Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Q.3aad (1962 – 2018) (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Markii la wareejin doodda

Wax araggaaga ha fogaynin

Waydiintaada ha cuslaynin

Weedhaaduna ha is dhex taallo

Haddii waxba lagu su’aalo

Adoo run ka weecanayaa

Beenna iska waaninaaya

Ha waayin wax aad tidhaahdo

Wankayga cadoow ha naaxin!

 

  • ‘Wanka Cad’ Axmed Siciid Diiriye; 1988. 

Qof kasta oo doonaya in uu cabbiro hibada maanseed, hal-abuurnimada, iyo hoddantooyada af iyo dhaqan ee uu alle ku galladay Alle ha u naxariistee Abwaan Axmed Siciid Diiriye “Af-gudhiye” halka ay gaadhsiisnayd, waxaa ku filan in uu barto Maansada aynu maanta qayb ka mid ah soo qaadan doonno ee “Wanka Cad” ama “Baruurtu Wadkaaga Weeye”. Maansaddani ‘Afgudhiye’ oo qudha kuma filna in ay sheegto qofka uu yahay; waa maanso adduunyada bari karta, heerka uu saqaafadda fanka iyo dhananka Soomaalidu gaadhsiisan yahay; quruxda uu leehayahay fanka wax isku gudbinta Soomaalidu. Taasi oo macneheedu yahay, Maansadani waxa ay sheegi kartaa halka ay caqliyadda iyo fekerka Soomaalidu gaadhsiisan yahay. Nasiib darro, dunni kale haba ku soo gaadho’e, waxa ay wayday, cid barta dadkeedii uu abwaanku ula gol lahaa.

Hadda ka hor, ayay hawl yar oo koobani isku kaaya keentay, Dr. Martin Orwin, oo ah Af-yaqaan Afafka Somaliga iyo Amxaariga ka dhiga Machadka Barashada Afaf-ka iyo Dhaqanada Afrikaanka (SOAS). Martin waxa uu sidoo kale, Qaybta Soomaaliga u qaabilsan yahay, Xarunta Afka Ingiriisiga loogu turjumo Suugaanta dunnida (Poetry Translation Centre) oo ay labaduba ku yaallaan London. Waxa aan la soo qaadday Maansadan; Tiiyoo aan Muqaddimad Soomaali iyo Ingiriisiba leh wadatana waan u diray. Martin oo ah nin afka iyo dhaqanka Soomaaliga aad u bartay, ayaa aad ula yaabay miisaanka ay leedahay maansadani. Waxa uu iisoo qoray isaga oo ereyo muraaqo iyo u-riyaaqsanaan balaadhani ay ka muuqaqto ka horeysiinaya “Maansadan dugsiyada iyo meelaha la mid ka ah ma lagu bartaa?”.

Waa su’aal aad mudnaanteeda u lahayd oo meesha taallay; Jawaabteeduna ay mid uun ahayd. Waa ta ay ilaa maantadaa tahay. “Maya!”. Waxa uu – isaga oo la yaabban soddon sanno oo uu arimaha Suugaanta Soomaalida ku jiray uu maansadan u arki waayay – ii sheegay duruufo macquul ah, oo ay tan aan xusay ay ku jirto, oo aan maansadaas turjumaddan hadda loo gali Karin.

Maansada aynu galno’e. Maansadani waa dhaqan guuraya! Hadda isagii oo ‘jaqaf-jaqaf’ leh! Waa fan dhan oo guuraya oo ummad lagu qiimayn karo. Maanasadu waxa ay leedahay laba waji; (1) Ujeeddo guud oo uu Abwaanku maansada u abuuray, oo ah farriinta ay maansadu siddo, (2) iyo Sheeko xariiro aad u qurux badan oo dhaqan uu dhambaalka farriinta ah uga dhigay gaadiidka xambaaraya si ay u farriintii iyada oo xiise gaar ah leh si sahal ah cunaha ugu mari karto bulshada. Jilaayada maansada (Charecters) waxaa ka mid ah; Laba wan – oo midi wayd yahay, midina awran yahay – abwaanka, ooridiisa, iyo wadaad.

Waxa aan waydiiyay; “Sababta iyo goorta uu maansaddan Sameeyey?”

