12 arrimood oo ku cusbaa doorashada Somaliland (WQ: Xasan-Nuur Xaaji Cabdi)

Doorashadii taariikhiga ahayd ee Somaliland ka qabsoontay 13-kii November waxa ku cusbaa 12-kan arrimood:

  1. Waa doorashadii ugu horeysay ee madaxweyne la doortay aanu mar labaad is sharaxin.
  2. Waa doorashadii ugu horeysay ee ay is badalayaan laba madaxweyne oo la doortay oo isku xisbi ah.
  3. Waa doorashadii ugu horeysay ee lagu doortay madaxweyne ka yimi gobolka Maroodi jeex.
  4. Waa doorashadii ugu horeysay ee lagu doortay madaxweynihii ugu codka badnaa.
  5. Waa doorashadii ugu horeysay ee lagu galo habka biometric vote.
  6. Waa dooraashadii ugu kaambeynka iyo xamaasada badneyd.
  7. Waa doorashadii lagu galay dhaqaalihii ugu badnaa ee xisbiyadu isticmaalaan.
  8. Waa doorashadii laga sameeyey heesihii iyo gabayadii ugu badnaa ee kaambeynka.
  9. Waa doorashadii ugu horeysay ee sanaaduuq geysa dhul cusub oo ka tirsan sool iyo Sanaag.
  10. Waa doorashadii ay ugu badnaayeen observers ka caalami ga ah.
  11. Waa doorashadii ugu qurba joogta badneyd.
  12. Waa doorashadii ay isku seegaan tiradii ugu badneyd oo qoysas lamaane ah asxaab iyo ehel.

Dhamaad

Guul somaliland dal mid ah dad mid ah oo ictiraaf hela.