Xisbiga ugu wayn mucaaridka Turkiga wuxuu dalbaday in la hakiyo dhaqan galinta dastuurka cusub

ย 

Xisbiga ugu wayn mucaaridka Turkiga ayaa dacwad u gudbiyey maxkamadda taas oo uu ku dalbanayo in la laalo natiijada aftidii dastuurka ee dhacday Axaddii hore, taas oo garabkii Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan hoggaaminayey ku guulaystay isla markaana awoodihiisa si wayn u kordhin doonta.

Xibiga Jamhuuriga ah ee Shacbigu markii uu dacwadda maxkamadda u gudbinayey wuxu sheegay in doodiisu tahay in aftidaa natiijadeeda la laalo maadaama oo malaayiin waraaqaha codka lagu bixiyey oo aan la shaabadaynin la tiriyey.

Waxa kale oo xisbigaasi dalbanayaa in dhaqan galinta dastuurka cusub isna la hakiyo ilaa inta maxkamaddu go’aan ka gaadhayso dacwaddan ay u gudbiyeen.

Haseyeeshee, Madaxweyne Erdogan ayaa isna ku tilmaamay mucaaridka in ay guul darraysteen oo uu meel maray rabitaankii shacabku.

Arbacadii ayaa guddida doorashooyinka dalku ganafka ku dhufteen codsi loo soo gudbiyey oo ahaa in la buriyo natiijada aftidii la qaaday.

bandhige@gmail.com