Waxa uu ii sheegay; “Sifooyin badan baa maansadan dadwaynuhu ay huwiyeen…  Laakiin farriinta rasmiga ah ee ay maansadani sidday haddaad I waydiisay, waxa ay ahayd; Dhamaadkii Todobaatanadii (1970-nadii) ilaa siddeetamaadkii (1980-nadii) ilaa laga soo gaadhayay Sagaashankii, waxaa adduunyada ka socday, wareer iyo wajaqe. Waxa socotay sheeko ahayd; waddan Muslim ah uunbaa la yidhaa ‘Waxbuu qabsaday’, Waa la weeraraa uun! Waxaa ka mid ahaa 1979-kii Afghanistan waakii Ruushku galay, haddana waakii uu Maraykanku Libya iyo Iran iyo Ciraaq iska daba weeraray. Markaa waddamadaas baan wacdinayay oo aan lahaa ‘Waar haddaad wax qabsanaysaan, aseeydaan mid qudha ahayn, mid waloowba adiga oo is dhuubaya dantaada qabso. Farriintu intaas uun bay ahayd. Maansadu waxa ay soo baxday sannadkii 1988-kii”. 

Iyada oo ay u jeeddada guudba intaas ahayd, haddana, ma kula tahay in uu Af-gudhiye, sidaa qayaxan wax u sheegay? Ma waxa ay kula tahay in uu yidhi;

‘Afghan Waatii La weeraray

Waxbaa gaadhoo Ciraaq

Iiraanna wacdaraa la biday

Adna Waa laguu Soo socdaa!’?

Xaasha!

Waa hubaal qaar badan oo Alle-ku-bed ah oo aynu goor noolba booshaaqooda iska macaansannaa, ay sidaas maryaha ugala bixi lahaayeen. Hal-abuurka dhabta ah ee qun-baxa-ah-se, waxaa aan lagu garan waayin inta goor ee uu waji laga dheefo uu maansaddiisa u yeeli karo. Alle ha u naxariistee Af-gudhiye waxa uu ka mid ahaa, hal-abuurka tirade yar ee maansadiisa macnayaal badan oo lama suureeyaan ah ku sargooya.

Bal aad u dhugo inta goor ee uu ku cashariyo; mar waa uu kugu wacdinayaa qudhaada, mar af iyo dhaqan gaamuray buu ku barayaa, mar kale hal-abuurnimo hawrtay farshaxan fogaaday buu kugu habayaa, mar afraad-na siyaasad adduun iyo arimo maankaaga ka wayn buu kuu sar-sarayaa bal si aad u saafan karto. Ma cashar ka wayn baad meel og tahay. 24 sano oo kali ah ayuu jiray sannadkii 1988-kii oo uu Maansadan aynu magaabsan doonno Magaalada hadda aan joogo uu ku sameeyey.

Haddaba, Sheeko yaab leh buu inoo sidaa, ee in yar dhagaha u fur!

“Waa xili abaar ah, oo xoolo iyo dadba lagu naaftay, ayaanu adhi dhawr tiro gaadhaya quluulinay (meeshii abaarta ahayd ka kaxaynay oo meel cosob leh aanu u wadnay). Geedigii baa nagu dheeraaday, dhawr caano maal baanu soo soconay, dhawr kalena way noo hadheen. Waa kulayl, dhulku qalalan yahay oo aan wax baad ah lagu ogayn, biyona daa warkooda. Xooluhu wax jilicsan iyo wax kaleba way leeyihiin.

Waxaa xoolaha ku jira wan yar oo isagu abaartii ku waydoobay oo socodku dhibayo, geediga noo hadhayna aan tahli karin in uu sii socdo. Xawaarihiisu waa gaabis oo hadba in nabar ah ayuu adhiga ka hadhayaa, balse intaaba wuu iska daba tukubayaa. Waxa kale oo adhiga ku jira, Wan awranaantiisa aad moodid in uu saban barwaaqo ah ku jiro oo aanu abaarba nuurigeeda arag. Leg iyo badhiduba buurtaas ayay leeg yihiin. Waxaa u dheer dur-duro iyo biqlayn ayuu hadba adhiga u hor iyo gadaalba birin birqaynayaa.

Goor aanu daal iyo diihaalba bes nahay, oo dhawr caano maal oo dambena geedigayagii nooga hadheen, ayuu wankii shislaa arkay wankii waydda ahaa oo tallaabada hinjin kari la’, daal iyo tabar darri darteedna in uu fadhiisto u dhaw. Qosol ayuu qawlalada tusay, oo isaga oo ku wiirsanaya jirjirka hadba genef kaga xoqay.

