Aasaaskii Jabhadii SNM 1981(WQ: Mustafe Kaydsane)

|| Aasaaskii SNM: Maantoo kale 06/04/1981 ||

Geesiyaashii burburiyey daaquudkii Taliskii #MSB waxay mudanyihiin abaal-celin iyo duco. Maantoo kale 06/04/1981, ayaa dhadhaqaaqa SNM lagaga dhawaaqay London UK. Ragii ku dhawaaqay baaqaas SNM ee taariikhiga ah waxa maanta ka nool- inta an ka warqabo-rag kooban; Prof C/Salaam Yaasiin, Eng. Maxamed Xaashi, MK Xasan C Jaamac iyo Eng. C/Raxman C/Qaadir.
Dhawr bilood kadib waxa xudduuda ka furmay saldhigii u horeeyey ee ciidamada dhaqdhaqaaqa oo uu horkacayo Muj. Maxamed-Cali Faarax Dalmar. Sidaasaa ay ku finiintay dhimbiishii ugu horeysay ee halgankii hubaysnaa ilaa uu iftiinkeeda xornimadu gaadhay dhul badan oo ugu damayntii lagu hantay JSL( ogow hadda, markii hore xeer ka SNM kuma ay jirin in Soomaalilaan dib loola soo noqdo, ee duruuftii Xamar ee 1991 ayaa keentay in 18/05/1991 Shirkii Beelaha ee Burco lagaga dhawaaqo #JSL). Saraakiishii u horeysay ee saldhigaa ku biirtay waxa ka nool rag uu kamid yahay Muj. Maxammed Kaahin(Wasiirka Arimaha Guddaha ee wakhtigan). Lama ilaawi karo abaabulkii ciidamada ay ka dhexwaddeen hoggaamiyaashii ruuxiga ahaa ee ay ugu horeeyaan Muj. Maxammed X Lixle iyo Muj. Axmed Halac, oo iyagu ahaa kuwii bixiyey amarka talaabida saraakiisha iyo aasaasida saldhiyo ciidan. Ha ba ka qaban ba sidaa suu halgalka hirarkiisu u sii labanlaabmayeen maalin ba maalinta ka dambaysa; sarkaal ilaa damble waxa lawada qaatay darajada โ€œAl-mujaahidโ€; kii ku nafwaaya halganka na waxaa la siiyey darajada โ€œAl-shahiidโ€; baaquna wuxu noqday weedha wayn ee โ€œAllaahu Akbarโ€; dhamaan guutooyinka dhaqdhaqaaqa na waxa loogu magacdaray Saxaabiyaashii waawaynaa(RC) sida: Sayid Cali, Sayid Cumar, iwm. Distoorkana waxa laga dhigtay โ€œShareecadda Alleh SWTโ€. Intii halgankaasi socday waxa iska badalay hogaaminta SNM 5 guddoomiye( Ahmed Jimcaale, Yusuf Sheekh Madar, Axmed Maxammed โ€œSiilaanyoโ€ iyo C/Raxmaan Ahmed โ€œTuurโ€).

MSB taliskiisii Alleh ma waafajin tawfiiqdiisa oo muu adeegsan hogaamin suubban oo markale dalka iyo dadka lagu xasilin karo, taliskii soo meesha ka baxa ba ha ahaatee, wuxu dhaqdhaqaaqaas kala hor yimi caddaadis hor leh; iyo inuu shacabkii awalba dulmanaa u sii labanlaabo cabudhintii iyo caddaadiskii, isaga oo sii kordhiyey dilkii, kufsigii, dhacii, bara-kacii iyo burburintii uu kula kacayey shacabka gobollada waqooyi iyo qaybo kamid gobolladii koonfureed.

Halgankii shacabka ee socday 1981-1991 ilaa maanta lama hayo cid u hagar baxda oo intay qaadato qalin-eex-laโ€™ diwaangalisa wixii dhacay, sow nasiibdaro ummaddeed ma aha taasina! Taariikhdaasi oo aan dhigaal lagu weelaynini waxay ka dhigantahay wixii dhiig iyo maal la huray waa hal bacaad lagu lisay, waa taarikh aan casharo laga baranin oo halis loogu jiro inay soo laabato iyadoo ay jilayaasha daaquudka oo kaliyihi kala magacyo duwan yihiin.

Noloshuna waa hayaan iyo halgan joogta ah waxa xilku saaranyahay wiilsheena iyo gabdhaheena xiligeeda iyo goorteeda nool. Wixii tagay way tageen wixii ay lahaayeen wanaag iyo dhibaato, in wax laga barto maaha eh tiigsimaad kale iigu muuqdo aniga.

#Dharaaro_xasuustood

F/G: kufaa kacii dhacay wixii ka dambeeyey 1991, meesheeda iyo maqaamkeeda ayey mudantahay in lagaga hadlo, inshaโ€™Allaah. Munaasabadan uun baan intan ku xusayaa.