17 October: Maaha Maalinta Xuska Shuhadada SNM ee waa Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland (WQ: Maxamed Cirro)

Go’aan ka soo baxay kal-fadhigii 23-aad ee ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markii ay ahayd 18 October 2018, ayaa lagu shaaciyey in 17 October loo asteeyo inay noqoto maalinta Geesiyaasiyaasha Qaranka Somaliland, iyadoo ay noqonayso maalin ay wada leeyihiin dhammaanba halgamayaashii kala dambeeyey ee u soo dagaalamay xorimadda dalka Somaliland, laga soo bilaabo halgankii Daraawiishta, halgankii SNM ilaa naftood-hurayaasha ilaa maanta heeganka u ah difaaca qaranka Somaliland.

Haddaba, waxa aan baraha bulshada ku arkayaa dad weli u haysta in 17 October ay tahay maalinta Shuhadada SNM oo soo dhigaya fariimo ay ku hambalyeynayaan SNM oo qudha, markaa waa in dadka reer Somaliland ay la socdaan isbeddelka maalmaha taariikhiga ah ee qaranka, Khamiista berri ee ay taariikhdu tahay 17 October 2019 waxa la xusayaa maalinta geesiyaasha qaranka Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay muddo hadda laga joogo sannad Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu yidhi; “Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo tixgalinaya mabaadiida aas-aasiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sooyaallada halgamadii taariikhiga ahaa ee dalka soo maray, sida Halgankii Gobonnimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimada, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonnimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka  naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka, waxay go’aamiyeen in maalinta Xuska Shuhadada SNM ee 17-ka Oktoobar magaceeda loo beddelo xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland ee 17-ka Oktoobar.”