“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.
Dareenkii Dadka
Arrintaasi waxa ay soo dedejisay in dabayaaqadii sannadkii 1981 kii xabsiga loo taxaabo dhallinyaradaas oo lagu eedaynayo inay duminayeen qarankii ay doonayeen in ay dhisaan. Ficiladaas samadawdarnimo waxa ay sababtay kacdoonkii ardaydu hagayeen ee Hargeysa ka dhacay bishii Febarweri 20-keedii ilaa 23-keedii ee sannadkii 1982 maalintii Sabti ee maxkamadda la keenayey dhallinyaradaas xidhxidhnayd ee UFFO.
Markii laga war helay ee la ogaadey in berrito aroornimadkii (20/02/1982) inammadii UFFO maxkamadda la keenayo ayaa waxa bilaabmay ruxan weyn oo runtii magaalada gilgiley oo ku baahayey habeenkii oo dhan. Guuxa dadku meel walba wuu ka hugmayey. Goraddaa dadku is gelinayeen meel kasta magaalada habeenkaas. Intii is taqaanney ama macaariif ahaydba si gooni ah ayay wax u wada gorfaynayeen.
Waxa laga sinnaa dareen ah in arrinta inammadu iska dhan tahay oo wax maxkamadi xukumaysaa aanay hadda jirine xukun hore loo sii qorsheeyey oo dil ah uun ay maxkamaddu ku dhawaaqi doonto, sidii markii dambeba dhacday ee madaxaa ha ku furto iyo sannadaha badan inammadaas caasha loogu geliyey. Sidaas darteed waxa lagu wada qanacsanaa in berrito maxkamadda lagu wada kallaho. Dad badani habeenkaas il iyo baal isuma aanay keenin oo jiif iyo joogba waa la is diiddanaa. Gogoshoo la dayrshiyo galgalashaa lagu waaberiistey.
Waxaannu go’aansannay arday aannu asxaab ahayn iyo anigu in aannaan berrito dugsiyada xaadirin. Habeenkii guryahayaga uma aannu hoyan. Hurdaba gama’ ma aannu ledin oo gebi dhaclayn iyo galgalaashaa waagu noogu galac yidhi. Waxa aannu isu qaybinnay dugsiyada sare in subaxdii laga hawl galo oo ardayda lagu dhiirrigeliyo in ay maxkamadda si isku xidhan u yimaaddaan.
Meel walba waxaa ka socdey dadaal noocaas ah. Ma jirin cid ama dallaayad dedaalladaas isku duweysaa oo horseed iyo hagitaan u ahayd. Hase yeeshee dareenka dadkaa meel u wada hoggaansanaa: In maxkamadda dilka ah la baajiyo, inammadana loo hiiliyo ayaa lagu midaysnaa si aan madmadow iyo shaki toonna lahayn. Intii aanay libdhadu soo bixin ayaannu dhinacii maxkamadda foolka saarnay. Aad bay u qaboobayd oo ceeryaan iyo dhedaa dhulka ku gadaannayd, ciiddana dheel iyo sayax baa ku goglanaa.
La soco qaybta afraad, HAI.