Af wax cunay xishoo! (WQ: Cadikariim Xasan Ismaaciil “Qurusdoon”)

Marka aad dhawranaysid karaamadaada, una aragtid in ay tahay hantida ugu qaalisan ee aad haysatid, dhab ahaantii waad difaacanaysaa xataa haddii naftaada aad u waayeysid. Laakiin marka aad maslaxad dhaafsatid, AFKAA JUUQDA GABA!

Marku Ingiriisku gumaysan jiray dalka Hindiya ayaa sarkaal ka tirsan boqortooyada oo ku sugnaa Hindiya waxa uu dhirbaaxay muwaadin reer Hindiya ah. Muwaadinkii dhirbaaxo ka daran tiisii ayuu ugu jawaabay dhulkana ugu tuuray sarkaalkii.

Sarkaalkii oo ciil iyo cadho la karaaya ayaa u tegay sarkaalkii ka sarreeyey ee qaybta haystay wuxuna u sheegay in la bahdilay.

Sarkaalkii qaybta haystay waxa uu furay khasnaddii lacagta wuxuna u dhiibay 50,000 oo Rubbi (Lacagta Hindiya). Wuxu amray in lacagta uu qaado una geeyo muwaadinkii uu dhirbaaxay. Sarkaalkii yaab iyo amakaag ayay ku noqotay arrintani, wuxuna ugu jawaabay, “ ma ninka sharaftaydii, taadii, iyo tii boqoradda dhulka jiiday ayaad ileedahay weliba lacag ugu abaal gud?”.

Wuxu ku yidhi waa amar ciiddan ee fuli arrintaas!

Ninkii muwaadinka ahaa ayuu ku noqday una geeyey lacagtii isaga oo weliba u raaciyey cudurdaar dhirbaaxadii uu ku dhuftay.

Muwaadinkii lacagtii wuu qaatay, lacagtiina ganacsi ayuu geliyey wuxuna kamid noqday dadka ugu taajirsan Hindiya xilligaas.

Muddo kadib ayuu sarkaalkii qaybta haystay u yeedhay sarkaalkii dhirbaaxada loo geystay. Wuxu ku yidhi, “ ma xasuusataa ninkii dhirbaaxada kaa jaray berigii?” wuxu ugu jawaabay, “ ninkaasi ma nin aan illaawi karaa!”

Wuxu ku yidhi u tag ninkii, shaqaalihiisa, ciiddanka illaaladiisa iyo dadweynaha hortooda dhirbaaxo kulul kaga soo aargooso maanta.

Sarkaalkii oo yaaban kana baqanaya in uu arrintan sameeyo ayaa fuliyey amarkii. Dhirbaaxo kulul ayuu si fiican ula beegsaday dhulkana ugu tuuray!

Ninkii Hindigi ahaa markan wuu qoslay, boodhka ayuu iska tumay, iska daa in uu ka jawaab celiyee, xataa kor umuu eegin askarigii.

Isaga oo faraxsan ayuu ku noqday sarkaalkii qaybta haystay una sheegay sida ay wax u dhaceen. Xikmaddan ayuu ugu jawaabay:

“ MAALINTII HORE EE UU DHIRBAAXADA KA JAWAABAY HANTIDA KALIYA EE UU HAYSTAY WAXA AY AHAYD KARAAMADIISA, MAANTANA MASLAXADDIISA AYUU ILLAASHANAYAA”

AKHRISTE, MAXAA SHALAY MAANTA UGA EEG! HADDA LA SOCO, MAALINTII KHAMIISTA WADDAMADDII GACANTA KOR U TAAGAY, MAGACYADOODA WAA LA QORANAYEY!

Hoos ka akhri maqaaallo hore oo uu qoray Cabdikariim Qurusdoon

http://bandhige.com/xikmaddii-hoggaaminta-ee-ka-timid-ninkii-xaraashay-gaadhigiisii-ferrariga-ahaa-wq-cabdikariim-xasan-ismaaciil-qurusdoon/

http://bandhige.com/saddexdii-cabdillaahi-ee-walaalaha-ahaa-iyo-dhaxalkii-aabahood-wq-cabdikariim-xasan-ismaaciil-qurusdoon/