Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Trump ayaa wali ka socda Maraykanka

Tobanaan kun oo qof oo ku nool New York illaa California ayaa maalintii saddexaad buuxiyey waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Maraykanka si ay uga dibadbaxaan doorashada madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka Donald Trump.

Banaanbaxyada ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Portland ee gobollka Oregon ilaa Chicago, illaa New York.

Hase yeeshee, magaalooyinka qaar ayaa dibadbaxayaasha waxay ahaayeen kaliya boqolaal, iyaga oo ka yaraa kumanaanka qof ee isu soo baxay markii guusha Trump lagu dhaawaqay aroornimadii Arbacada.

Goor dambe oo Khamiistii ahayd ayaa Trump waxa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray:

“Waxaan goordhow un qaban doorasho furan oo guul leh. Hadda ayaa dibadbaxayaal xirfadleyaal ah oo ay hurinayaan warbaahinta ay dibadbaxayaaan. Waa wax aan caddaalad ahayn.”

Dadka dibadbaxaya ayaa badankood ka walaacsan hadalladii uu horey u jeediyey Trump oo qaarkood uu ku beegsaday dadka laga tirada badan yahay, hase yeeshee Trump ayaa markii la doortay waxa uu sheegay in uu doonayo inuu madaxweyne u noqdo dadka oo dhan.

bandhige@gmail.com