Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay codsanaysaa in la sii daayo suxufi Maxamed Caabi Digaale

 

Maxamed Caabi Digaale oo ah agaasimaha telefiishanka Universal xafiiskiisa Hargeysa ayaa maanta Hargeysa lagu xidhay. Faah-faahin dawladdu weli kama bixin xadhigiisa. Waxa se xoguhu muujinayaan in loo xidhay hawlihiisa warbaahineed wax la xidhiidha, gaar ahaan war ka baxay telefiishanka bilawgii bishan.

Ma jirin wax amar qabasho ah oo ka soo baxay maxkamad oo lagu xidhay, sida uu sheegay Maxamuud Jaamac Cabdi, gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland.  Taas oo ka soo horjeedda dastuurka Somaliland. Sidoo kale dastuurku wuu mamnuucay in suxufi loo xidho shaqadiisa warbaahineed. Waxaannu dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanaynaa inay sii dayso Maxamed Caabi Digaale.

Dhinaca kale waxa jira dhawr qof oo kale oo u xidhan aragtidooda oo ay cabireen. Dadkaas waxa ka mid ah Naciima Axmed Ibraahim oo la xidhay27 January, Cabdicasiis Adan Jalow oo la xidhay 6 February kadib markii uu shir jaraaid qabtay iyo Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7 February, iyada loo haysto qoraalo la sheegay inuu ku qoray bogiisa Facebook ga.

Qareen Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan ayaa la xidhay maanta, 17 February. Waxa isla maanta la horgeeyey maxkamadda militariga. Sida uu sheegay xoghayaha guud ee Ururka Qareenada Somaliland, Cabdirisaaq waxa loo xidhay su’aal uu waydiiyay madaxa dab damiska oo ka qayb galay barnaamijka qanci dadkaaga. Xubnin qoyskiisa ka tirsan oo la hadlay Xarunta, ayaa sheegay in Cabdirisaaq hore ugu shaqayn jiray dab damiska.

Sida ku cad qodobka 104 ee Dastuurka Somaliland qof rayid ah lama gayn karo maxkamad militari.

Xaruntu waxaay ku baaqaysaa in dhamaan dadkaas xorriyadooda loo soo celiyo oo la ixtiraamo xaq ay dadku u leeyihin inay hadlaan.

Guuleed Axmed Jaamac

Agaasimaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland