Kaftan Siyaasadeed: Kalmadaha Ay Maqalkooda Jecel Yihiin Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Soomaalilaan. (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Afeef: waa hadallo kaftan ah oo aanan ugu talogelin inay wax dhib ah soo gaadhsiiyaan Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland, oo Sharaf iyo Qadrin inaga mudan. Kuma jirto cay iyo aflagaado shakhsi ahi, balse waa qormo kaftan ah.

Guddoomiye C/raxmaan C/laahi Cirro
• Labada xil cid kale ma hayn karto
• Kaftanka qosolka badan ee khudbada raaca
• Mooshin kasta oo kursigaaga ku saabsan waad ka guulaysataa
• Shirka mus-dambeedka xisbiga
• Khilaafka Kulmiye iyo xukuumada
• Shirka jaraa’id ee bilaa su’aalaha ah
• Taageerada gobolka Togdheer, Waddani ayaa haysta
• Mudaharaad lagu taageerayo xisbiga Waddani
• Siyaasiyiin miisaan culus ayaa xisbiga ku soo biiray
• Socdaalkii gobolada Bari ee weftiga Waddani
• Shirka Beelaha Talo iyo Tawfiiq
• Rooga cas ee madaarka loo dhigo markuu dhoofayo
• Muddo-kordhintii waa diyaar
• Doorashadii dib ayey u dhacday, intaad dhaqaale helaysid
• Dublamaasi ayaad tahay, sida madaxweyne Putin oo kale

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi
• M/weyne Siillaanyo musharax maaha
• Mujaahid waa markaagii, cid kaa taariikh dheeri ma jirto
• Adigu kaadidaa ayaad u soo cabtay, kuwa kula tartamayaa waa faqash ka hadheen.
• Shirka guddiga Hoodaale
• Waraysiga dagaalladii SNM
• Burburka garabkii is-bedelka-doonka xisbiga
• Nin Rageed aan waxba lagu shuban
• Shirarka lagu taageerayo ee hudheelada ka dhaca
• Xirsi waddani wuu ka baxay
• Beeshaadii taageero buuxda ayey ku siisay
• Waraysiga T.V-Qaranka iyo Radhyow Hargaysa

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
• Mucaaradnimada Ucid waa ka dhab
• Runta kama gabbatid
• Waddani iyo xukuumadu hoosta ayey iska og-yihiin
• Faadumo Siciid dib ayey Xisbiga ugu soo noqotay
• Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya lagaama reebi karo
• Waraysiga HCT.V
• Guriga laguu dhisayo, maxaa weriyeyaasha daba-dhigay?
• Xisbi ahaan siyaasi kaa khibrad badani ma jiro
• Hagoolku waa dhaqankeenni
• Geesi ku dhac-leh
• Wallaweynta maxaa Somaliland laga siiyaa?
• Wargayska Dawan waxba muu qorin
• Donald Trump-ka Soomaalilaan

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com