Abaartii tagi waydee maxaa talo ah? (WQ: Khaalid Xaaji Aadan Cabdi “Jiilaani”)

 

Anigoo su’aashaydaasi jawaab u raadinaaya ayaa waxaan xasuustay barigii hore marka layaabo waxaan arki jiray tiiyoo carruurta malcaamadaha dhiganaaya inta loo soo saaro banaanka ay yidhaahdaan:

“Illaahow roob na sii.”

Dabadeedna maalintaas ay Illaahay carrruurtu baryeen galinkeeda dambe uu roobkii da’o, sidoo waxaan arki jiray in duco wadareedyo la qabto oo masaakiina iyo dadka aan waxba haysan la dhargiyo, waxaan kale oo aan arki jiray in bariis cad iyo ciir laysku cuno maalintaasi kii taajirka ahaa iyo kii faqiirka ahaana ay isku cunto noqdaan oo aan gurina wax kale lagu Karin, waxaasi oo dhami waxay ahaan jireen iyadoo Illaahay laysku dhul dhigaayo dadkuna niyad wanaagsan ayay la iman jireen.

Waxaan leeyahay dadka qoraalkaygani akhriyow  maalinta Isniinta  waa in aynu soonaa 24 /04/2017  haddii Illaahay yidhaa waayo maalin kasta oo Isniinta  iyo Khamiis ah  waxaa Illaahay loo soo bandhigaa acmaasha dadka oo dhan, waana maalin sunne ah in la soomo oo Nabigeena ayaa soomi jiray NNKH sidaasi awgeed inagoo niyad wanaagsan Illaahayna isku dhul dhignay, niyad wanaagsana la nimid ilaahay isagoo ina og hala inoo bandhigo qof walowna qofkii aad wax uun caloosha ugu hayso iska saamax, waxii dambiyee aad gashayna adiga iyo Illaahaybaa is oge Illaahay dambi dhaaf waydiiso waayo waxaad og tihiin Nabi Muuse iyo qoomkiisii reer Bini Israa’iil in ay abaar xuni haleeshay dabadeed meel cidlo ah ay u baxeen ay Illaahay roob baryeen waxna laga aqbali waayay markii danbe qisadu way dheerayde Illaahay wuxuu Nabi Muuse u sheegay in uu ku dhex jiro nin 40 sanno Illaahay caasinaayay oo aan walib la xishoonayn xumaantaasi uu samaynaayo sidaasi awgeed in aanu ilaahay ninkaasi ninkaasi awgii aanu roobku u imanayn markuu Nabi Muuse u sheegay qoomkiisii ninkii Illaahay ayuu baryay in uu asturo una dambi dhaafo Illaahayna wuu ka aqbalay waanu asturay Nabi Muuse looma sheegin.

Sidaas daraadeed, haddii aynu toobad keeno dhammaanteen Illaahay roobka wuu in oo shubi, Illaahayna roobka ha inoo shubo nimcada samada iyo ta dhulkana Illaahay ha ina siiyo, dambigeenii iyo kii waalidteen Illaahay ha inaga dhaafo, waxii khayr ahna ha isku garab galo hana la sameeyo.

Waxa Qoray: Khaalid Xaaji Aadan Cabdi “Jaylaani”