Markii ay muuqatay in xukunkii Maxamed Siyaad la jilciyey oo gabbalkiisii soo gaabtay ayay heshiis saddex geesood ah waxa wada galay saddexdii jabhadood ee SNM, USC iyo SPM, waxanay saxeex ku duugeen in marka xukunka dalka laga wada xoreeyo la soo dhiso dawlad wadajir ah oo dalka ka talisa Maxamed Siyaad dabadii.
Cabdixakiim Ismaaciil X. Axmed oo ahaa xoghayntii SNM ee 1990-aadkii, haddana Oslo ku nool, ayaa ila wadaagay xogo uu kaydiyey oo arrintan la halmaala. Waxa ka mid ah xogtaas heshiish laba docood ahaa oo Muqdisho ku dhexmaray 8-dii August 1991 ururradii USC iyo SNM. Hadda garo markaasi waa ka dib markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland oo ahaa markaas afar bilood ka hor.
19-kii Julay – 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go’aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugay ka mid ahaa:
– In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta
– In ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada.
Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe.
Dhinaca weftiga SNM waxa go’aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid, AHN, oo ahaa guddoomiyihii USC.
Garannay haddaba oo SNM mabaadi ahaan ma aaminsanayn in Gobollada Waqooyi ka go’aan Soomaaliya, walow ay jireen afkaaro dad aan badnayni qabeen oo go’itaan u guux ahaa markii hore ee aan gudaha la gelin 1988. SNM mabda’ ahaan ma aqoonsanayn in Gobolladii Waqooyi go’aan, haddana gacmaheeda ayay ku go’een!
Halkee ayay tolow wax iska qardhaafsan yihiin?!
Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed waxa uu u taagnaa xoraynta Soomaaliya idil ahaan iyo ilaalinta midnimadeeda. Magaaladu Burco ayaa haddana SNM kaga dhawaaqday 18-kii May 1991 gooni isu taagga Gobolladii Waqooyi iyo yagleelka Jamhuuriyadda Somaliland.
Arrintan waxa ka dhex muuqda isirro is burinaya, isna diidaya oo iska hor imanaya. Waa u taagnaanta ilaalin midnimo iyo fulinta kala qaybineed! Arrin sahlan taasi runtii ma aha! Hase yeeshee wax aan sabab lahayni iska ma dhacaane, bal aynu sababo dhawr ah oo is biirsaday, kala se horreeyey, is la gorfayno.
Sababta 1-aad
Maskaxda iyo dareenka in badan oo ka mid ah Reer Waqooyigii lixdii garaadka lahaa iyo intii markaas soo kacaamaysey, waxa saamayn xun ku yeeshay natiijadii iyo midhihii ka dhashay is raacii labada gobol 1960. Gocosho quluubta ku daxalaysatay iyo tabashooyin in la damqo mooyaane aan weligood in la daweeyo la isku deyin, ayaa halkaas ka abuurmay oo nolosha oo dhan ku milmay oo raac raacay xilliyo xidhiidhsanaa.
Inqilaabkii dhicisoobay ee kooxdii saraakiisha ee 1961 ayaa dhacdo dareenkaas cabbiraysa ahayd. Diidmadii qayaxnayd ee aftidii distoorka ee isla 1961 ee dadweyanaha Gobollada Waqooyi intooda badani qaaddaceen ayaa dareen muujin kale ahayd. Gabayadii iyo geeraarradii, Timocadde, Ismaaciil Xalleef, Qaasim iyo Cali Sugulle hal-abuurka ay ka mid yihiin ee ay 1960 – 1980aadkii tiriyeen ayaa dareen muujin kale oo shacbi ahaa.
Taas oo jirta oo horumar la’aanta iyo dib u dhacyada guudna Soomaaliya laga wada sinnaa, ayaa haddana waxa Reer Waqooyiga intiisa badani tirsadeen cadaadis siyaasadeed oo gaar ah oo mararka qaarna qorshaysnaa ba sida dadka qaar qabaan. Saami iyo awood qaybsiga guud ee xilalka waaweyn ama muhiimka ah ee qaranka ayaa isir kale ahaa oo mar walba isu dheelli-tirku ka maqnaa sida in badani ku qanacsan yihiin.
