Is hubso! (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

Waxaan gacanta ku hayey telefoonkayga gacanta ama moobilkayga, oo run ahaatii ah nooca  aadka u qaaliga ah ee shaashada balaadhan, oo aan goortaa isticmaalayey , lambar aanan hore u aqoonin  baa isoo garaacay ama wacay, kamaan qaban, inta badana  maba ihi dadka qabta telefoonada aanay garanayn, markaanse arkay lambarkan igu soo noq noqonaya  ayaan ka fikiray malaha waa qof ehelka ah ama asxaabta ah oo lambar kale kaa soo garacaya, waxaan ku adkaystay inaan qabto.

Wuxuu noqday qof aanan waligayba maqal codkiisa oo hadalo mac-macaan adeegsanaya ayaa  igaga soo baxay isagoo ku tiraabayey,  ma Istaahil baa ma istaahil baa?  may may  baan ku idhi, wuxuu igu jawaabay  haa, raali ahow walaalo lamabarkaa igaga kaasoo qaldmaye.

Waayahay baan anna ugu jawaabay, daqiiqado kadib haddana wuu igu soo celiyey isagoo ii sheegaya in aanu magalada kala garanayn lambarkii uu rabayna ka qaldamay maadaama uu magaalada qariib ku ahaa.

Sidaasaanu isku baranay willkaas ayaantaa, dhawr cisho wuxuu isoo bariidayaba, kolba ila soo hadlaba ugu dambayntii, wuxuu igu qanciyey in aanu is aragno oo aanu kulano goor galab ah,  waliba magaalada dhexdeeda isagoo ku maah-maahaya xalaal iftiin baa la qashaa ee aynu is aragno qof wanaagsan baad tahaye.  Waanan ka aqbalay dalabkiisi, waanu isku nimid,  wuxuu noqday nin qiyaastii da’adiiisa tahay ilaa  35 jir oo dhallinyaro ah aadna u xara-goonaya, fur -furaan iyo dabacsanaan badanina ka muuqato, is arag aqooni kama horayne.

Sidaas buu kulan kaasi ku soo dhammaaday maalintaas, in kastoo  anigu aan doonayn haasaawe iyo arrimahaas, haddana wuxuu mar labaad  iga codsanday in aanu kulano, si uu ii guddoonsiyo hadiyad qaaliya oo uu igu talo galay, isla sidii horena raba in aanu kulano hadhkaa cad, anna mashquul baaban ahaa maalintaas oo waxaan u sheegay in habeenimada aan haleelayo.

sidii maalintii hore ayaanu suuqa badhtankiisa ku kulanay, wakhtiguna waa  goor fiida oo markaas uun salaadii makhrib laga soo baxay, waabuu sii taagan yahay meeshii balantu ahayd, hees uu qaado Maxamed Mooge AHN, ayaa tidhaada Allahayow nin daalina allahayow nin daacada deeqdaada haw simin.

Ninkii  isaga labada  gacmood ku sida kartoon wayn oo kaadooya oo uu soo xidhay, kuna labisnaa shaadh cad iyo surwaal madow koofiyadna xidhan, ayaa markii uu arkay dhoola cadeeyey, aniga laftaydu dab yar maan shidayne intaan aad u farxay Ayaan is idhi malaha ninkan aad heshayba waa laylatul qadrigii waa gashaati iyo caadkeede.

Dumarkuna dabeecad ahaan way jecel yihiin ninka deeqsiga ah halka ay ka neceb yihiin bakhaylka, meeshu waa suuqa aad aragtayoo, aad baan u naxsanaa wadnuhuna wuu shan qadhayey, xataa cagaha ayaa i gariirayey shaarac iyo suuqa aanu dhex taagan ahay,  xishood dartii waaban dhici gaadhay.

Hudheel meesha ka soo jeeday oo aanan hadda xasuusan karin wixii ku qornaa boodhkiisa ayaanu hor taagnayn telefoonkana gacantaan ku haystay, intuu madaxa sidaa u ruxay ayuu, waan ka xumahay dabkii baa iga dhacay telefoonkii, walaalo fadlan oo ii qabo koofiyad, kortoonka iyo kun iyo shan boqol oo shilinka Somaliland-ta ah oo uu gacanta ku hayey markaas buu yidhi: walaalo telefoonkaaga ii dhiib,  waxaa rabaa in aan  saad  ama lacag ka  dirto, hal daqiiqo sii sug, waayahay baan ku idhi, kalsooni badan baan ku qabayey sidii buu gacantayda kaga baxay  telefoonkaygii qaaliga ahaa, hudheelkii aanu hor joognay buu galay.

Anna kursi meesha yaalay baan iska fadhiistay,   in mudo ah  waxaan fadhiyaba, waabu igu  sooba noqon waayey ninkii, dadkii meesha meheradaha ku haystayna waabay iga yaabeen fadhi xumaydayda iyo indha adayga aan meesha la fadhiyo iyo waxaan meesha ka qabanayo, Soomaalidu waa dad faduul maydhane, qaar baaba ii yimid oo igu yidhi naa maxaa meesha ku dhigay,  annoo naxsan oo niyad jabsan baan ku idhi nin hudheelkan galay baan sugayey oo aanu wada soconay, qoladii hudheelkaaba hadalkayagii maqashay oo soo baxday, markaas bay i waydiiyeen  oo ninku muxuu ahaa, waxaan ugu jawaabay walaalo waa ninka shaadhka cad iyo surwaalka madow xidhan ee meesha ku jira. Dhaqankeenu hablaha wuu ixtiraamaye, ninkii baa hudheelki laga eegay mise maba joogaba wax dharkaa ay sheegayso xidhan.

All, alla waaba tuug, oo halkuu maray, ileen hudheelkuba wuxuu lahaa laba albaab leeyahay oo hore iyo xaga dambe ah,  sidii baanu kaga baxsaday inantii.

Dad badan baa meeshii ku soo ururay, su’aalo  tirro badan bay halkii ku  waydiiyeen inanti.

Oo ninku muxuu ahaa? halkeed isku barateen? maxaad isku ahaydeen? oo kartoonkana muxuu ahaa maxaase ku jira ? Annoo naxsan baan ku idhi waa hadiyad uu ii keenay. Qaar faro dhaadheer markiiba yidhi oo maxaa ku jira, waabay fureen, arrinta mucjisada ahi waxay ahayd, kartoonkii weynaa waxaa kagaga soo baxay.

Xashiish tiro badan iyo warqad far waaweyn si qurux badan loogu qoray.

“Is hubso!”

 

WQ: Kamaal Xasan Isaaq

Tell:  063-4402758  

 kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland