Aaska Qaran ee loo sameeyey gacan ku dhiigle Cali Samatar oo ahaa ninkii qirtay Xasuuqii uu u gaystay Shacabkii reer Somaliland, waxaan u arkaa daan-daansi reer Somaliland iyo in ay u aqoon sadeen geesi qaran, taasina waxay cadaynaysaa in ay Soomaaliya raali ka tahay kuna faraxsan yihiin xasuuqii loo gaystay reer Somaliland.
Haddaba waa in la canbaareeyaa isla markaana wada-hadalada la sheegayo lagaga baxaa, haddii kale raali ayaad ka tahay waxa dhacayaa.
Waxaa nasiib daro ah in waliba warbaahinta Somaliland laga leeyahay buun-buuniso aaska gacan ku dhiigle Samatar loogu sameeyay Muqdisho oo ahayd halkii amarka xasuuqa laga soo siiyey maantana waxay ku tuseen in ay ku barbartaagan yihiin.
Allaah Mahadleh.
Cabdiqani Salaf (Kaptanka)