Ogow wax lawada faray Nebiyada iyo Muslimiinta (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir)

 

#Xadiiska_Todobaadka

#Ogow_Wax_Layna_WadaFaray

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Allow Noo naxariiso oo hanoogu cadhoon danuubta aan galnay toobad aan la imaan waynay. Aamiin.

Ila dheeho xadiiskan iyo faaidadiisa kadib ku cabir nolosheena maanta igo waaqica waayaheena.

ุนูŽู†ู’ ุฃูŽุจููŠ ู‡ูุฑูŽูŠู’ุฑูŽุฉูŽ ุฑูŽุถููŠูŽ ุงู„ู„ู‡ู ุนูŽู†ู’ู‡ู ู‚ูŽุงู„ูŽ: ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆ ุณู„ู… “ุฅู†ูŽู‘ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูŽ ุทูŽูŠูู‘ุจูŒ ู„ูŽุง ูŠูŽู‚ู’ุจูŽู„ู ุฅู„ูŽู‘ุง ุทูŽูŠูู‘ุจู‹ุงุŒ ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูŽ ุฃูŽู…ูŽุฑูŽ ุงู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ููŠู†ูŽ ุจูู…ูŽุง ุฃูŽู…ูŽุฑูŽ ุจูู‡ู ุงู„ู’ู…ูุฑู’ุณูŽู„ููŠู†ูŽ ููŽู‚ูŽุงู„ูŽ ุชูŽุนูŽุงู„ูŽู‰: “ูŠูŽุง ุฃูŽูŠูู‘ู‡ูŽุง ุงู„ุฑูู‘ุณูู„ู ูƒูู„ููˆุง ู…ูู†ู’ ุงู„ุทูŽู‘ูŠูู‘ุจูŽุงุชู ูˆูŽุงุนู’ู…ูŽู„ููˆุง ุตูŽุงู„ูุญู‹ุง”ุŒ ูˆูŽู‚ูŽุงู„ูŽ ุชูŽุนูŽุงู„ูŽู‰: “ูŠูŽุง ุฃูŽูŠูู‘ู‡ูŽุง ุงู„ูŽู‘ุฐููŠู†ูŽ ุขู…ูŽู†ููˆุง ูƒูู„ููˆุง ู…ูู†ู’ ุทูŽูŠูู‘ุจูŽุงุชู ู…ูŽุง ุฑูŽุฒูŽู‚ู’ู†ูŽุงูƒูู…ู’” ุซูู…ูŽู‘ ุฐูŽูƒูŽุฑูŽ ุงู„ุฑูŽู‘ุฌูู„ูŽ ูŠูุทููŠู„ู ุงู„ุณูŽู‘ููŽุฑูŽ ุฃูŽุดู’ุนูŽุซูŽ ุฃูŽุบู’ุจูŽุฑูŽ ูŠูŽู…ูุฏูู‘ ูŠูŽุฏูŽูŠู’ู‡ู ุฅู„ูŽู‰ ุงู„ุณูŽู‘ู…ูŽุงุกู: ูŠูŽุง ุฑูŽุจูู‘! ูŠูŽุง ุฑูŽุจูู‘! ูˆูŽู…ูŽุทู’ุนูŽู…ูู‡ู ุญูŽุฑูŽุงู…ูŒุŒ ูˆูŽู…ูŽุดู’ุฑูŽุจูู‡ู ุญูŽุฑูŽุงู…ูŒุŒ ูˆูŽู…ูŽู„ู’ุจูŽุณูู‡ู ุญูŽุฑูŽุงู…ูŒุŒ ูˆูŽุบูุฐูู‘ูŠูŽ ุจูุงู„ู’ุญูŽุฑูŽุงู…ูุŒ ููŽุฃูŽู†ูŽู‘ู‰ ูŠูุณู’ุชูŽุฌูŽุงุจู ู„ูŽู‡ูุŸ”.

[ุฑูŽูˆูŽุงู‡ู ู…ูุณู’ู„ูู…ูŒ]

Wax la wada faray Nebiyada iyo Muslimiinta

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Allaha ha ka raali noqdee), inuu yiri:

Rasuulkii Alla wuxuu yiri: ย lllaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, lllaahayna wuxuu faray mu’miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay aayadda dheheysa:” Rusuleey cuna raashinka kiisa bannaan ee fiican, camal fiicanna fala”, iyo aayadda dheheysa: “Mu’miniineey cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay.” Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, kubabka boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo llaahay baryaaya oo leh: Rabbigeeyow, Rabbigeeyow, isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo quudiyay – sidee looga aqbalayaa ducadiisa?

Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka mid yahay xadiisyada qiimaha weyn ku leh fiqiga lslaamka, wuxuuna tusayaa in qofkii wax wanaagsan aan sadaqeysan aan laga aqbaleynin, ha noqdo xoolo, cunto, dhar iwm.

Waxa aanu isaga naftiisa u qaadaneynin yaanu sadaqa ula bixin.

Aayad Qur’aan ah waxay sheegtay: “lnaan qofku wanaag helaynin ilaa uu bixiyo waxa uu naftiisa u jecel yahay.

Xagga fallida camal aan wanagsaneyn llaahay ma aqbalayo sida camalka looga jeedo ha lagaa sheego ama ha lagugu ammaano ama aad xoolo ku heshid ama camal shirki ku dheehan yahay ama aan sharcigaba ku dhisneyn.

Xadiiskani wuxuu sheegay Rususha iyo Mu’miniinta ay u gudboon yihiin xalaal miiradnimada. Waxaana la faray labadoodaba inay wax wanaagsan cunaan, Camal wanaagsan falaan, cuntada wanaagsan waa midda xalaasha ah camalka wanaagsan waa midka ka fayoow shirkiga ee waafaqsan sharciga.

Waxa kale ee xadiiskani inoo sheegayaa in ku dhaqanka waxyaalaha xaaaraanta ah ay qofka ka fogeyneyso naxariista Alle, maxaa yeelay qofkii socotada ahaa ee safarku tabaaleeyay wuxuu mudan yahay naxariis, haddiise uu yahay xaaraan-quute xaq uma laha in la aqbalo ducadiisa ilaa uu ka toobad keeno oo uu llaahay u noqdo.

Faa’iidada Xadiiska

  1. Inaan llaahay aqbaleynin camal-xun,
  1. In qofku sadaqaysto wax wanaagsan ee uu jecel yahay,
  1. ln ku dhaqanka xaaraanta qofka ka fogeynayo llaahay.

Wlladayoow Dhamaanteen waxaa inala gudboon toobad keen iyo Alle ka cabsi qalbiyadeena aan saafiyayno si Allah ducada iyo baryada inooga ajiibo aan bixino waxa aan jecelnahay oo isu naxariisano oo unaxno kuweena taagta darran.

Waxaa jirra kuwii xaaraanta cunnay oo hadana baryadii salaadaha inagula jirra safka kuwii dulmiga falay iwm aan toobad lanimaadno Allena unqono walaaladayoow.

Bal eeg Sidee bay ku imanaysaa toobad la’aan iyo isu tudhid laaan baadhaadhe dhexdeena ah.

Utudh caawi oo u nax, cafi oo saamax walaalkaa, toobadkeen oo Allahaa barri.

โ€ฆโ€ฆโ€ฆWabilaahi Tawfiiqโ€ฆโ€ฆ

WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan

Kafaalooda Arimaha bulshada

siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email:ย Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55