“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc).
Barre Xaaji Cilmi waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee dhiiggiisu u daato dhulka gadoodkii dadweyne ee Hargeysa ka qarxay subaxnimadii 20-kii Febraury 1982, ma se noqon kii ugu dambeeyey.
Kumannaan kale ayay dhimbiishii maalintaas hulaaqday naftoodii galaafatay. Tobannaan ka mid ah ardaydii maalintaas bannaanbaxaysey ayaa xabbad kale iilka iyi luxudka ku fogeysey.
Magaca Barre waxa uu ahaa naanays, waxa na aabbihii Xaaji Cilmi Axmed ย ugu wanqalay Axmed Xaaji Cilmi Axmed sannadkii 1964 markii uu Barre ku dhashay Hargeysa.
Taariikhda Barre iyo sidii ay xabbaddu ugu dhacday waxa iiga warramay Maxamed Xaaji Cilmi Axmed oo laba sano kor uga weyn Axmed-barre, ayna isku dhalasho xigeen.
Waxa uu ku bilaabay, “Barre Xaaji Cilmi, AHN, waxa ahaa nin cas oo timo jilicsan. Waxa uu dhabanka bidix ku lahaa bar weyn, waana tuu marxuumku kula baxay naanaysta Barre.
Maxamed waxa kale oo uu ka tibaax bixiyey in Barre ahaa dadka waxbarashada ku wacan ee fahamka wanaagsan. “Isaga oo aan buug iyo qalin isu qaadin ayuu haddana ka mid ahaan jirey ardayda safka hore”, ayuu Maxamed yidhi.
Isaga oo bilowgii waxbarashada Barre X. Cilmi sii iftiiminaya, waxa uu Maxamed ii sheegay inuu Barre ka aflaxay malcaamaddii Aw Cabdi ee National Cinema u dhoweyd horraantii 1970aadkii. Dugsiga hoose ee Biyadhacay na uu wax ka bartay. Kii dhexe na hoygii ardayda ee Cadaadley, sare na waxa uu ka bilaabnay 26-ka Juun, markii dambe Gacan Libaax oo cusbaa ayuu u wareegey.
Subaxdii 20-ka February 1982.
“Aroortii ayuu Barre igu yidhi, ‘miyaanad saaka dugsigii tegeyn’? Haa baan ku idhi, markaas ayaana aniga iyo walaalkaygii aannu uurka u kala dambeyney isugu kaaya dambeysey”, ayuu Maxamed oo ka hadlaya wixii subaxdaas waagu ku beryey iiga warramay.
Waxa kale oo uu Maxamed yidhi, “Anigu Faarax Oomaar baan dhiganayey. Maxkamadda iyo dooxa inta u dhexaysaa la joogey. Ardaydii 26-ka Juun, Gacan Libaax iyo Xalane ayaa isu timi oo nagu soo darsamay. Waa la muddaharaaday. Tacshiirad baa dhacaysey. Duhur ku dhowaadkii ayaa la kala rawaxay.
Barre waxa uu qabtay bakhaar aannu ku lahayn faras magaalaha halkii Samatars’ Bookshop oo la odhan jirey Bakhaarka Xaaji Cilmi. Aabbe oo kildhigiisii yaraa ku weyseysanaya ayaa Barre oo balcaddii xidhani u yimid. Maqalka ayuu lacag uga soo saaray oo ku yidhi, ‘Axmedow, aabbe rasaas baa dhacaysa oo rabshadaa jira ee hoo lacagtan oo baska ku raac oo gurigii qabo’.
Maxamed waa oo sii wada: Barre iyo inamo kale oo dharkii iskuulka sita oo sii maraya sekedda Jirde Xuseen, kuna sii dhowaanaya Khayriyadda dhabarkeeda ayaa guulwadayaal halkaas joogaa dhallinyaradii rasaas huwiyeen. Wadhnaha ayay xabbadi Barre ka haleeshay. Isaga oo ay naftu iska gurayso ayaa aabbe bakhaarka loogu geeyey oo lagu yidhi, ‘waa inankaagii oo xabbadi ku dhacday’.
Aabbahay waxa uu ahaa nin iimaankiisu buuxo. Waxa lagu naanaysi jirey ‘Khayr iyo Barako’, labadaa erey afkiisa laga ma waayi jirin. Markii Axmed-barre oo khiikhdaa haya oo dhiiggu hawdaa leeyahay loo keenay, waxa uu yidhi, ‘waa khayr iyo barako ee dhakhtarka ha la geeyo haddii ay tiisii maanta gashay cidi oollin mayso’e’. Aabbahay masjid Jaamaca ayuu tegey salaaddii duhur, Axmed na (Barre) waxa dhaawaciisii lagu la tibbaday cisbitaalka guud. Wax yar ka dib na waa uu naf baxay”.
Maxaa dhacay ja dib?
Barre iyo Maxamed iyaga oo yar yar ayay hooyadood xijaabatey. Hablo ay walaalo yihiin, aayadood aabbe iyo ma hurtidii oo dhan markii warku gaadhey waxa lagu soo jabay bakhaarkii.
Maxamed oo taas ka sii hadlaya, waxa uu yidhi, “dadkii ehelka ahaa oo dhan oo bakhaarka isagu yimi, dumarkiina barooranayaan, ayuu Axmed dhakhtarka ku go’ay. Gurigii oo laga wada yimi ayaa loo qaaday oo dadkii wax na dukaanka ayay tageen, wax dhakhtarka ayay ku soo socdaan.
Gurigii oo uu ku hadhay oday miyi ka yimi ayaa meydkii la geeyey. Anigu weli shilkaas ma ogi. Gurigayagu waxa uu ahaa Biyadhacay dhabarkiisa. Aniga iyo walaalkay Barre, AHN, waxa aannu geli jirney laba qol oo is eegaya. Qolkaygii ayaa meydkii sariirta la saaray. Aniga oo khabar maafush ah ayaa soo galay. Odaygii oo deyrka guriga fadhiya ayaan iska weydaartey. Qolkaygii baan dalaq idhi. Markii aan arkay qof sariirtaydii saaran oo go’ cad huwan, ayaan idhi ‘ka kac kaagan sariirta saarani. Go’ii baan ka qaaday. Waa walaalkaygii aannu saaka sii wada quraacannay oo meyd ah oo durba jidhkiisii madoobaadey”!
Maxamed oo ka dareen celinaya firkanaxaas culus: “dibedda ayaan u boodey, aniga oo aan is ogeyn. Toddoba cisho gurigii kuma aan soo laaban, aaskiina ma tegin. Aabbahay waxa uu dadkii, qaar ahaan dumarkii oo baroortii joojin waayey ugu caqli celiyey oo yidhi, “Axmed (Barre) haddii aanu saaka guriga ka baxeen oo uu sariirta hurdi lahaa naftu waa ay ka bixi lahayd oo maalintan maalintiisa ah sina uma uu dhaafeen, gacan ka xaq daran baanu ku baxay”!
Aaskii Barre ka dib, waxa aabbe u yimi madaxdii dawladda qaar oo Gen Maxamed Xaashi (Gaanni) ku jiro oo lacag u keenay, aabbe se waa uu ku diidey oo qaadan maayo buu ku yidhi”.
Dhimbiishii maalintaas hulaaqday waa ay sii hurtay, waxa aanay saamaynku yeelatay dadka iyo gobolka.
La soco qaybta 7aad.