Dibiile: xaruntii ugxaanta SNM ku dilaacday! (WQ: Cabdale Dahir Aden)

Waxa ka cabsi badanaa ma jirin marti-galinta jabhadaa duulaan ku ahayd Dawladadii ugu awooda waynayd ee abid soo marta Geeska Afrika, taas oo keentay ogolaanshihii Mingisto ka dib, in ay ka waayaan Qof iyo Qoysba Deegaanadii ay hayb ahaanta uga soo jeedeen ee Xadka ku teedsanaa meel qudha oo salka ay dhigtaan iska daa ugxan dilaacis iyo aag ay ka weeraraane, waxana cabsidaas keenay baqaha dadkaasi ka baqayeen Sir-doonkii iyo cududii Ciidan ee xiligaas ay lahayd Dawladii Somaliya.

Cabsidaasina waa mida ku keentay in SNM ku ugxan dilaacin kari waydo talisyadii Gaashaamo, Awaare, Bali-gubadle, Xarshin, iyo Durya, kana waayeen saldhigasho iyo aagag ay furimo dagaal oo toosa kaga furaan Dawladii Somaliya, waxana taasi ku keentay in mashruucii habaw iyo heehaab galo, kuna dheeraato dhibtii uu ka tirsanaayay ciday is hayeen.

Raacdo dheer oo xanuunkeeda leh iyo ladh ka kulul bay ku keentay cidii hawshaas ugxan dilaacinta waday, waxayna ka dhigtay shimbiro waayay geed ay ku dagaan, kana waayay kuwii aan laga waayi jirin wax kasta oo yimaada sida uu doono iyo qaabka uu doono ha ku yimaadee. Sahanka baadi-doonkaasi aadka u dheeraaday wuxuu guurayntii ku helay kuna ogaaday in ay wali ku hadhay dhulkiisa iyo dadkiisa cidii qof ahaan iyo deegaan ahaanba ugxantaas ku dhex-dilaacsan lahaa, uguna dari lahayd aagii ugu haboonaa furintii dagaalka tooska ah uu kaga furi lahaa cidii godobtiisu ku maqnayd.

Gobtaas dagta u ridatay cabsidaas, ubadkoodiina uga dhigay xansaskii lagu hurin lahaa dagaalkaas abadiga ah ee wali gocashadiisii iyo dabkiisiiba socdo, waxay noqdeen dadkaasina kuwa dagan jiida Harta Sheekha ilaa Dhaboolaq, kuwaas oo dilaaciyay ugxantii keentay qaybtii koobaad ee guushaasi lahayd, taas oo dhashay dib u habaynta hanaanka Dawladeed ee Geeska Afriki u samaysan yahay.

Guushaas oo dib u soo heshay Qarankii 1- July- 1960kii aynu ku luminay xanuunka wali ina haya ee la yidhaa ‘ ANIGA ‘ guushaas oo Xafladeedii ka dhacday Magaalada Burco 18- May- 1991, dhashayna Jamhuuriyada labaad, taas oo noqotay tii Dawladii ugu horaysay ee dib laba goor dib u shaxaysa hanaanka dawladeed ee Geeskeenani u shaxaysan tahay.

Mashruucii Aragtidiisu ka bilaabantay Wadanka Boqortooyada Sucuudiga, kuna dhashay Magaalada London 6-April- 1982, taas oo 22 Sano ka dib bar-bilaw u noqotay baadi-doonka Jamhuuriyadii Koobaad ee wali soo helideedii qabyada tahay 58 Sanadood.

Hadaba waxaan idinku dhaafayaa, waydiintan oo ah:- wax ma ka baranay waxaas oo kacaa kuf ah, mise wali xanuunkii ANIGA ayaynaan ka bogsan, oo wali inaga hor-taagan, ku waano qaadashada fayaw ee heerarkii aynu soo marnay, iyadoo laga joogo 37 Sano, maalitaa London lagu goostay dib u baadi-doonta Jamhuuriyadii luntay ?

Fiiro Gaara:-
Waxana dadkaas iyo deegaan-kooduba ku foogan yihiin sii wadida halgankaas isagoo qabyo ah qaloocday, sidii looga dhigi lahaa mid uga beera facyaashiisa dambe dhito ay ku dhaataan dhigoodna ku dhaafaan, kuna noqdaan ilayska lagu baadi-doono garta la duudsiyo dunidoo dhan.
Hal-beegooduna yahaed ‘ Dayixii Gudcurka la tabi jiray ‘

Garyaqaan:- Cabdale Dahir Aden.