Dhacdooyinkaas la soo jiitamayey nolosha kufaa-kaceeda waxa ka dhashay SNM. Markii ay SNM abuurantay na waxa la jaanqaaday cadaadis siyaasadeed oo hor leh iyo gumaadyo dadweyne oo aan loo aabboyeelin, in kasta oo maamulkii kelitaliska ahaa cid kasta oo ka hor timaadda cagta marinayey sidii ka dhacday gobollada Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug sannadihii 1978 – 1982 markii Inqilaabkii Cirro hoggaaminayey dhicisoobay, SSDF na la yagleelay.
Sababta 2-aad
Burburkii weynaa ee 1988 iyo gumaadyadii taxnaa ee qorshaysnaa ee dadka Isaaqa lagu bartilmaansanayey iyo “Xabaalo Wadareedyada” ka hadhay nin kastaa ba ha iska hadlee waa sabab kale oo dareenka dad badan saamayn taban ku yeelatay.
March 1988 waxa uu Maxamed Siyaad heshiis kula galay Jabuuti dhiggiisii Itoobiya ee Mingiste oo SNM saldhigyo ka siiyey dalkiisa. May 1988 SNM dabadeed iyada oo maqiiqan ayay madaxa isugu tuurtay obocda gobollada Waqooyi. Waxa dhacay wixii dhacay!
Diyaaradihii xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka haaday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo duqeeyey isla magaalada Hargeysa oo xukuumaddii Barre gacanteeda ku jirta! Xamar na“Xeebtii Geerida” ee Jasiira iyo falal kale ayaa ka socday oo Reer Waqooyigii, gaar ahaan Isaaqii Waqooyi laga qixiyey lagu bartilmaansanayey.
Sababta 3-aad
Waxaas oo u dhacay hore iyo gadaal ba, ayaa la tuuray taliskii Jaalle Maxamed Siyaad bilowgii 1991. Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed waxa uu gacanta ku dhigay gobollada Waqooyi. Koonfurna waxa ka sii socday dagaallo, in kasta oo USC gacanta ku qabatay meelo badan oo Muqdisho ka mid ahayd.
Intii Siyaad Barre ba joogey, markii la garwaaqsaday in aan wakhti u sii laabnayn oo taliskiisii dumayo, jabhadihiina waddanka qabsan doonaan, ayaa waxa Muqdisho laga abuuray Manifesto Group looga gol lahaa in ay diyaariyaan ciddii xukunka Maxamed Siyaad ka dhaxli lahayd. Ragga kooxdaas ka dhex muuqda waxa ka mid ahaa: General Maxamed Abshir Muuse, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Aadan Cabdulle Cismaan, Xaaji Muuse Boqor iyo Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, AHN inta mootane.
Ayaan-darro, kooxdaasi waxa ay sameeyeen khalad weyn oo taariikhi ah, waxa aanay ku khammaareen taladii iyo masiirkii Soomaaliya dal iyo dad ahaan ba. Waxa ay sameeyeen Jan. 1991 dawlad aan laga la tashan, wax na laga waydiin Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee xoreeyey, gacanta na ay ugu jireen gobollada Waqooyi!
Gen. Caydiid oo Manifesto kaga hor yimi mawqifkoodu na dibedda ayaa loo tuuray oo waxa la dhisay Cali Mahdi Maxamed iyo xukuumaddiisii. Muqdisho na waxa ay u qaybsan tahay laba xaafadood oo aan dabka kala qaadan.
Hargeysa iyo Burco waxa BBC-da laga dhegaystay in Soomaaliya oo ay iyaguna ku jiraan loo dhisay dawlad cusub! La isku yaac oo la la yaab, waxna la iska waydii. La ye “jinnaa wadaad ah”!
Ladh iyo dacar is walwaalanaya ayaa maanka iyo maskaxda dad badan ku soo kacay oo arrintaasi ku abuurtay. Fursad weyn waxa helay dadka qaar, gaar ahaan siyaasiintii gooni isu taagga maskaxda ku haysay ee u hanqal taagi jirtey.
