Wakhtigan aynu ku jiro waxa aad mooda in dadku ay hayaan ugu jiraan sidii ay u gaadhi lahayeen wadamada Yurub iwm,dadka safaradaasi ku jiraa Somalida oo kaliya maahan, balse waxa aad moodaa in dunida oo dhami ay fikirka hayaanka wada qabaan.
Haddaba wadamadan marka aad timaado shayga ugu muhiimsan ee laga helaa waxa uu yahay sharciga wadanka aad ka hesho, balse qaabka iyo farsadama sharciga lagu heelaa qadarta Rabbi ka bacdi,w axa ay u baahan tahay in aad laanta socdaalka ee dalkaa aad iska dhiibtay aad u cadayso sababta aad dalka u timi.
Dad yawga adduunka oo dhami oo ay Soomaalidu ka mid tahay, waxa inta badan ay isku dhiibaan hadba halkii ay isleeyhiin waxa aad ku helaysaa sharci iyo goobaha ay markaasi dhibaatadu ka taagan tahay.
Madamaa waddankii Soomaaliya la odhan jiray uu wakhti dheer ka hor uu burburay, ilaa maanta waxa ay Soomaalidu isku dhiibtaa kolba halka ay isleeyhiin waxa aad ku qaadanaysaan sharci, iyada oo badankoodu ama 100%99 ay dhab ka tahay magan-galyo doonistu.
Haddaba waxaa Eswidhan ka dhacday sheeko aad u qosol badan, kadib markii laamaha socdaalka mid ka mida, uu iska dhiibay nin dhallinyara ah oo u dhashay Somaliland kaasi oo isku dhiibay koonfurta Soomaaliya, isaga oo sheegtay in uu kasoo cararay dhibatooyinka ay Shabaab ku hayaan dadka.
Khasab waxa kugu ah madaama aad sheeganayso gobol aanad u dhallan in aan luqadiisa iyo qaab nololeedkiisa aad si fiican u barato, waayo waa waxa kaliya ee lagugu jirabaayo ama wax lagaa waydiinaayo waa gobolkaasi aad sheegatay.
Wiilkii dhalinyarada ahaa ,ayaa waxa loo qabtay balantii waraysigaย si wax looga waydiiyo, xaladaha uu markaasi sheeganaayo iyo mushkiladaha ka jira gobolkaasi uu ka yimi.
Sida ay dadkuba inta badan ka warhayaan marka waraysiga laga qaadaayo waxaa lagu balaminayaa turjumaan luqadada yaqaana, haddaba ninkii dhallinyarada ahaa oo fadhiya xafiiska lagu xogwaraysanayay, su’aalahii la waydiinayayna lagu gudo jiro, ayaa ninkii turjumaanka ahaa oo u dhashay konfurta Soomaaliya ayaa ninkii dhallinyarada ahaa ee reer waqooyi waxa uu ku yidhi:
“Aboowe waxa ay ku waydiinayaan meesha aad ka timi?.”
kadibna ninkii dhallinyarada ahaa oo kalmada Aboowe u haysta CAY xun, ayaa waxa uu ku qayliyay ninkii turjumaanka ahaa:
“Kuyee adiga iyo hooyada ayaa aboowe ah aniga mardanbe haygu odhanin.”
Murankii iyo fara isku taagtaagi meesha ka dhashay ayaa gabadhii kiiska haysay, waxa ay dareentay in wax ay qaldameen, kadibna waxa ay waydiisay waxa dhacay ee uu ninkan dhallinyarada ahi uu ka xanaaqay.
Waxa uu ku yidhi turjumaanka, ninkani waxa uu sheegtay in uu Konfurta Soomaaliya u dhashay,b alse kalmada caadiga ah ee qofkasta ee Soomaaliyii uu yaqaanana waxa uu isagu u yaqanaa cay, taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanu ahayn meesha uu sheeganaayo.
Hadal iyo dhammaan ninkii dhalinyarada ahaa,fahamka qaldan ee uu kalmada Aboowe ka qaatay waxa uu ku wayay dhamaan in wadankii uu iska dhiibay oo dhan uu sharci looga diido, waxa kale oo u dheeraday dacayadda ay Soomaalidu ku hayso oo ah:
“Koonfurta Soomaaliyana waad isku dhiibtay aboowana caybaad u taqanaa xagee laga dheelaa.”
Ninkii dhallinyarada ahaa markii wax laga waydiiyay Aboowe waxa uu ka aaminsan yahay waxa uu sheegay in labada kalmadood ee Aboowe iyo Abaayo uu u yaqaano cay xun oo ay reer koonfurku ku cayaan reer waqooyiga, bal-adba.
Waxa ii waramay ninkii ay ku dhacday.
Wabilaahi tawfiiq.
WQ: Khadar Ibraahim Aar