Ceeb Doonow Beeni Raad Ma Leh
Sidaas oo ay tahay waxa jira dad bulshada ku dhex nool oo wanaagga iyo samaha ku bukooda, ma tiro badna laakiin, mar kasta waxa u heellan dad waxay sheegaan ba rumaysta oo shaydaanka u dhego nugul waana kuwa Soomaalidu tidhaahdo Hanfade iyo ma hubsade ayaa rag ugu liita.
Sida Eebbe iblayska sharkiisa inooga digay munaafaqu muslimiinta wuxuu ugu soo gabbadaa caqiidada isaga oo iska yeel yeelaya in uu Diinta u hiilinayo sababta oo ah waa halka ugu jilicsan ee laga abbaaro dadka wax ma garatada ah.
Akhriste bal u fiirso labadan tusaale iyo saban kasta in uu jiro Geeddi Baabu bulshada ka weeciya wanaagga iyo horumarka. Horraantii 1950s-kii Boqortooyadii Ingiriisku maxmiyaddii Somaliland waxay ugu deeqday dhismaha College lagu qaato tacliinta sare hase ahaatee waxa ka hor yimid oo diiday in la dhiso kuwo Coldoon oo kale ahaa oo wakhtigaa noola, waxay bulshada la dhex mareen in Ingiriisku doonayo in uu ardaydeena gaaleeyo kadibna College-kii waxa loo wareejiyay dalka Sudan.
Waxa xusid mudan in ardaydii Somaliland waxbarasho u tagi jireen Sudan iyo College-kii Somaliland diiday. Tusaale kale dabayaaqadii 1930s-kii Boqortooyadii waxay odayaashii Somaliland u soo jeedisay in la qoro Afka Soomaaliga markaana waxa la yidhi waynu gaaloobayna haddii xuruufta afka Soomaaliga lagu qoro farta Latin-ka mana aqbalayno waana laga noqday soo jeedintii.
Haddaba tolow imisa qof baa gaaloobay 1972-gii markii Af Soomaaliga lagu qoray farta latin-ka, imisa se aqoon yahan oo waddamada gaalada wax ku soo bartay ayaa soo noqday iyaga oo gaalo ah? Waxa la yaab leh ninka ku eedaysan ceebaynta been abuurka ah ee wax kasta oo xun ba ka sheegay Abaarso School si uu magaca caan baxay iyo sumcadda wanaagsan uga dilo, muu arag School-ku meesha uu ku yaallo, xattaa ma sheegi karo jihada uu Hargeysa ka xigo.
Isaga iyo kuwa anshax xumada ku taageera haddii la waydiiyo in ay caddaymo u hayaan aflagaadada iyo meel ka dhaca intaa leeg waxay si fudud kuugu jawaabayaan maya laakiin, dadkuba way lahaayeen. Runtii anigu u malayn maayo qof maskaxda ka fayow oo caafimaad qaba in uu sidaa badheedhka ah u gali karo dambi sidaa u culus.
Haddaba War Moogow Abaarso School wuxuu leeyahay Masaajid weyn oo 130-150 Arday ku tukan karaan, waxa jooga macallin School-ka ka dhiga tarbiyadda Diinta Islaamka, galinka dambena si โprivateโ ah ardayda Quraanka ugu dhiga; waxa jira arday Quraanka ku xafiday muddadii ay Abaarso ku jireen.
School-ku wuxuu leeyahay guddi sare oo ka kooban waalidiinta ardayda oo si dhaw ula socda xaaladda School-ka. Waxa iyaguna jira guddi hoosaad waalidiinta ka mid ah oo u xilsaaran dhiiri gelinta barashada Diinta iyo Xifdiga Quraanka.
Gabo-gabo: inkasta oo laga war hayo qiimaha Abaarso School haddana madaxda Qaranka kama helin dhiiri gelintii, taageeradii, iyo hiilkii uu uga baahna hase yeeshee caano daatay ba dabadood la qabay: madaxda dalka waxa aan u soo jeedinaya in ay si mug iyo miisaan leh uga qayb galaan xuska sanad guurada 10-aad ee dugsiga oo ku beegan 10-07-2019 si ardayda iyo macallimiintu u dareemaan in xukuumaddu barbar taaggan tahay.
Dhammaad
Waxa Qaray Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com