Bismillaahi waa kow, waana hadalka bilowgii, aan baaq idin guddoonshee bulshayahay makuu nabad? Waxa ay ahayd maalintii shalay markii aan xeradaydan Faysbuugga idinkula wadaagay qormadii kowaad ee aan kaga faalloonayey barnaamijka tirakoobka iyo diiwaangelinta isugu jira ee Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ku waddo dugsiyada Qur’aanka lagu barto ee ka jira geyiga Soomaalilaand. Waxa aan shalay duljoogsaday boogaha Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligan oo ku teedsan muddadii sagaalka gu’ ahayd ee ay jirtay iyo madmadowga baaxadda leh ee dulhogahanaya shaqada weyn ee haayaddani qabato iyo dabcan magaca ay wadato hawlgallada shaqo ee xidhiidhka ahna ku fulisay. Sida ballankeennu ahaa waxa aynnu maanta duljoogsan doonnaa qayb ka mid ah wejiyada taban ee uu yeelan karo barnaamijka diiwaangelinta dugsiyada Qur’aanka iyo khataraha ay suuragalka tahay in laga dhaxlo mustaqbalka dhow iyo midka dheer labada ba. Sida aan hore ba ugu sheegay qormadii kowaad qoraallada aan baahinayaa waa aragtidayda qofeed oo aan dhanka taban kaga eegayo shaqadaa Wasaaradda Awqaaftu waddo aniga oo daliishan doona dhacdooyin ku teedsan barnaamijka oo si rasmi ah uga soo fulay Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand, kuwaa oo wasaaraddu si daah furan ugu baahisay ama aan idhaahdee ula wadaagtay warbaahinta iyo baraha bulshada oo uu ugu horreeyo bogga ay Wasaaraddu ku leedahay barkulan bulsheedka Faysbuug.
Dooddaydu waxa ay isugu biyo shuban doontaa in ay noqoto malluug iftiimisa madmadowga jira iyo khataraha imankara ee ay ka suurowdo in ay saymo u noqdaan dugsiyada Qur’aanka mustaqbalka dhow ama midka dheer taas oo ujeeddada aynnu uga golleenahay ku soo ururayso dareen gelin feejignaan ah iyo casharro gaashaan u noqon kara bulshada guud ahaan gaar ahaan maamullada iyo mulkiilayaasha dugsiyada Qur’aanka oo noqonaya cidda kowaad ee bulshada u haysa masuuliyadda mugga weyn ee barashada kitaabka maamuuska iyo milgaha badan ee Qur’aanka Kariimka ah. Qormadaydan waxa aan ku faallayn doonaa mid ka mid ah saddex qodob oo noqon doona kuwa aan ku duljoogsanayo khatarta ay suuragalka tahay in laga dhaxlo diiwaangelinta dugsiyada Qur’aanka.
Saddexda qodob waxa ay kala yihiin:-
(1). Qiimaha xogta diiwaangelinta.
(2). Siyaasadda oggolaansho (ruqsad) bixinta.
(3). Manhajka dugsiyada Qur’aanka. Saddexdan qodob midka ugu horreeya ayaa noqon mullaaxda qoraalkayga maanta idanka Alle.
1. Qiimaha Xogta Diiwaangelinta
Akhriste sida aynnu ogsoonnahay dunida waxa ugu qaalisan ee basharku ilaashadaa waa xogtiisa gaarka ah la xidhiidha ahaanshihiisa iyo sirihiisa gaar ahaaneed, ilaalinta iyo dhawrista xogtan waxa ka siman basharka oo idil, haddii ay noqoto qof qof iyo haddii ay noqoto bulshooyin labada ba. Mar kale waxa aynnu garan karraa waxa ugu weyn ee barnaamijka diiwaangelinta lagu helayaa in uu yahay xog dhinacyo taabanaysa oo ku aaddan dugsiyada Qur’aanka ee JSL. Tusaale waxa aynnu ka soo qaadaynaa in xogta iyo macluumaadka laga soo ururiyo dugsiyada ay noqdaan kuwo la xidhiidha dhinacyadan. (1). Magacyada dhammaan dugsiyada Qur’aanka ee ka hawlgala gebi ahaan ba geyiga JSL min magaalo, tuulo, iyo ilaa baadiye, (2). Magacyada mulkiilayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada Qur’aanka, (3). Tirada ardayda dhigata dugsi walba, (4). Ardayda labka ah iyo ardayda dheddiga ah ee dhigta dugsi walba iyo da’aha ardaydani kala yihiin sida inta dad waaweyn