5 arrimood oo muujinaysa hab-maamuuseed madaxeedka ay Itoobiya siisay Madaxweynaha Somaliland (WQ: Cabdirisaaq Catoosh)

5 arrimood oo muujinaysa hab-maamuuseed madaxeedka ay Itoobiya siisay Madaxweynaha Somaliland

1- Muuse waxaa soo dhoweeyey wasiir Itoobiya ka tirsan iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Addis Ababa.

2- Madaxweyne Muuse waxaa la socday askari u qaas ah oo labisan waana nidaam caalami ah madaxda caalamkana lagu yaqaano. Waxaana loogu yeedhaa.  AIDE-DE -CAMP.

3- Madaxweyne Muuse waxaa gadaashiisa ka muuqda calanka uu matalo.

4- Madaxweynaha waxaa lagu qaaday baabuurka hab-maamuuska waliba gaariga uu saarnaa waxaa la sudhay calanka Somaliland oo ka babanayay.

5- Kolanyada Madaxweyanaha wadada ayaa loo xiray ilaa hotelkiisa.

Dhamaan qodobadaasi ayaa muujinaya maqaamka  caadiga ee madaxda caalamka la siiyo marka ay dal kale booqdaan.

 

WQ: Abdirizak Atosh