Show illayn wadaadow
Baroortaadu wayshiyo
Orgigaba ka sii wayn
Abwaan Gaarriye (AHN)
Baadhitaan iyo daraasado la sameeyay waxa lagu ogaaday in kacdoonkii Siyaad barre lagu riday ay hormuud ka ahaayeen Abwaaniin.Fananiin.Aqoon yahano iyo wax garad iskood isu abaabulay oo ka soo horjeestay Taliskii kelitaliska ku caanka ahaa ee Siyaad barre arrintani waxay ku biyo shubatay Somalia oo bilaa dowlad noqotay iyo Somaliland oo ka goday wax bandanna horumar ka gaadhay dhinacyo badan lakin suaashu waxay tahay sidaas ma lagu kala nasan doonaa? Waa maya.
Haddaba aragti Cusub ayaa la abuuray sannadahan danbe tan iyo 2012kii markii uu Xukuumadda turkigu afduubtay wada hadalladii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland waxay markiiba cadaatay doorka tukigu ku leeyahay wada hadallada oo aanu marnaba dhex ka ahayn arrimaha Somalia iyo Somaliland isla markaana wuxuu dhaqaale xoog leh geliyay dhinaca koonfurta Somalia Sida safaaradda ugu way nee uu caalamka ku leeyahay oo uu muqdisho ka dhisay,Cusbitaallada oo uu aad u qalabeeyay dibna u dhisay iyo meelo kaloo badan isagoo aan dhinaca Somaliland wax taageero ah siinnin.
Intaas kuma joogin ee Xukuumadda turkigu waxay gacmo dhaadheer la soo dhex gashay Arrimaha Somalida oo dhan,waxayna xoogga saartay meelaha nabadda ah ee ka baxsan Muqdisho ama ka fog fog sida Somaliland oo kale.
Aragtida cusub ee dib loogu raadinayo wixii la odhan jiray Somali wayn ayaa u ah Yool ka la higsanayo Xumaan iyo wanaag kii la doono ha lagu gaadhoe waxa kaloo jira iyaguna waddamo kale oo badan oo arrintaas geed dheer iyo mid gaaban u fuushan waxa ka mid ah sida xogaha lagu helayo Masar,Italy,iyo Qadar.
Aragtida cusub (New theory) waxay tilmaamaysaa in qaybo ka mid ah bulshada Sida Abwaannada,Fanaaniinta,wariyayaasha Aqoonyahanka qaarkod Ururada bulshada iyo cid kasta oo lacag lagu jiidan karo la duufsado Si dib loogu noqdo 1960-kii ka dibna beer laxawsi badan.Oohin.Baroor iyo maansooyin la curiyo lagu raadiyo Somali jacayl (Pan –Somalism).Waxa baryo dhowayd la isku dayay in la abuuro maansooyinkii oo boodhka laga tumo Deelley.Siinley iyo Suugaan cusub oo loogu magacdaro xarfaha af Somaliga. Ujeedka hore waxa laga bilaabayaa in Somaliland lagu ceebeeyo Musuq –maasuq iyo maamul xumo hase ahaatee aan intaas ku koobnayn ee ka sii qotto dheer ujeedkooda dhabta ahi aakhirkana uu isu bedeli doono Somali jacayl.
Haddii taasi suurto geli waydo waa in la abuuraa jawi dhibta Somalia ka jirtaa u baaho una wada gaadho Somaliland lafteeda oo xaasidnimo, buuq iyo Xorriyadda hadalka lagu hal qabsado ka dibna ay u soo baxdo fikir kale oo ah Somalia waa isku mid.dhibta haysaana waa is ku mid ee side wada jir wax loogu wada raadiyaa ka dibna waar waxba isma dhaanno ee (0) ha laga wada bilaabo.
Sidaas darteed akhriste ka fikir abwaaninta ilmada ceshan kari waayay ee ka ooyaya shirarka meelahaas lagu qabsanayo iyo xafladaha Somalida miyaynaan odhan Karin baroortu orgiga ka wayn.
Howlahan Xukuumadd turkigu waxay u magacowday La taliye khaas ah oo Madaxweyne Farmaajo kala taliya arrimahan,Somaliland Xukuumadeeda iyo Shacbigeeda waxa looga baahanyahay aragti dheer oo lagaga hor tago (Virus) kaas la faafinayo iyo feejignaan dheeri ah iyo in Dowladaha Somalilnd daneeya looga doonto taageero la mid ah ama ka xoog badan.
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213