ah, inta carruur ah, iyo inta dadka da’da dhexe ah, (5). Tirada macallimiinta ka hawlgala dugsi walba, heerarkooda iyo tayadooda waxbarasho, meelaha ay u dhasheen, iyo xaaladooha qof ahaaneed, (6). Xilliyada uu shaqeeyo dugsi Qur’aan walba oo Soomaalilaand ka furan, sida gelinka hore, gelinka dambe, habeenkii iwm, (7). Tirada ardayda dugsi walba uu lacag ka qaado iyo tirada dugsi walba si mutadawacnimo ah u hayo oo aan wax lacag ah laga qaadin, (8). Xaddiga lacag ee dugsi walba ka qaado ardaygii, iyo xaddiga lacag ah ee uu dugsi walba ugu shaqeeyo macallinkii, (9). Nooca dugsi walba iyo heerarka waxbarasho ee uu bixiyo, sida xifdiga Qur’aanka oo keliya, xifdiga Qur’aanka iyo aqoon kale oo dheeraad ah, ugu yaraan Fiqhiga iyo Caqiidada, ama maaddooyin kale oo ardayga caawinaya sida xisaabta iyo Afka Soomaaliga, (10). Nooca goobta dugsigu ku yaallo, sida in uu yahay dugsi taabacsan Masjid ama awqaaf kale oo aan wax kiro ah ku bixin, inuu yahay dugsi goob kiro ah ku shaqeeya iyo inuu yahay dugsi qaangaadhay oo hanti uu dugsigu leeyahay ku shaqeeya. (11). Xilligii dugsi walba la furay iyo muddada cimrigiisu yahay ee uu geyiga Soomaalilaand ka shaqaynayey, (12). Tirada ardayda laga diiwaangeliyey dugsiga muddadii uu furnaa ee soo maray, (13). Tirada ardayda ka aflaxday dugsiga ee si dhammaystiran u sagootiday ka dib kolkii ay dhammaysteen jaranjaradii waxbarasho ee dugsigu bixinayey, (14). Kaalmaha uu dugsigu ka galay dadaallada barashada Qur’aanka ee kala geddisan iyo guulaha uu tirsan karo, sida in ardaydiisu ku guulaysatay tartannada heer degmo, heer gobol iyo heer qaran ee Soomaalilaand, inuu haysto shahaadooyin bogaadin ah oo uu ku mutaystay dadaal dheeraad ah oo uu bixiyey iyo cidaha siisay haddii ba ay jiraan iwm, (15). Qaabka xidhiidh ee ka dhexeeya dugsi walba iyo waalidka ubadka uu wax baro, sida in dugsigu leeyahay guddi waalidiin ah, iyo xidhiidhka ka dhexeeya dugsi walba iyo xaafadda ama degmada uu ku yaallo, hadday tahay shacabka xaafadda deggan iyo hadday tahay masuuliyiinta degmada iyo xaafadda uu ku yaallo iwm.
Iyada oo ay badan karaan xogaha dhinacyada kala duwan leh ee laga soo heli karo dugsiyada Qur’aanka ee maanta ka mid ah siraha bulsho ee Soomaalilaand iyo Soomaalida ba kuwa ugu qaalisan cid aan Alle ahayn oo ogsoonina aanay jirin haddana bal aynnu shan iyo tobankaa qodob ku soo dhaafno. Marka xogahan la helo waxa fududaanaysa in la ogaado, tirada dugsiyada Qur’aanka Soomaalilaand ka furan oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa degma walba, gobolka iyo degaan walba inta dugsi ee ka furan, waxa la ogaanayaa degmada, gobolka iyo degaanka ugu badan ee dugsi Qur’aan ka shaqeeyo oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa qofafka iyo ururrada bulsho ee dadaalka u badan geliya dugsiyada Qur’aanka oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa wadarta tirada ardayda Qur’aanka barata ee ku nool Soomaalilaand oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa wadarta macallimiinta Qur’aanka dhigta guud ahaan Soomaalilaand, heerarkooda waxbarasho, tayadooda, dhalashadooda ama degaannada ay u dhasheen oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa noocayada dadka Qur’aanka barta, inta labka ah, inta dheddigga ah, inta waayeelka ah, inta carruurta ah, inta da’da dhexe ah oo aan maanta la ogayn, waxa la ogaanayaa wadarta ardayda Soomaalilaand joogta ee macallimiinta Qur’aanku si mutadawacnimo ah wax u baraan oo