Ciidanka Dabdemiska Hargeysi waxay ka qayb gaateen hawlgalkii labaad ee lagu bannaynayay Suuqa Waaheen 

 

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka hawlgalo ballaadhan oo isugu jiray bannayn iyo nadiifinba ka sameeyay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Hawlgalkan ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii nidaam loogu samayn lahaa dadka wadhatada ah ee ka ganacsada suuqaasi, taasi oo aan ilaa hadda lahayn nidaam sax ah.

Hawlgakan ayaa waxaa hogaaminayay, Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid,Maayor Xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne, Xoghaya Dawlada Hoose Hargeysa Iyo Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Qaranka.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ujeedada hawlgalkan uga qayb galay ahayd sidii loo heli lahaa Waddooyin iyo meelo loo maro hadii dab kaco suuqaas, iyadoo tiraba dhawr jeer uu ka kacay suuqaasi dabab kala duwan , iyadoo taasi jirto isla markaana caqabado waaweyn ciidanka dabdemiska ka haystaaan marka la daminayo dabka waddooyinkii iyo meehsii loo mari lahaa ayaa ciidanka dabdemisku talo ku soo jeediyay Dawlada Hoose Hargeysa in la helo waddooyin loo maro suuqyada waaheen iyo gobanimo marka lagu jiro hawlgalada dabka, waxaana Maamulka Dawlada Hoose ay jawaabeen codsigaas,iyadoo taa laga duulayana waxaa la qaaday hawlgaladan lagu nidaaminayay suuqyada gobanimo iyo waaheen.

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska oo tilmaamay in aad loogu baahnaa hawlgalkan dawlada hoose ee hargeysana ay aad ugu mahadnaqayaan sida ay u soo qorsheeyeen hawlgalkan, waxaanuu agaasimuhu sheegay in dabdemisku caasimada ay muhiim tahay in loo helo goobo uu maro haduu dab ka kaco suuqyada hargeysa.

Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay Duqa Caasimada Hargeysa oo dadweynaha u sheegay in loo samaynayo nidaam iyo bilic in loo helo suuqa waaheen, sidoo kalena la helo goobo loo maro badbaadada dabka hadii ay dhacdo, waxaa kaloo gudoomiyaha golaha deegaanku u sheegay dadweynaha in qofkastaba goobtii uu ku ganacsanayay uu hadhaw dib u heli doono, balse imika tani ay tahayuun in la saxo nidaamka suuqa. Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in dhamaan suuqyada caasimada qorshadaha dawlada hoose yahay in dibuhabayn lagu sameeyo, horena loogu soo sameeyay suuqa gobonimo ee magaalada hargeysa. Sidoo kale wuxuu mayorku uga digay dadweynaha inay ku soo noqdaan goobahaa laga raray.

Ugu dambayn hawlgalkaas ayaa soo dhamaaday waxaana dadweynaha suuqa iyo guddida bacadlaha  waaheenay uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee xukuumadoodu adeega u soo gaadhsiinayso.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL

Hargeysa/Somaliland.

990-Emergency Call.