Tan Muqdisho ka dhacday maalintaas ee raadkeedu qoyan yahay ee Manifesto, tii is raaca ee 1960 iyo natiijooyinkii ka dhashay oo burburka iyo maydka yaallaa dadka u muuqdaan iyo tii Cabdullaahi Yuusufkii SSDF ee Itoobiya iyo Libya u kaashaday in uu kooxdii SNM sidatey ee cusbayd afka u dhigto oo sandulle hoggaankiisa u hoos keeno 1982, ayaa sida “sandwich-ta” rag rag ahi inta ay isu saareen, waxa ay ka iibiyeen shacbigii gobollada Waqooyi ee umalka iyo cadhada weyni haysay intii ugu badnayd, gooni isu taag, waa na laga iibsaday.
Waxa la maquuniyey oo waddo cad la mariyey dhigaalladii distoorka SNM iyo intii aqoonsanayd ba, gaar ahaan qodobka 6-aad: “Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”.
Intii hunguri kaga jirey in wax la hojiyo oo dhinacyo kale wax laga eego na qori caaraddii ayaa shacabkii dhafoorka iyo dhegta kaga qabteen oo lagu yidhi “gooya gooya, ku dhawaaqa oo hadda Gobollada Waqooyi gooyo, Somaliland na ku dhawaaqa”!
Halgankaas SNM waxa uu ahaa halgan shacbi oo talo-wadaag iyo wada-tashi hoggaamintiisu ku suntanayd oo aan inta badan lagu arag jabhadaha ku jira halganka hubaysan. Shan guddoomiye ayaa iska beddeley hoggaamintii SNM muddo toban sannadood ka yar oo halgankaasi xawli ku socdey.
Waxa ay kala ahaayeen sidan ay u kala horreeyaan:
1. Axmed Jimcaale (AHN)
2. Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar (AHN)
3. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi (AHN)
4. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
5. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) (AHN).
Qiimayn ahaan, waxa la odhan karaa SNM waa ay ku guuleysatey halgankeedii qayb ahaan, gaar ahaan qaybtiisii hubaysnayd, hase yeeshee ma ay wada gaadhin himiladeedii, gaar ahaan qaybtiisii siyaasadeed.
Mar walba SNM waa ay ku wanaagsanayd dagaallada oo guulo waaweyn ayay ka soo hoyn jirtey goobaha la isku haleelo, dhinaca se siyaasadda iyo maamulka se mar walba waxa ka muuqatey gaabin iyo kufaa-kac soo noqnoqon jirey.
1. SNM waxa ay si ficil ah uga adkaatay xukunkii Maxamed Siyaad Barre
2. SNM waxa sidii distoorkeedu qorayey xukunkii ku wareejisey shacabka laba sannadood ka dib xorayntii dalka.
Labadaas qodob mooyaane, wixii kale oo dhami weli waa qabyo. Dad badani waxa ay ku doodaan in intaas wax ka badan aanay SNM awood iyo garasho midna u lahayn: Maxamed Siyaad oo la rido iyo laba sannadood gudahood oo talada la wareejiyo. Wax ka shisheeya taag iyo tamaro midna looma hayn.
Tusaale ahaan, qaybtii SNM ee gobollada Koonfurta, gaar ahaan ciidamadii Doolow, Buur Aamonw ee jiidda Luuq fadhiyey waa la kala dibboodey. Ciidamadaasi waxa ay la baxeen markii dambe SSNM (Southern Somali National Movement), cidina si fiican ugama warqabin xaalkooda. Sababaha taasi u dhacday ee loo kala go’ayna waxa lagu tirin karaa qorshe xumaantii siyaasadeed ee SNM, waayo marka kasta waxa himilada jabhaduhu ku sinnayd in Maxamed Siyaad xukunka laga tuuro (laga qabsado oo keliya), lamana sii hilaadin waxa ka dhalan kara ee soo bixi kara sida uu u ekaan karo marka Siyaad xukunkiisu dhaco iyo dabadiiba.
Su’aasha se qarada weyn ee maanta ka jawaabidda u baahini waa:
SNM haddii ay Somaliland dhashay, Somaliland ma laga helay wixii la doonayey ama lagaga nastay lurkii laga dagaallamay?
Waa inoo 18 May 2019 haddii uu Alle idmo, 28 sannadood ka dib ku dhawaaqii Somaliland.