halbeeg u noqonaysa heerka samafalka dugsiyada Qur’aanka iyo barayaasha Qur’aanka dhiga taas oo bidhaaminaysa heerka samafalka bulsho ee dhanka isugu kaalmaynta wanaagga iyo barashada culuumta Diinta boqran ee Islaamka, waxa la ogaanayaa noocyada dugsiyada ugu badan ee Soomaalilaand ka shaqeeya Qur’aankana lagu barto, tusaale ahaan dugsiyada ku shaqeeya goobaha Awqaafta ah, ama dugsiyada ku shaqeeya dhismayaal hanti ah oo ay leeyihiin iwm, waxa la ogaanayaa noocyada ardayda ka soo baxda dugsiyada Qur’aanka, midka ugu badan ama ugu badan karaya, tusaale ahaan ardayda Qur’aanka oo keliya xifdiya, ardayda Qur’aanka iyo aqoon kale kala yimaadda dugsiyada Qur’aanka iwm, waxa la ogaanayaa heerka xidhiidh wadashaqayneed ee ka dhexaysa maamulka/macallimiinta iyo waalidiinta ardayda, masuuliyiinta degmooyinka, gobollada iwm. Waxa la ogaanayaa xog aad u ballaadhan oo ka soo baxaysa marka xogtan la shiilo ee marba dhinac gaar ah lagaga yimaaddo si gaar ahna loo derso, arrintan ayaa noqonaysa mid banmaanka soo dhigta mid ka mid ah siraha bulsho ee ugu mugga weyn ee Soomaalilaand leedahay, taas oo si weyn u bidhaamin karta xog marar badan halis aad u weyn ku yeelan karta barashada Qur’aanka ee Soomaalilaand iyo guud ahaan ba Soomaalida oo Soomaalilaand muunad (sample) u noqon karto. Gees kale waxa aynnaan ogayn ba ilaa hadda, wa ayo cidda rasmiga ah ee ka dambaysa siyaasadda diiwaangelinta dugsiyada Qur’aanka JSL? Maxay tahay ujeeddada ay ka leedahay ururinta iyo helitaanka xogta dugsiyada Qur’aanka ee xilligan? Iyo wa ayo cidda ugu dambaysa ee ay gacanta u geli doonto xogtan xaasaasiga ahi?! Xogtani waxa ay imanaysaa xilli Soomaalilaand iyo guud ahaan ba Soomaalidu tahay bulsho baylah ah oo dayacan dhinac walba, wax badan oo xogteedii bulsho iyo arrimeheedii nololeed ahina gacanta ugu jiraan cido aan marna ba oggolaan karin in Soomaalidu madaxa la kacdo walow cidaha qaarkood Soomaali badan xigto iyo sokeeye ha u sheegtaanbee. Xogta barashada Qur’aanka ee Soomaalidu ma aha arrin sahlan, muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan bulshada Soomaalida waxa ay ahayd foolaadka iyo horyaalka bulshooyinka muslimka ah ee Carro edeg marka ay noqoto dhanka xifdiga Qur’aanka Maamuusan, arrintani waxa hubaal ah in ay cido badan oo Qur’aanka, barashadiisa, fahamkiisa, ku dhaqankiisa, iyo la noolaantiisa oo dhan ba neceb ku abuurayso werwer iyo walaac ay ka qabaan Soomaalida iyo Qur’aanka.
Soomaalidu bulsho dhinacyo badan ka dayacan kana burbursan haba noqotee ma aha bulsho liidata marka ay noqoto waxa ay geli karto ama goyn karto, waxa la iska garan karaa in dhibteedu tahay in aanay cago adag ku taagnayn dhanka dawladnimada hase ahaatee ay suuragaltahay saacad walba in ay hinqato saamayn na ku yeelan karto dunida, sidaa awgeed werwer badan ayaa ka jira duulka aynnu soo sheegnay oo ku aaddan Soomaalida iyo Qur’aanka. Marka xogta sidaa u qaaliga ahi timaaddo hal xafiis waxa aynnu garan karraa sida ay u fududdahay bulsho ahaan in xogtaasi gacanteenna ka baxdo oo gasho gacmo cadow ah, waxa hubaal ah xogtani haddii ay gasho cido danaynaya isla jeerkaana doonaya in ay uga faa’iideystaan dhanka taban in ay u sahli karto wax aad u badan oo aan maanta suuragal u ahayn. Waaba haddii aynnu ka soo qaadno in ay maanta tahay hawl u socota si niyad wanaag ah ujeeddooyin shisheeye na ka madhan.
La soco qormada saddexaad ee mawduuca dhowaan Idanka Alle.
Ismaaciil Xaaji Ciise, Hargeysa Soomaalilaand.