Aduunyadda halkee baynu kaga jiraa? (WQ: Axmednuur Guruje)

Kooxda loo yaqaano , Global Chief Economist , oo ah koox ka shaqaysa indha indhaynta iyo qiimaynta dhaqaalaha Aduunka oo xaruntoodu tahay Wadanka Singapore ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen waxay ku magacaabeen 7 wadan ee korodhka dhaqaalahoodu yahay 7% iyo in ka badan Aduunka oo dhan , todobadaa wadan 5 ka midi waxa ay ku yaalaan qaaradda Eeshiya , laba na qaaraddan Afrika.

Shanta qaaradda Eeshiya waxay kala yihiin , Hindiya , Bangaladhesh , Myanmar , Vitnam iyo Philphine , halka labadda Afrikana ay yihiin EThipia iyo Ivory Cost.

Waxyaabaha daraasadani u cuskatay qiimaynteedana waxaa ka mida , kor u kaca dakhliga bulshada , sarre u kaca adeegyadda caafimaadka iyo tacliinta , iyo sugida tayada alaabooyinka iyo sahlida adeegyadda.

waxyaabaha sidda gaarka ah hoosta looga xariiqayna waxaa ka mida , korodhka dakhliga bulshada , xasiloonaanta siyaasadeed iyo dib u habaynta haayadaha iyo abuurista jawiga cusboonaysiineed.

Dhinaca kale , Wadanka Bangaladhash wuxuu noqday wadankii ugu danbeeyeyee ka baxay Wadamada loo yaqaano wadamada soo koraya kuna biiray wadamadda horumaray , dadaal uu sameeyey awgii.

Si kastaba ha ahaatee , anigu ( Somliland) Aduunyadda halkee baynu kaga jiraa ? ma jirtaa qiimayn la inagu sameeyay amaba inagu aynu isku samaynay?

Suurta gal se ma tahay in aynu raacno hal-beegyada Aduunyaddu raacdo si aynu xaaladeena u qiimayno , mise meel ay inala gaadhaba waynu iska soconaa inta ay waayuhu ina hafinayaan.