiyeen in qorshahani yahay mid macquul ah isla markaana muddadan Guurtidu ku dareen ay tahay wakhti lagu durki karo haddii jadwalka doorashada ee Komishanku soo jeediyey wakhtigiisa ku qabsoomi waayo halka ay dad kalena aad uga biyo-diideen soojeedintan kuna tilmaameen mid aan loo fadhiyin.

Dadka arrimaha xisbiyada u dhuun-daloola ayaa aaminsan in xisbiga Waddani aanu ka biyo-diidsanayn oo kaliya 5ta bilood ee lagu kordhiyey jadwalkii ay hore u ogolaayeen laakiin ay sheed ka arkayaan wax aan dadka hadda u muuqan sidaas daraadeedna ay go’aansadeen in ay mowqifkooda u caddeeyaan taageerayaashooda iyo daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Halkan ka daawo weedhihii Guddoomiye Cirro.