Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali waraabe oo shahaado sharaf gudoonsiiyey taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL.
Hargeysa [ CDDQ ] 10/02/2020)}-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali waraabe oo uu wehelinaayo xoghaya arrimaha gudaha ee xisbiga UCID ย Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Maxamed Galool, ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyada Somaliland Gen. Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ย waxaanay ku maamuuseen dedaalkii ย iyo waxqabadkii uu muujiyey mudadii uu ciidanku jiray.
Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ku hanbalyeeyey taliyaha ciidanka Dab-demiska dedaalka, kartida iyo qorshaha uu ku hagayo ciidanka dabdemiska JSL, waxaanu ugu baaqay masuuliyiinta gobolada; inay la shaqeeyaan ciidanka dabdemiska si ay u hirgeliyaan qorshaha Dab-demiska maadaama uu dan u yahay ย badbaadada nafta iyo maalka bulshada. Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa ku boorriyey taliyaha ciidanka Dab-demiska fidinta adeega iyo dedaalka uu ugu jiro sidii looga badbaadi lahaa khatarta dabka loona yarayn lahaa. Waxaanu gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku dhiirrigelinaayo ciidanka Dab-demiska JSL.
Ugu danbayn, Taliyaha ciidanka Dab-demiska JSL ayaa uga mahadceliyey gudoomiyaha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID sida wanaagsan ee ay ugu dhiirigeliyeen shaqada ay bulshada u hayaan, waxaanu sidoo kale warbixin kasiiyey Qorsha ciidanka iyo hawlgalada ay fuliyeen mudadii ciidanku jiray, waxaanu ugu danbayn gudoomay shahaado ย sharaf uu ku maamuusay gudoomiyaha xisbiga UCID.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Somalilandfire@gmail.com
990 Emergency Call Center.