Abiy Axmed Wuxuu Gaws Danbayska Ku Haystay Cadaawad Gamuurtay Oo Uu Qabay Somaliland (WQ: Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba)

Hore ayaan u sheegay in Ethiopia inta  uu Abiy Axmed oo Oromo ahi hogaaminaya iska dhaaf Somaliland qaranimadeeda inay ixtiraamto eh, ay dagaal kor iyo hoos ah ku qaadi doonto inay Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi hesho.

 

Haddaad dib u daawataan weraysi uu bixiyay Abiy Axmed marku ahaa wasiirka tiknolojiyadda Ethiopia, isla markaana uu Phd Doctorate ka diyaarinaayay Addis Ababa University, wuxuu si aan gabasho lahayn u ictiraaqay fekerka uu isaga iyo xisbiga uu ka tirana ODP ay aaminsanyahiin.

 

Wuxuu sheegay in Ethiopia oo aqoonsata Somaliland oo ka madax banaanata Soomaaliya, ay uga dhigantahay gobolka Tigreega oo ka madax banaanada Ethiopia inteeda kale.

 

Wuxuu si diblomaasiyad ku dheehantahay hoosta uga xariiqay danta qoomiyadda Oromiya ugu jirta dalkii  Soomaaliya la isku odhan jiray oo aan kala go’in (waxaan dhawaan qodobkan ku faallayn doona qormo la soco).

 

Abiy Axmed wuxuu gaws danbayska ku haystay cadaawad gamuurtay oo u Somaliland u qabay, isagoo u arkaayay inay Jamhuuriyadda Somaliland xidhiidh sokeeye la lahaayeen nidaamkii tigreegu hogaminaayay ee Melez zenawi, oo cadaadis ba’an ku hayay qoomiyadda Oromada.