Sheekooyinka murtida badan le ee Soomaalidu weriso waxa ka mid ah sheeko la yidhaahdo “Sheekadii Diigga” sheekadan oo koobani waxa ay odhanaysaa raxan digaag ah oo meel ku dhaqan ayaa waxa ku jiray hal diig oo labood u ah, diiggani waxa uu lahaa caado ay badiba digaagga laboodka ahi leeyihiin oo ah in uu waaberiga hore aad u ciyo, cida diigga ee hiirta waaberi oo badanka ku beegan xilliga salaadda arooryo la eedaamayo waxa lagu macneeyey in ay qudheedu tahay eedaan ilhaam ah oo diigga Alle ku ilhaamiyey. Sheekadu waxa ay leedahay diiggaa laboodka ahi waxa uu aroor walba si xooggan u eedaami jiray xilligaa. Diiggii oo shaqadiisii si fiican u wata ayaa maalintii dambe waxa u yimi nin miinshaar afbadan wata, waxa uu diiggii siiyey amar ah in uu eedaanka arooryada hore ee maalin walba dhegihiisa ka dul yeedha joojiyo, sababta waxa kuu sheegay in uu qof ahaan dhibsaday eedaanka diigga. Diiggii waxa uu garwaaqsaday gardarrada ninkan, gees kale na waxa uu ka cabsaday miinshaarta afka badan ee ninkan kibirsan gacantiisa ku jirta. Arrinkii waa rogrogay, waxa uu isku qanciyey in ay boqollaal diig oo kale joogaan, kuwaa kale ba eedaanka arooryada hore waa ka adag yihiine adigu naftaada badbaadi oo shaqadan jooji ayuu go’aan fulaynimo badani buuxisay ku gooyey. Ninkii odayga ahaa dalabkiisii hawraarsan iyo yeelay ayuu ku qaatay, waxa uu istusay in uu naftiisa la baxsadaa in ay gar ahayd go’aankuna qummanaa.
Dhawr dharaarood ka dib waa diiggii eedaanka joojiyey oo dheddiggiisii dhex jooga, waxa mar labaad u soo muuqday ninkii Abuu minshaar oo maantana miinshaartiisii afka badnayd gacanta midig ku lalansanaya, dhulkii baa ku yaraaday, waxa uu nafta ku yidhi tolow ma eedaankii diigga deriska ah ee xalay aadka u baxayey ayuu adiga ku mooday, dood iyo dhaar ba wixii uu isku difaaci lahaa ayuu sii diyaarsaday dhawrkii ilbidhiqsi ee ninku ku soo socday, ninkii waakan soo gaadhay, waxa uu markii ba hadalkii uga bilaabay ” Waar yaa diigow, maalmahan ba halkaa ayaa aan kaala socday, socodkaaga ayaa aan si fiican ula socday, waxa aan ku arkaa adiga oo sidii diig labood ah tallaabada ugu xarrago soconaya, maanta laga bilaabo waa in aad sida digaagga dheddigga ah u socotaa, yaanan dib kuugu arag adiga sida laboodka digaagga u soconaya”. Diiggii maantana waxa hor timi maalin adag, waxa maanta laga rabo in uu joojiyaa abuur Rabbaani ah oo aanu awood ba ku lahayn, wax ka beddel walba oo uu samayn karaa waa mid socon kara inta xasuustiisu si gaar ah ula socoto dhadhaqaaqiisa oo qudha. Joogtaynta xasuustiisa in uu ku ilaaliyo socodkiisuna waa ku dhib iyo kadeed nafsadeed, yeelkeed se, doorasho kale uma taallo, maantana naftiisa ayuu la baxsaday, mar labaad hadalkii ninka waxa uu ku guddoomay haye iyo amarkaagaa jira mudane.
Diiggii dharaaro aan badnayn kolkii uu eedaan la’aanta iyo socodkii dheddigga dhibtii ka soo gaadhay la dacdarraysnaa saaka waa subax kale, waxa mar kale meel aan ka durugsanayn ka soo muuqday ninkii Abuu minshaar, waxa uu maanta sidii nin dagaallamaya u laallaadinayaa miinshaartii afka badnayd, diiggii kolkii uu Abu minshaar wejigiisa arkay ba waxa uu gartay in xaalku maanta aad u cakiranyahay marka loo eego dharaarihii hore, Abu minshaar waakan yimi, waxa uu markii ba hadal cadho badani ka muuqato ku aduufay diiggii yaabbaanaa oo naxdin awgeed geeri iyo nolol dhex taagan, ” Waar yaa diigow, maalin walba biyo iyo hadhuudh baad cuntaa, ma eedaantid, sida dheddiggana waad u socotaa, maxaad kaga duwantahay dheddigga? Waxba kagama duwanid, sidaa awgeed waa in aad waxtarka dheddigga oo kale yeelataa, waxtarka dheddigga ma garanaysaa? Waxtarka dheddiggu waa in ay barqo walba ukun (beed) dhalaan, waaryaa, waa in aad subaxa saaka beed dhashaa, haddii aad beed dhali waydo kurta ayaa aan kaa goynayaa, dhaqso hadda dhawr xabbo oo beed ah dhal, waar dhal dee”. Diiggii maanta xaalkiisu ma aha mid la tilmaami karo, murugada iyo naxdinta haysa ayaaba geerida kaga xanuun badan, waxa laga guntay weedh muujinaysa heerka uu joogo ee xanuun, murugo, qoomammo, hallaw, iyo werwer dambe ba buuxiyeen waxa uu yidhi ” Hooggayga iyo ba’aygee maan dhinto maalintii aan xaqa ku eedaamayey” maanta waa noolyahay, weli miinshaartii waa dul taagantahay laakiin xaalka uu ku jiro awgii waxa uu door bidayaa geeri dhaaftay oo ah in maalintii uu xaqa ku eedaamayey la dilo. Maanta ayaa la dilayaa isaga oo xaqii laga madal hufiyey oo majarihii toosnaa la weydaariyey, maanta ayuu waayayaa noloshii uu awgeed dullinnimo, gunnimo, fulaynimo iyo khaatumo seegba u doortay. Maanta ayuu ku eedaysan yihiin tallaabooyinkii uu shalay ku amranaa samayntooda. Cashar midkan la mid ah waxa maanta inna baraya wadaadka la yidhaahdo Dr. Caa’id Alqarani.
Ismaaciil Xaaji Ciise, Hargeysa Soomaalilaand.