Duullaanka ay BBC-Somali iyo VOA-Somali ku Hayaan Radhyow Hargaysa (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waayihii Radhyow Hargaysa
Waa idaacadii ugu horaysay ee adduunka af-soomaali ku hadasha, waxaana tijaabadeeda la bilaabay sannadkii 1941. Magaceedii hore ee loogu wanqalay wuxuu ahaa RADHYOW KUDU, waxaana magacan laga beddelay sannadkii 1944, loona beddelay RADHYOW HARGAYSA. Xaaji Cabdi Ayuub ayaa ahaa ninkii ugu horeeyey ee ka hadla Radhyow Kudu ama Radhyow Hargaysa, waana ninkii ugu horeeyey ee ka hadlay idaacadda laanta af-soomaaliga ee BBC. Qolka keydka cajadalaha ee Radhyow Hargaysa 16 sannadood ayuu ka weyn yahay qolka keydka idaacadda BBC-da laanta af-soomaaliga. Barnmaamijyada ka baxa idaacadda Radhyow Hargaysa waa kuwa dheelitiran. Tix-raacu waa qoraallo aan hore uga diyaariyey warbaahinta Soomaalida.

Sidee wax looga qaban karaa Duullaankaasi?
Haddii la doonayo in kor loo qaado dhegaysiga idaacadda Radhyow Hargaysa, waxa fiican in laga xoreeyo labada idaacadood ee duullaanka ku ah dhegaysigeeda, ee kala ah BBC-Somali iyo VOA-Somali. Markaad u kuurgashid wakhtiyada ay reer Hargaysa aadka u dhegaysataan Radhyow Hargaysa, waxa kuu soo baxaya in ay tahay inta ay labadan idaacadood hawada ka maqan yihiin. Haddaba haddii la doonayo in kor loo qaado dhegaysiga Radhyow Hargaysa waa in la qaado laba tallaabo oo kala ah:

= in la joojiyo oo gebi ahaanba la laalo baahinaha kala ah, 1:30 duhurnimo ee VOA Somali iyo 2:00 duhurnimo ee BBC-Somali.
= in la laalo baahinaha kala ah, 4:00 galabnimo ee VOA Somali iyo 5:00 galabnimo ee BBC-Somali.

Labadan wakhti waa kuwa ugu dhegaysiga badan ee ay shacabka reer Soomaalilaan toos ula socdaan waxa ay idaacaduhu baahinayaan. Wakhtiyada kale waa la iska dayn karaa oo saamayntooda ayaa yar.

Dheelitir la’aanta labadan Idaacadood
BBC-Somali iyo VOA-Somali madaxdooda haddu waa niman ka siman nacaybka iyo colaadinta Soomaalilaan, waxa taasina markhaati cad u ah sida aanay isugu dheelitirin wararka, barnmaamijyada, doodaha iyo falanqaymaha ka baxaya labadan idaacadood ee ku saabsan Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa la yidhi” Meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”, dhawaan markii la xusayey sannad-guuradii 26-Juun ee sannadkan waxa ay VOA-Somali barnmaamijeedkii aroornnimo ku bilowday xus maalinta looga sameeyey Muqdisho halkii ay xuska kaga bilaabi lahaayeen Hargaysa oo ahayd goobtii laga taagay calankii buluugga oo taariikhdaasi waxa lahaa reer Soomaalilaan.

Saxaafad ahaan waa Marajo habaabin, waayo marka xus laga warramayo waa lagu bilaabo goobta uu xusku khuseeyo (Scene of event). BBC-Somali barnmaamijyadeedii ku saabsanaa heshiiskii DPWORLD Berbera, waxa ay saddex baahinood isku xigsiisay saddex qof oo arrinta Berbera falaqayn ku samaynayey oo dhamaantood ka soo horjeeday heshiiska. Waxa ay kala ahaayeen, Dr. Bur-saliid oo bare jaamacadeed ah, xubin ka tirsan ururka xasaradaha adduunka iyo nin la yidhaa Sakariye oo ahaa sharciyaqaan Maraykanka degnaa.

Midna muu taageersanayn heshiiska DPWORLD ee Berbera, taasina waa dheelitir la’aan cad oo badheedh ah. Haddiiba uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tago dibadda, waxa ay warkiisa u soo tebiyaan tallaabo tallaabo, halka haddiiba uu madaxweynaha Soomaalilaan booqasho ku tago dibadda ay wararkooda ku sheegeen markuu baxo oo keliya. Sidoo kale waxa labadan idaacadood ka buuxa suxufiyiin u dhashay Soomaaliya oo Soomaalilaan nacaybka ka sokow xittaa heer bilow ah aan ka aqoon gobollada Soomaalilaan, halka kuwa Soomaaliyana ay u abtiriyaan iyaga oo meelaha qaar buunbuuniya ileyn waa deegaankoodii ay ka yimaadeenne.
Dhawaan ayey suxufiyada Caasha Cuud oo ka tirsan VOA Somali ku dhawaaqi kari weyday magaalada’ BADHAN’ ee Soomaalilaan, waayo waxa ay ku hadashaa lahjada ay ku hadlaan reer Muqdisho oo ma karaan ama kuma dhawaaqi karaan erayga’ DH’ oo waxa ay adeegsadaan erayga’R’. markaa magaca magaaladani wuxuu noqonayaa ‘BARAN’ oo micnihii iyo goobtii ayaa is-beddelaysa. Markii af-soomaaliga la qorayey, ayaa la isku qabtay labada eray ee”R” iyo “dh” bal ka la isticmaalayo. Guddigii af-soomaaliga ayaa labadan kooxood oo isku haystay labadan eray soo kala dhexgalay. Ka dib waxa la yidhi “ waar kooxdan wadata “R” bal isticmaala eraygan oo waxaad tidhaahdaan “gabar” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, oo waxay noqotay “gabrro”. Ka dib waxa lagu yidhi gabrro waa cay dhinaca waqooyiga soomaaliya (Soomaalilaan-t maanta). Kuwii watay “dh” ayaa yidhi”gabadh” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, waxay noqotay” gabdho”. Markaa waxa halkaasi lagaga adkaaday kuwii watay erayga “R” oo waxa la isla qaatay in erayga “dh” dhammaan warbaahintu isticmaasho.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com