Madaxweyne ku-xigeenka Jsl Oo Berbera Kula Kulmay Madax-dhaqameed kasoo Kici Timay Gobolka Sanaag

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa magaaladda Berbera kulan kula qaatay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.

Madax-dhaqameedkan oo kasoo kici timay deegaanadda bariga gobolka Sanaag ayaa waxa si heersare ah usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland kana soo gelbiyay gobolka Togdheer.

Ugu horayn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa xukuumaddu sida weyn ee ay noosoo dhaweeyeen waxaanu nahay wafti ballaadhan oo Madax-dhaqameed ah kana soo kicitimay deegaano hoos yimaadda gobolka Sanaag”.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal kooban u jeediyay madax-dhaqameedkaasi ayaa yidhi “Waxaan si maamuusleh usoo dhaweynayaa Madax-dhaqameedkan miisaanka leh ee kasoo kici timay gobolka Sanaag, Waxaan leeyay ku Soo dhawaadda gurigiini labaad, socdaalkiinanina waxa uu muujinayaa sida ay isugu xidhan yihiin shacabka Somaliland”.