Dhalashadii, Barbaaritaankii, Waayihii Ganacsiga iyo Siyaasadda Ee Marxuun Baashe Yuusuf Cadde Q.3aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Marka aynu milicsanno sooyaalkiisii qofeed, 1963kii ayuu Baashe Yuusuf Cadde ku dhashay deegaanka Ina Qarbooshe ama Dabada Cadaadda oo Koonfur-Bari ka xiga Hargeysa, bartaas oo aabbihii ku lahaa beer iyo kaalin shidaal oo laga batrooliyo baabuurta u baxaysa Burco. Kobtaas illaa hadda waxa ay qoys ahaan ku leeyihiin dhul beer ah, Markii dambe waxa uu aabbihii u guuray degaanka Qoolcaday oo uu dhul iyo beer ka siiyay Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, welina badhkood ayaa deggan.

Hooyadii waxa la odhan jiray Hodan Nuur Bade. Da’da dhexe ee qoyska ayuu ku jiray. Waxa ka weynaa walaalihii oo kala ahaa laba wiil (Xuseen iyo Xasan) iyo hablo. Aabbihii Yuusuf Cadde waxa uu geeriyooday hilaad ku siman 1974kii, waxaanu ku aasan yahay xabaalihii ku yaallay bariga dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Waxa aan xasuustaa in aanu qoyska reer Yuusuf Cadde ugu hoyannay Qoolcaday dabayaaqadii 1992kii, annaga oo ka nimi Kaam Abokor kuna soconnay Hargeysa. Marxuun Baashe Yuusuf Cadde isku qoys ayaannu ahayn qoys. Waxa uu adeer ruma u ahaa carruurta Habaryartay Aamina Cabdi Cilmi oo uu dhalay walaalkii Xasan Yuusuf Cadde. Sidaas ayaan magaciisa iyo maqalkiisaba ugu garaadsaday.

Isaga oo labaatan jir ah ayuu u dhoofay Sucuudiga oo uu ganacsi ku lahaa walaalkii Xuseen Yuusuf Cadde (Kabadheere), waxaanu wakiil u noqday shirkad xoolaha nool dhoofisa, waxa kale oo uu halkaas ku lahaa hanti gaar ah sida laba gaadhi oo shaqeeya oo walaalkii u iibiyay. Markaas walaalkii ayaa dalka yimi, kuna noolaa Muqdisho, Baashena dibadda ayuu u qaabbilsanaa.

Walaalkii Xuseen Yuusuf Cadde wax lagu dilay Muqdisho gurigii General Cabdillaahi Kaahin oo ilaa immika ku aasan yahay 1991kii, iyada oo oo berri gelinka dambe oo kale ay Xamar soo baxayaan isaga, walaalkii Xasan Yuusuf Cadde, walaashii Amran Yuusuf Cadde iyo niman badan oo reer Soomaaliland ahi, ka dib markii dablay hubaysani guriga is yidhaahdeen soo gala, oo ay weerareen.

1991kii ayuu dalka ku soo laabtay Baashe Yuusuf Cadde, waxaanu sii waday ganacsigiisii. Xilliyadii xaaladdu adkayd ee 1992kii waxa la ii sheegay in uu ahaa qofkii kowaad ee dalka diyaarad ku keena shidaal, xoolahana ku dhoofiya diyaarad, isaga oo ka raray kana soo dejiyay madaarka Cigaal ee Hargeysa. Waxa uu sidoo kale soo dejin jiray cuntooyinka. Shirkad ganacsi oo Tawakal la yidhaahdo ayuu dhismaheeda door ku lahaa.

Waa markii uu Abwaan Gaarriye sii saadaalinayay ee lahaa

“Maalin baa iman doonta

Imaaraadka sidiisa

Ninba aag ku gadoomo”

Ganacsigu sida maanta ma ahayn waayadaas, waxaana lala kulmi jiray dhac, dil iyo fadhato. Dadka ku naf-waayay gaadhi ganacsi oo uu saarnaa Marxuun Baashe Yuusuf Cadde waxa mid ahaa wiilkii u weynaa carruurta Xaaji Cabdikariin Yuusuf oo ahaa Yuusuf Xaaji Cabdi Xuseen (Yuusuf-Carab), oo ku dhintay miino loogu aasay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan Daragodle oo ka tirsan Gobolka Saaxil. Saddexdaba Alle ha u naxariisto. Geeridaasi waxa ay dhacday 24kii Mey, 1992kii, waxa isna shilkaas ku geeriyooday IHUN Cali-Daahir Cismaan Liin, oo ay Yuusuf-Carab gaadhiga wada saarnaayeen. Waxa hubaal ah in qofba sabab adduunka kaga tegi doono.

Wakhti badan, hanti badan iyo dedaal badan waxa uu ku bixiyay dedaalkii nabadaynta Somaliland markii ay dagaalladu ka dhaceen Hargeysa 1994kii. Waxa uu qaranka u galay qaan aan la gudi karin, isaga oo danta guud u huray hantidiisii. Waxa uu ahaa qof kal furan oo gacan furan. Qof cibaadada, sadaqada iyo taageerada ummada u hagar-baxa oo arrin iyo adduunba hura ayuu ahaa. Qof bulshaawi ah oo xaruuri ah buu ahaa.

Xilalka siyaasiga ah ee uu qabtay Marxuun Baashe Yuusuf Cadde waxa ka mid ahaa in uu noqday Xoghayihii Xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodijeex. UDUB ayaa ahaa bartii uu sida tooska ah uga fuulay siyaasadda.

Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Cabdillaahi-Yare) oo ku jiray Golaha Wakiillada, markii ururkii ASAD ku hadhay doorashada, ee ay Garabkii ASAD ee Saleebaan Maxamuud Aadan hormoodka u ahaa ku biireen UDUB ayaa waxa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana markaas beddelay oo Golaha Wakiillada xubin ka noqday Xildhibaan Baashe Yuusuf Cadde, waxaanu marxuunku golahaas ka tirsanaa tan iyo 2005ta oo la qabtay doorashadii baarlamaanka muddo dhaafay ee weli kuraasida ku fadhiya.

Marka laga tago siyaasadda, waxa uu waayadii dambe oday ka shaqeeya danta guud, walaalaynta ummadda iyo sama-talisnimo. Waxa uu ifka kaga tegay hal xaas oo ah Farduus Aw Cali Jirde iyo saddex wiil oo kala ah Yuusuf, Maxamed iyo Mustafe. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Waxan u mahadnaqayaa Hussein H. Y Cadde oo marxuunku adeer ruma u ahaa, anigana habar-wadaaggay ruma ah oo qayb weyn ku lahaa xogta aan qormadan ku soo tebiyay.

Dhammaad.