Wankii yaraa waa uu calool adaygay, dabada ayaanu is qabtay oo tallaabada isku dirqiyay. Waxaanu ballan ku qaaday in aanu intii taagtiisa ah uu iska daba luudo, oo aanu fadhi ku deg-degin. Sidii wax laysku daba heetiyoba, gabbalkii ayaa dhacay, geedigiina waxaa qormo looga eleleday meel dhexe. Cabbaar markii reerkii geediga ahaa nagaaday ee dabkii la shitay, xoolihiina xeryo loo ooday lagu kala hubsaday, Ayaa waxaa reerkii soo dul joogsaday marti hor leh! Waa wadaad heeryaysan oo waysadiisii iyo kitaabkiiba midba garab ku jeeni qaaran. Maanshaa Alaah!

Cabbaar markii aanu is nabdaadinay wadaadkii, ayaa ilayn waa caadadeeniiye, markiiba aan la hadlay islaantaydii;

‘Aa heblaayooy! Wanka galaalan ee adhiga ku jira soo qabo, oo wadaad baa ina dul joogee u soo loog’.

Gabadhii markiiba xaradii ayay gashay. Wankii oo uu ag fadhiyo wankii yaraa ee waydda ahaa ayay dhegta soo qabatay. Wankii yaraa wankii waynaa ayuu illayn waa abaal uu dhitaystaye, qosolkii uu ku qoslay mid la mid ah uu isna gawsaha tusay. Wuxuu wankii tusay in wayddii uu ku wiirsanayay uu ku badbaaday, isna baruurtii iyo waaxyihii uu ku faanayay uu ku baxay oo loo sadqeeyay.

Halkaas markii ay marayso, ayaan wacdi u bilaabay wankii yaraa!”

Hadda la soco oo sheekaddu waa male-awaal (fictional). Waa filim ay jilayaan intaas intaas aynu kor ku soo xusnay; Labada wan, Abwaanka, Ooridiisa, Wadaadka iyo qaar kale oo badan oo kale oo uu maanssada ku sheegi doono. Sheekada oo dhan arinta igala wayni waxa ay tahay; casharka dhaqanka ah ee ay maansadu siddo. Waxa uu isku keenay oo uu inna barayaa, dhawr iyo toban sababood – oo ay ku jiraan qaar casri ah – oo ay Soomaadu dhaqan ahaan u shidaysato (adhiga u qalato, ama u qalan jirtay).

Waxa uu wacdigii wanka uu farayay uga bilaabay, laba sababood oo hadda ay saansaankoodu isla hadda ay muuqdaan oo loo sadqayn karo. ‘Haddii aad awranaantaa door mooddo waxaa kugu filan, Dhurwaa ama Libaax muska soo jiidha oo sararta ku haleela; ama wadaadka wadaadka halkaa fadhiya oo

Wuxuu yidhi;

Wankayga cadoow ha naaxin

Wayddaa hadda lagu baxaaye

Baruurtu wadkaaga weeyi!

 

Waxaan kaaga waanin jiidhka

Waraabaa sumalka eega

Dawoco waabkeed ku hooya

Wakaaf Aar-baa ka taliya

Shabeel-baa u wehelinaaya

Weeriyo Yey-baa ag weeran

                        

Intuba walamlaynta hilibka

Ku kala daran walaqsi dhiige

Wankayga cadoow ha naaxin!

 

Waxaan kugu idhi warmooge

Wadaad baa reerka jooga

Wadeeco ka faalinaaya

Waddaran raadkeed guraaya

Wardigu waaxyaha hilbaysan

Indhaha wuu ku weeciyaaye

Ayaan waclalaaf[1] ku sheegan!… 

La Soco…

Halkan hoose ka akhriso qormooyinkii hore: 

Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta (1962 – 2018)

Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Q.2aad

[1] Waclalaaf: waa anfaaciga uu wadaadka faalinayaa ama wax dabiibayaa si uu faalkiisu/daawadiisu meel mar u noqdo uu ku xidho qofka loo faalinayaa/la dabiibayo in uu la yimaad. Tus. Wuxuu odhanayaa, ‘Faalkeenu ma saxmayo haddaan wan wayn oo galaalan iyo ri seenyo ah lays dul dhigin, oo aan Joonyad qaad ahna la dul dhigin’. Hadda ogow waa si uu isagu u cuno eh!